From Garoweonline.com

Announcements
Warsaxafaded tacsiyaded [PDF]
By
Aug 6, 2009 - 9:12:52 AM

Golaha Quraba Joogta Puntland [ Puntland Diaspora Forum]

Toddobaadkan waxaa dalka ka dhacay laba dhacdo oo farxad iyo tiiraanyo door ah leh.  1dii bishan waxaa Puntland si weyn oo yididiilo iyo farxad gelisey Qurbajogta reer Puntland meel kasta oo ay joogan looga xusay sannadguradii 11aad ee aasaaskii Dawladda Soomaalida ah ee Puntland (Somali State of Puntland).  Damaashaadka 1da August wuxuu ku soo beegmay maalin qura ka dib xilli ay dalka dib ugu soo noqden Madaxweynaha Puntland Md. Dr. Cabdiraxman Sh. Maxamad Maxamuud (Faroole) iyo wafdi sare oo Wasiiro ah oo uu hoggaminayey oo booqasho rasmi ah oo guulo diblomaasiyadeed oo la taaban karo ay ka soo hoydeen ku gaaray Dalka Maraykanka.  

Maanta oo afar casho oo keliyihi ka soo wareegtay damaashadkaas soo jiitey indhaha Ummad-weynta Somaliyed, Dawladaha jaarka nala ah, iyo calamkaba, waxaa magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug si bareer ah ay dabley aan la aqoon har cad ugu dileen Allaha u naxariiste Wasiirkii Warfafinta ee Puntland Mudane Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Bannanka).  Arrintani waxay hakad galisey jawigii damashadka iyo rayraynta oo dal iyo dibad ay reer Puntland dawlad iyo shacab ku naaloonayeen.  Waxaa xusid mudan inaysan ahayn markii koowad oo waxgarad sama ka talis ah lagu dilo Magalada mushkiladeysan ee Gaalkacyo.  

Puntland waxay maanta haysataa nabad iyo xasillooni Allah looga mahad naqo ahna mid meelaha ay ka maqan tahay dahab looga iibsan lahaa haddii la gadan karo.  Khatar ka weyni ma jirto in la oggolaado in ay dhunto ama la carqaladeeyo nabadda maanta ka jirta dalka.  Sugidda amniga Puntland waa arrin mudan muhimadda koowad ee Dawlada, Madaxda dhaqanka, Culimadda, aqonyahanka iyo guud ahan dadweynaha reer Puntland. Ilalinta iyo dhawrista karaamada iyo nafta mas’uuliyiinta u sarraysa dawladduna sida Wasiirada, iyo Xubnaha Baarlamaankuna waa inay noqotaa waajib si guud la isaga xilxaaro oo aan dib dambe loo dayicin.  Dilka Wasiirku waa dil la diley Qaranimada iyo jiritaanka Puntland. Madaxda Golaha Qurba-Joogtada ee GQP (PDF), iyo dhammaan Qurbajoogta reer Puntland waxay uga tacsiyaynayaan qoyskii, iyo eheladii, uu sida gaarka uga dhintay marxuum Warsame Cabdi Shirwac, iyo Dawladda iyo shacab weynaha Puntland. 

Talo:

Golaha Qurbajoogta Puntland, wuxuu:

  1. Soo dhaweynayaa, kuna farxay, shirka deg dega ah ee Dawladdu ka gashay dhacdadan naxdinta leh si wax uga qabtan arintan iyada ah.
  2. Soo jeedinayaa in sida ugu dhakhsaha badan loo baaro lana ogaado halka ay ka yimaadeen iyo halka ay u carareen gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal dembiyeedkaas.
  3. In marka la ogaado cidda ka dambeysey falkaas meel kasta oo ay tagaan looga dabagalo oo sharciga la hor keeno intay doonto ha qaadatee. 
  4. In baaritaanka iyo ciqaabta dambiilayaasha looga dambeeyo dawladda oo aanu shacabku si caadifadaysan u baal marin nidaamka dowliga ah una dhaawicin kala dambaynta iyo xasillonida dalka ka jirta.
  5. In dhammaan reer Puntland gudaha iyo dibedaba ay gacan ka geystaan adkaynta amniga iyo xasilloonida, kuna taageeraan dawladda sidii loo sii xoojin lahaa nabadda ka jirta dalka.

Guddomiyaha Golaha Qurbajoogta Ee Puntland (PDF)

Md. CabdulQaadir Cabdi Xaashi

Puntlanddiasporaforum@gmail. com

www.puntlanddiaspora.org



http://www.garoweonline.com