Xaflad ka dhacday magaalada Seattle ee wadanka USA ayaa lagu taageeray jiritaanka iyo hor'umarka Dowlada Federaalka ee KMG ah oo habeenkii Axad, Abril 20, 2008, ayaa lagu qabtay hoolka New Holly ee Seattle.
Xafladaan waxaa ka soo qeybgalay dad kor u dhaafaya 200 ruux oo ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Seattle. Goobta xaflada waxaa ka hadlay odayaal laga yaqaano magalaadan Seattle sida Cabdiraxmaan Jaamac, Diriye Colaad iyo Cabdullahi Sanyare.
Xaflada oo socota ayaa waxaa si toos la soo xiriiray Madaxweynaha DF Cabdullahi Yusuf Axmad iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Cali Jaamac Jangeli oo jooga Washington, D.C.
Md. Jangeli wuxuu ugu mahadceliyay Jaaliyada Reer Seattle dadaalka iyo taageerada ay u muujiyeen hor'umarka Dowlada Federaalka ah.
Madaxweynaha Somalia Md. Cabdullahi Yusuf ayaa isaga dhankiisa kala hadlay Jaaliyada Reer Seattle arrimo ay ka mid yihiin isku-xirnaanta Jaaliyadaha Qurba-joogta ah, nabadgelyada iyo dib-u-heshiisiinta wadanka.
Md. Cabdullahi Yusuf wuxuu yiri Dowlada Federaalka ah waxay sii wadaysaa dadaalka dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska dalka Somalia.
Wuxuu kaloo sheegay Madaxweynaha DF in Dowlada ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Isbahaysiga Mucaaradka ku sugan wadanka Eritrea isagoo tilmaamay in wada hadaladaas ay furmi doonaan bisha soo socota kadib markii uu Mucaaradku ogolaaday wada hadalo.
Xafladaan ayaa waxaa laga jeediyay hadalo taagero loogu muujinaayo Dowlada Federaalka KMG ah iyo heeso wadani ah.
Warbixintaan waxaa soo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online wariye madaxbanaan