W/Qorey Wariye Abshir Cabdulahi
Sadex cisho ka hor ayey aheyd markii Garoonka Galkacyo Airport lagu jabsadey lacag faalso ah oo Garoonka Galkacyo diyaarad keentey 23 June 2010, taasi oo ay Dowladda Federaalka KMG ah (DFKMG) usoo bixisey hab deymeed horey uga maqnaa ganacsato Reer Puntland ah, kuwaas oo deyn ku lahaa Dowladii uu Madaxda ka ahaa Abdulaahi Yuusuf Axmad.
Ciidanka Gaaroonka Galkacyo ayaa gacanta ku dhigey lacagtaasi taariikhda aanu soo xusney Xilli shaqada Garoonku socotey, waxeyna Dowlada Puntland ku amartey in isla garoonka lagu xanibo lacagta iyo diyaarada sidey oo laga lahaa wadanka Kenya, inta go'aan rasmiya Dowladu ka qaadaneyso.
Lacagta oo aheyd mid cusub oo dhawaan lagu soo daabacey dalka dibadiisa ayaa gaareysay 17.5 bilyan oo Shilin Somalia, waxeyna aheyd ujeedada Dowlada Puntland u xanibtey in aysan saameyn ku leeyan dhaqaalaha Puntland oo hadda u muuqanaya mid kobcaya, islamarkaana xilligii lacagta garoonka la keeney ayaa waxaa bilowdey wada hadal ay yeesheen qeybo ka mid ah Xukuumada iyo Odayaal kasoo jeeda Mudug kuwaas oo sida la sheegey matalayey Ganacsatada Garoonka lacagta keeney oo ah Ganacsato Qaadka keenta gudaha Dalka oo kasoo jeeda Gobolkaasi.
Mudadii wada hadalka iyo qorshaha laga yeeli lahaa lacagta ayaa qaadatey 15 cisho, islamarkaana uu soo dhawaadey xalkii ay Dowladu ka gaari rabtey lacagta iyadoo ay gabo-gabo ku dhaweyd in ay dowladu soo bandhigto arrimaha la isku waafaqey ee lacagtaasi go'aan mideysan looga gaarey, balse nasiib darro taasi oo aan wali la gaarin ayey kooxo mooryaan ah ay boobeen lacagtii halkaasi ku xanibneyd, waxeyna talaabadan dhaawac u geysatey sida ay dad badan u arkayeen sumcada Gobolka Mudug.
Go'aanka Dowlada Puntland
7 July 2010 War saxaafadeed ay soo saartay Dowlada Puntland gaar ahaan Wasaarada Maaliyada ayaa lagu xaqiijiyey dhaca loo geystey lacagtii Garoonka Gaalkacyo lagu hayey kuwaas oo ay ka danbeeyeen shirqoolka lagu dhacey ganacsatadii lacagta Muqdisho kasoo rartey, islamarkaana falka airporka ka dhacey ay Dowladu ku tilmaamtey mid aan munaasib aheyn oo xilligan aan loo baahneyn.
Wasiirka ku-xigeenka Wasaarada Maaliyada ahna kusimaha Wasiirka Maaliyada Cabdi Ibraahin Warsame (Qowdhan) oo Saxaafada kula hadlay Xarunta Dowlada Puntland ee Garowe ayuu warfidiyeenka u sheegey in Dowladu go'aan adag ka qaadatey lacagta Gaalkacyo lagu boobay.
Cabdi Ibraahin Waxaa uu Akhriyey Qodobo ay ugu muhiim-sanaayeen:
1. In aan Deegaanada Puntland lacagtani lagu arki karin isticmaalkeeda;
2. In ay Dowladu culays saari doonto ka hor-tagida lacagaha faalsada ee ka imaanaya Muqdisho;
3. In ay Dowlada Puntland dabo-gal & baaris ku wado cidii ku lug lahayd falka lacagta lagu dhacay isla-markaana ku rajo-wayn tahay helida Dadkii ku lug lahaa dhacida lacagta ayna horkeeni doonto Sharciga;
4. Baaq bulshada lagu faray iney il-gooni ah u yeeshaan Lacagahaasi, kalifi-karra sicir barar Dhaqaalaha & Maciishada.
Cambaareynta Shacabka Reer Puntland
Intii ka danbeysay habeenimadii Talaadada oo dhaca loo geystey lacagta, waxaa soo baxayey baaqyo ay soo jeedinayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Reer Puntland.
Ganacsato, Issimo, Nabadoono, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Culimo, iyo Urrurada Bulshada Puntland ayaa cambaareyn xoog leh u jeediyey kooxihii ka danbeeyey dhaca lacagta faalsada, islamarkaana sida la rumeysan yahay shacabka Puntland waayo aragnimo hore u lahaayeen lacagaha la daabaco dhibaatada ka dhalan karta oo saameyn weyn ku yeelata nolosha malaayiin qoys oo danyar ah.
Baaq-yadaa kasoo baxey qeybaha kala duwan ee Shacbiga waxey ku muujinayeen aragtidooda diiidmada ah ee ay kaga soo horjeedaan in la carqaladeeyo dhaqaalaha iyo amniga Puntland, s
ida uu xilligan yahay.
Waxey sidoo kale taageereen Go'aanka Dowladu ka qaadatey faalsada, iyagoo ku booriyey Xukuumada Puntland in ay ku dhaqaaqdo talaabooyin kasta oo looga jawaabayo ka hortagida lacagtaasi.
Issimada oo ah Hogaanka dhaqanka Puntland oo warbaahinta la hadlay labadii maalmood ee u danbeeyey ayey ka sheegeen in ay Dowlada ku garabsiinayaan talaabo kasta oo wax looga qabanayo falalka foosha xun ee lagu baabi'inayo horumarka Puntland, waxeyna Duubabka Dhaqanku eedeyn dusha uga tuureen Siyaasiin Reer Puntland oo ay ku eedeeyeen Issimadu in ay lug ku leeyihiin isku dayo la rabo in lagu fashiliyo wax-qabadka Xukuumada iminka Puntland ka shaqeynaysa.
Taasina ay noqoneyso "kud ka guur oo qanjo u guur" sida uu hadalkiisa ku soo gaabshey Afhayeenka Issimada Puntland oo saxaafada labo maalin ka hor Garowe kula hadley.
Waayo Hore & Waayo Aragnimo Laga Dhaxley Faalsada
Sanadihii 2006 ilaa 2008 Xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso waxa ka shaqaynayey warshad lagu daabaco lacago fara badan oo Shilin Soomali, taasi oo ay mulkiyadeeda iska lahaayeen Ganacsato Puntland ah ah iyo Xubno siyaasiyiin ah kuwaas oo faa'iido lacag raadin ah u keensadey makiinado iyo warshada Bosaso xilligaas lacagta ku daabici jirtey.
Warshadu waxey daabici jirtey sida la xasuusto lacago faro badan oo ay ka sameyn jirtey gaar ahaan Kunka Shilin Somaliga ah, runtiina kuma ekeyn warshada Bosaso xiligaasi tiiley daabicida lacagta faalsadaa waxaa kale oo in badan laga dharagsanaa in ay jirreen oo warshadu ay dhabaha u xaartey Makiinado xitaa ay keensadeen shaqsiyaad guryahooda soo dhigtey wallow makiinadaha lacagaha lagu daabacayey ay ahaayeen kuwo ka quwad yaraa warshada Bosaso tiiley taasi oo laheyd shaqaale iyo ciidamo u gaar islamarkaana heshiis ay kula jirtey Xukuumadii Madaxweyne Gen. Cadde Muuse Xirsi Boqor.
Mushkilada ugu weyn ee waqtiyadaasi Shacabka Puntland uu soo marey waxey ahayd sida daraasada faaladu tilmameyso mid daafaha dunida laga maqley dhawaaqa lagu cambaareynayey haddiiba fikirkaasi lacagta lagu daabacayey uu wax badan ka bedelay jawigii noloshu aheyd ka hor inta aan lagu hamin daabicida faalsada.
Waxeyna quburo badan ku tilmaameen dadka iska lahaa makiinadihii lacagta sameynayey mid aan u aabo yeelayn nolosha danyarta, oo uu soo food saarey waqtigaasi sicir barar baahsan.
Mushkilada shacabka ka sokow waxaa jiray hoos u dhacay dhaqaale oo baaxad leh oo saameeyey dalka oo dhan caqabadaha dhaqaale waxaa ka mid ahaa sidan:
1. Qiimo koror zaa'id ah oo ku yimid maciishada daruurigaa, Tusaale ahaan kiishka sonkorta ayaa xiligaasi marayey 50dollarka lacagta Maraykanka ah, halka uu iminka yahay 30 dollar;
2. Goobo Ganacsi oo xirmay iyo ganacsato uu dhaqalahoodii Baaba'ay kuwaaas oo uu isbixin waayey ganacsigii ay ka shaqeynayeen;
3. Sarifka lacagaha qalaad oo noqday mid aan sal ku fadhin oo si xowliga u sabaynayey. Tusaale ahaana 100ka dollar ayaa xilligaas lagu sarifayey 4 malyan oo Shilin Soomaali ah, halka iminka lagu guuleystey in hoos loo dhigo oo uu yahay sarifkiisu 3,100,000 (sadex malyan iyo boqol kun) Shilin Somali.
Shakiga shacabku aaminsanaayeen xilligaas ayuu haddana Maamulkii xilligaa uu ku guul dareystey in uu wax ka qabto Faalsada lagu sameynayey Gudaha Puntland, waxaana dhashay markii loo adkeysan waayey sicir bararkii kalifey kor u kaca maciishada iyo dollarka Kacdoono Shacab kuwaas oo horseedey Baabi'intii Warshadii lacagta daabici jirtey iyo Makiinadihii yar yaraa ee iyana ka qeyb ahaa sameynta faalsada.
Maamulka Xiligan & Maraynta Dhaqaalaha Puntland
Fursadihii ugu muhiim-sanaa ee ay guulaha ka raadinayeen musharixiintii isu taageysay hogaaminta Puntland dabayaaqadii sanadii 2008 waxey inta badan balanka musharaxiintu ku saleysnaayeen in ay wax badalayaan Dhaqalaha Puntland oo sii liicayey.
Dhamaan shacbiga Puntland waxey si weyn u doonayeen isbedel siyaasaded oo la helo iyaga oo marqaati u ahaa marxaladihii murugsanaa ee ay soo mareen sanadadii 2006 ilaa 2008, waxeyna shacbigu maqal gaar ah u lahaayeen hadaladii kasoo baxayey masharaxiinta Puntland ee sugayey Doorashadii 08 Jan 2009.
Dr. Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ah haatan Madaxwaynaha Dowlada Puntland kana mid ahaa musharixiintii sameynayey balan-qaadka isbedelka lagu doonayey ee halku dhigiisu uga faaloonayey sixitaanka dhaqaalaha.
Dr Faroole ayaa ahaa mas'uul horey xilal uga soo qabtey Xukuumadihii Puntland soo marey oo Aqoon dheer u leh Qaabeynta Dhaqaalaha waxaa uu muujiyey isbedel wali aan si buuxda u dhameystirmin laakiinse wax weyn ka bedelay hoos u dhacii dhaqaalaha Puntland ku yimid.
Madaxwayne Faoole ayaa 17 Jan 2009 soo magacaabey Xukuumada uu ku soo xushay in ay ka gudbin karto Dalka marxalada uu xiligasi ku jiray kana dhabayn kara balanqadyadii ay ka sugeysay bulshada.
Wasaarada Maaliyada oo ahayd meesha laga sugayey wax ka bedelka ciladihii dhaqaalaha ka jiray, waxaa uu Madaxwayne Faroole u magacaabey nin xeel dheere (Farax Cali Shire) ku taqaqus ah dhaqaalaha oo aan dalka si wayn looga aqoon iyo wasiir ku xigeeno labo ah, kuwaasi oo durba la yimid qorshayaal lagu qanci karo.
Waxeyna Wasaaradu waxyar ka dib ay muujisay kaalin ka badalan Hab shaqeedkii ay Madaxdii hore ee Wasaarada Maaliyadu ku shaqaynayeen ka bedelan, waxaana ka mid ahaa qorshayaasha u hirgaley:
1. Qaadida talaabo dib loogu saxayey dhaqalaha iyo dib u eegida Dakhliga Dowlada;
2. Bixinta adeega Dowliga iyo mushaarka shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada Puntland bil kasta;
3. Kaydinta Dakhliyada aan horey loo dhigi jirin Bangiyada;
4. Xisaab Xirka Miisaniyada Dowlada ee Sanadlaha ah;
5.Sharciyanta iyo kobcinta canshuuraha bariga.
Inta badan Wax-qabadkaasi aan soo sheegnay ma ahayn kuwo shaqeynayey sanado dhowr ah oo ay Puntland marxalado culus soo martey ka hor inta aan isbedelku imaan horaantii sanadkii 2009.
Xog Rasmiya ee Faalsada Dhawaan DFKMG ah soo daabacatey
Isku soo wada duuboo dhawaan lacagtii ka timid DFKMG ah ee faalsada aheyd lana damacsanaa in ay socod-siinteeda ka hirgasho Puntland ayaa haddaba waxaa laga helayaa xogo rasmiya oo ka hadlaya ujeedada lacagtaasi loo keenay Gobollada Puntland iyadoo xogtaasi laga helay saraakiil u shaqeeya Wasaarada Maaliyada DF ee Muqdisho.
Waxa uu xogta ku sheegey sarkaal ka tirsan Wasaarada Maaliyada DF mid si ku talo gal ah lacagtan Puntland loogu soo rarey, iyada oo aan kala xaajoonin Mas'uuliyiin Dowlada Puntland, islamarkaana Talaabadan qeyb ka tahay Dano Siyaasadeed.
Sarkaalkan ka tirsan Wasaarada Maaliyada DFKMG ah oo diidey in magaciisa la xuso ayuu sheegey in lacagta DF soo daabacatey dhawaan ay dhan tahay qiyaastii 275-Bilyan oo Shilin Somali, taasi oo uu sheegey in ay Wasaarada uu ka shaqeeyo madaxdeedu wado isku day xoogan oo ay ku doonayaan sidii lacagta loo galin lahaa Suuqyada Puntland, maadaama goobaha kale ee Koonfurta Somalia iyo Muqdisho intooda badan ay gacanta ku hayaan kooxaha hubaysan ee Al Shabaab oo meelaha ay ka arrimiyaan laga adeegado Kunka Shilin oo duuga islamarkaana aan u ogoleyn Ganacsatada in wax looga gato Shilin Somali cusub.
Waxaa uu sidoo kale Sarkaalkan tilmaamey in Puntland ay tahay fursada kaliya ee ay isleeyihiin xubno ka tirsan Xukuumada DFKMG ah waa looga socodsiin karaa lacagta faalsadaa oo ah Kunka Shilin Somali ee dhowaan lasoo daabacey, arrintaasi oo loo adeegsanaayo ganacsato u dhashey Puntland.
W/Qorey Wariye Abshir Cabdulahi
Radio Garowe