From Garoweonline.com
Ogeysis muhim u ah Somalida Minnesota
By
Aug 26, 2008 - 7:33:03 AM
1)
Documentiga safarka iyo xajka sanadkan
Marka hore waxaan u bishaaraynayaa umadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta
adduunka dhamaan maadaama ay dhowdahay bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan
ognahay in waqtigii xajka uusan dheereyn. Waxaan ogeysiinaynaa xujeyda ka
tegya maraykanka ee aan weli dalban dokumentiga lagu safro gaar ahaan Travel
Document
A)
Inay
dhaqso u dalbadaan. Haddii kale waxaa dhici karta in qorshahooda safarka Xajka
uu suuroobi waayo oo intaad dokumenti sugaysi Xajka ku dhaafo
B)
Inay
raaciyaan warqad codsi ah oo lagu muujinayo in la dedejiyon. Yaa Xaaji dadaal
, waxaa ku sugaya inaad hesho visa Sacuudi ah iyo diyaarad aad raacdo- taasna maanka
ku hay.
2)
Dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay safraan oo aadaan
dalal kale waxaan kula talinaynaa labo shay:
A)
Inay
koobi ka samaystaan dokumentiga ay ku safrayaan
B)
Inay
meel ku qortaan dalka ay tegayaan addresska iyo telefoonka cidda ay ku degayaan
sababtoo ah waxaa dhici karta in airporka dalka aad gelayso laguugu weydiiyo
ama lagaaba soo celiyo ayagoo u malaynaya in aadan haysan dhaqaale aad ku
joogto ama aad dan kale u socoto. Waxaa fiican in aad hoteelka ama qofka aad
ku degayso addresskiisa meel ku qorato ka dibna aad soo dhoweysato inta aadan
gaarin immigration officerska. Ogow inay adag tahay in haddii airport dal kale
lagaa soo celiyo uu dalkaaga wax kuu qabto sababtoo ah dalalkaasi waa dalal
madax banaan
3)
Sponsor, Affidavit of Relationship, US Refugee Resettlement
Programs
Sida la wada ogsoon yahay barnaamijkii qaxootiga Africada bari lagu keeni jirey USA waa la hakiyey, Sida dhabta ah
wax weyn ayaa iska bedelay barnaamijkaas ayadoo weli la qorshaynayo in isbedelo
kale la sameeyo. Inkastoo DNA ay tahay Science cajiib ah hadana ma ahan quraan
ama hadiis. Caruurta Soomaaliyeed ee maraykanka yimaadaan ayagoo uu
qoysaskoodu bur bursan yahay waxay la kulmaan duruuf adag oo khaasre u leh
waalidkooda iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed. Waxaan ka digaynaa in DNA abuurto
shaki isla markaana bur buriso qoysas Soomaaliyeed taasoo samayn ku yeelan
karta caruur badan
4)
Visaha guurka ee lagu yimaado maraykanka
Guurka ayaa noqday beenta ugu badan ee dad badan maraykanka ku
yimaadaan sidaa darted dawladdu waxay qaaday talaabooyin ay ku xaqiijinayso in
guur kasta yahay mid dhab ah. 21 bilood ka dib lamaanayaasha is guursaday
waxaa laga rabaa inay warqad wada qoraan ay ku cadaynayaan inay is qabaan weli
oo uu guurkoodu ahaa daacad, haddii ay yeeli waayaan waxaa dhici karta in
xaaladda sharcigu ku adkaato. Goorta iyo sida loo qoro warqaddaas kala tasho
immigration lawyer, Sidoo kale Soomaalida dalbata visaha guurka meesha ugu
badan oo ay ku dhacaan waxay noqotay Sidee kuwada xiriirtaan? Waxaa taas looga
bixi karaa in warqado la isu diro ama email inta viasaha uusan soo bixin ilaa
maalinta interviewga. Taas ayaa cadaynaysa xiriirka qoyska.
5)
Baaq xabad joojin ah oo ku socda da’ yarta
Soomaaliyeed ee Minnesota
Sanad gudahii Soomaalida Minnesota
waxaa laga dilay 5 qof iyo dhaawac intaas ka badan. Hadda waxaa soo kordhay in
ay maalin cad dhacaan ganacsiga Soomaalida iyo kuwo kaleba ayagoo aad u
hubaysan. Ilaa hadda kuwa gaystay dilalkaas gacanta laguma soo dhigin.
Booliska Minnesota
waxaa uu sheegay inay dilalkaas ka danbeeyeen da yar Soomaali ah. Waxaa kale oo
ay ku andacooday in aanay Soomaalida sheegin qofkii wax dilay sabab kastaba ha
noqotee. Waxaa kale oo uu sarkaal ka tirsan policekan shaagay inayba
Soomaalida si qarsoodi ah u dhoofiyaan denbiilayaasha ay qaraabada yihiin.
Waxaa ay noqotay wax la wada ogyahay ammaan darida haysata bulshada
Soomaaliyeed eek u nool Minnesota.
Meel walba waxaa laga cabanayaa waa wiilal Soomaaliyeed oo da yar ah oo
hubaysan. Waxaa la sheegaa inay gangs leeyihiin, inay isdilaan iyo inay dadka
waaweyn ee Soomaalida dilaan ama dhacaan oo aad looga baqo. Waxaa iska cad in
dadkeena waaweyn aanan badanaa fahmin dhalintaan habka ay u fikiraan ama
luqadda ay ku hadlaan iyo sababta keentay in wiilashaan sidaan noqdaan.
Waxaan ognahay inay qaarkood la kulmaan shaqo la’aan iyo dulmi badam
sida: kan xagga
midabka ah. Waxaan kale oo ogsoonahay inay ayagu naftooda dulaman yihiin (victims)
oo ay saameyn ku yeelatay colaadihii sokeeye ee Soomaaliya iyo qaxii ay soo
mareen ama iskuul la’aantii soo martay qaarkood iyo la qabsiga ay is leeyihiin
la qabsada ama isu ekeysiiya facooda maraykanka ah ama ay rabaan in ay helaan
lebiska ama hantida ay haytaan facooda maraykanka ah laakiin taas sabab uma
noqon karto dilka ama dhaca ay ku hayaan dadka waaweyn ama naftooda. Waxaa
kale oo iska cad in aanan wax badan ka ogeyn gaar ahaan da yarta timid Amerika
ayagoo aanan waalidkooda la socon ama ayeeyo/awoowe keenay.
Marka hore waxaan dhalintaan ka codsanaynaa
A)
Inay
xabad joojin sameeyaan oo dhaqan geliyaan
B)
Inay
sheegtaan waxa ay tabanayaan ama waxa colaadda (dil iyo dhac) sababay
C)
Inay
ka fiicnaadaan dadka waaweyn oo ay iyagu bilaabaan wada hadalka
Dadka waaweyn waxaan ka codsanaynaa
A)
kuwa
fahmaya luqadda da’yarta ama waxa ay tabanayaan ama waxa colaadda
sababtay inay soo sheegaan
B)
In
la qabto shirweyne Soomaaliyeed oo looga hadlayo ammaanka Soomaalida Minnesota iyo xabad
joojin iyo sidii loogu dhamayn lahaa colaadda wada hadal qaab nabadeed (Round
table discussion)
C)
Ayadoo
lala kaashanayo jaamacadaha, ardada Soomaaliyeed, culimadeena masaajidada iyo
masuuliyiinta in la sameeyo daraasaad waxa keenay dhibtan iyo sida looga bixi
karo.
Maxmuud Nuur Wardheere
Constituent Policy Liaison
Office of Senator Norm Coleman
http://www.garoweonline.com