Dhamaan jaaliyada reer Puntland ee ku sugan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaan tacsi u diraynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Khaliif Ahmed Mohamed ( Farajar) oo Bishan Janaayo 11 keeda ku geeriyooday Magaalada Minneapolis. Gaar ahaan waxaan tacsidan gaarsiinaynaa Eheladiisa ku kala sugan Dangoroyo, Garowe, Bosaso, Nairobi, Toronto,Minneapolis iyo aduunka daafihiisa. Isagana Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu janadii Fardowsa ka waraabsho iyagana samir iyo Iman ka siiyo Amin..Amin..