Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool UK waxaa lala socodsiinayaa in
lagu qabanayo galbeedka London Shirweyne muhim ah 27 April 2008.
Shirkan oo Sanadkastaba la qabto waxaa iska kaashanaya qabanqaabadiisa:
Golayaasha Xuquuqul-Insaanka & Nabadda Geeska Afrika, Golaha
Midnimada Soomaaliweyn iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK.
Shirweynahan waxaa si guud lagaga hadlayaa dhibaatooyinka
balaadhan ee ay ku sugantahey Soomaalidu haatan oo isugu jira:
Dagaalada ka socda, Xasuuqa, Barakicinta, Abaaraha ka jira gobolada
qaar, Gumaysiga Ethiopia iyo Xadgudubyada Xuquuqul-Insaanka loo
gaysanayo dadka rayadka ah. Sidoo kale waxaa shirweynahan lagaga
hadlayaa qaabka ugu haboon ee Soomaalida qurbaha ku nooli isu kaashan
karto, ugana qayb qaadan laheyd arrimaha siyaasadda iyo bulashada
dalalka ay ku nooshahey.
Waxaa lagu casuumay kulankan dad aad muhim u ah oo ay ka midyihiin
siyaasiyiin, aqoonyahano, culamaa-u diin, waxgarad Soomaali iyo
musharixiin Somali & shishiiye isugu jira iyo hay'adaha
Xuquuqul-Insaanka.
Haddaba dadweynaha sharafta leh ee Soomaaliyeed waxaa laga
codsanayaa iney ka soo qaybgalaan shirkan aad muhimka u ah,isla
markaana dhowraan waqtiga.
Waxaa si sharaf leh laguuugu casuumay shirkaan muhiimka ah ee
fadlan ka soo qeybgal, Asaxaabtaadana u sheeg ha ka soo qeybgalaane.
Yaan loo kala harin.
Wuxuu dhirku ka dhacayaa : West London Islamic Centre, Browlow
Road, West Ealing, London W13 OSQ Saacaddu markay tahay 2pm-7pm.
Gaadiidka [ Transportiga] lagu imankarayo waa:
Tub: West Ealing Station- British rail& Und; Ealing Broadway[ Central & District Line]
Bus: E-8, 607,207,427,83,E-3 [front Ealing Broadway]
Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan kala soo xiriir:
Dr. A. Hirey
Mob:07903810231, 07949958341
Tel: 02031100022
E-mail: hornrights@yahoo.com or
Dahabo Dowlo
E-mail: dahaboisse@googlemail.com
Sidaas iyo ka soo qaybgalwacan Shirka
Dr. A. Hirey