From Garoweonline.com

Announcements
Ogeysiis; Shir lagu qabanayo London
By
Apr 21, 2008 - 9:23:42 AM

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool UK waxaa lala socodsiinayaa in lagu qabanayo galbeedka London Shirweyne muhim ah 27 April 2008.  Shirkan oo Sanadkastaba la qabto waxaa iska kaashanaya qabanqaabadiisa: Golayaasha Xuquuqul-Insaanka & Nabadda Geeska Afrika, Golaha Midnimada Soomaaliweyn iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK.

 
Shirweynahan waxaa si guud lagaga hadlayaa dhibaatooyinka balaadhan ee ay ku sugantahey Soomaalidu haatan oo isugu jira: Dagaalada ka socda, Xasuuqa, Barakicinta, Abaaraha ka jira gobolada qaar, Gumaysiga Ethiopia iyo Xadgudubyada Xuquuqul-Insaanka loo gaysanayo dadka rayadka ah. Sidoo kale waxaa shirweynahan lagaga hadlayaa qaabka ugu haboon ee Soomaalida qurbaha ku nooli isu kaashan karto, ugana qayb qaadan laheyd arrimaha siyaasadda iyo bulashada dalalka ay ku nooshahey. 

Waxaa lagu casuumay kulankan dad aad muhim u ah oo ay ka midyihiin siyaasiyiin, aqoonyahano, culamaa-u diin, waxgarad Soomaali  iyo musharixiin Somali & shishiiye isugu jira iyo hay'adaha Xuquuqul-Insaanka. 

Haddaba dadweynaha sharafta leh ee Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa iney ka soo qaybgalaan shirkan aad muhimka u ah,isla markaana dhowraan waqtiga.
 
Waxaa si sharaf leh laguuugu casuumay shirkaan muhiimka ah ee fadlan ka soo qeybgal, Asaxaabtaadana u sheeg ha ka soo qeybgalaane. Yaan loo kala harin.
 
Wuxuu dhirku ka dhacayaa : West London Islamic Centre, Browlow Road, West Ealing, London W13 OSQ Saacaddu markay tahay 2pm-7pm. 

Gaadiidka  [ Transportiga] lagu imankarayo waa:
Tub: West Ealing Station- British rail& Und; Ealing Broadway[ Central & District Line]
Bus: E-8, 607,207,427,83,E-3 [front Ealing Broadway]

Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan kala soo xiriir:
Dr. A. Hirey
Mob:07903810231, 07949958341
  Tel: 02031100022      
 E-mail: hornrights@yahoo.com or
Dahabo Dowlo
E-mail: dahaboisse@googlemail.com                              
          

Sidaas iyo ka soo qaybgalwacan Shirka
Dr. A. Hirey



http://www.garoweonline.com