Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 14, 2011 - 11:39:16 AM
Fikrado/Faalo
Shacab walba Dowladuu istahilo


Dr. Abdi Gadiid, dr.dabagale@yahoo.com
Senior Political Anaylst

Ummad waliba shacabkeeda ayay ka unkuntaa dawladda hoggaamiso waayo shacabka uunbay ka dhasheen kana mid yihiin ,  haduu shacabka diido inuu dulliga iska qaaado cid ka qqdayso majirto. Inta xukuntaana markasto waa dad ka mida shacabkaaas noocaas ah. Hadii aan annagu wanaaga u hiilan lahayn , oo xaqiiqada iyo xaqa suu yahay aanan ka cabsoon lahayn, cadaaladda u hiilin lahayn, qabiilka kasoo horjeesan lahayn iyo nin jeclaysiga , hogaankeenana ilaahay waxuu nooga dhigi lahaa dad wanaagsan.

Xadiiskii rasuulka calyhi salaatu wasalaam baa ahaa markuu waydiiyay Xudayfa” ma dhulka hoostiisaa noo khayr badan  mase dhulka korkiisa” waxuu nabiga ku jawaabay “ haddii umaradiina  ay yihiin kuwa idinkugu akhyaarsan ( macnaha aad doorateen , oo xag waliba ka eegteen , aqqoon , amaano, dhan, daganaan , wanaag) , Tujaartiina ay yihiin kuwa idinkugu deeqsisan ( daka wax tara , cafiska badan , wanaaga u heelan), taladiinana ay tahay mid ka shuuraysaan ( ood ka wada tashataan ) , dhulka korkiisaa idiinkaga  khayr badan hoostiisa. Balse hadii “ dadka talada idiin haayo ay yihiin kuwa idinkugu shar badan, Tujaartiinan ay yihiin kuwa idinkugu baqiilsan, taladiina ay kasoo go’do dumarkiina Dhulka hoostiisaa idinka khayr badan korkiisa”.

“ Inkaana umaraaukum khiyaarukum, wa agniyaa ukum Sumaxaaukum, wa amrukum shuuraa baynaku, fadahrul aril awlaa bikum min badnihaa, wa ina kaana amuraaukum sharaarukum, wa agniyaaukum Bukhalaaukum, wa amrukum ilaa nisaaikum fabadnul aril awlaa bikum min dahrihaa. Saas buu yiri rasuulkii CSWS.

Waxaan inoo cad sida nabigeenii csw sheegay Somaliya maanta markaan isku miisaano Xadiiskaaan in ay geerida nolasha nooga khayr roontahay. Waayoo waxaa noo wada kulmay sifooyinkii uu rasulkeena ku sheegay inay dhulka hoostiisa ka khayr roontahay sheegay

Qaabka hogaanka lagu hanto Somaliya waa in wax badan aad dishaaa, bal is waydiino inta nasoo martay uu shariif ugu dambeeyo saw ma ogin inta dad ku dhimatay gacantooda , ma ilawnay caruurtii schoolda sida SIMAD dhiganaysay oo oo Baydhab weerarka looga horgeeyay Ethiopian carcar qabo kuwii hogaaminaayayna ay ka dhoofeen wadanka , tujaarta waad argataan oo dhiga ummada ka baayac mushtaraan waxay bixiyaa iyo wanaag warkiisa daa, waxay heleen markasto dad xukunka u haayo oo difaacooda u taagan , bal araga Shariif sida uu u difaacaayo Abucar Caddan iyo Deelaaf, bal xasuuso Abdiqaasim siduu u difaacayay Deelaaf barigii uu lacagta soo daabacday,  talo laga wada arrinsado maba taalo oo kii yimaadaba waa dikataatoor , la tashagiisana waa kooxda yaroo qawlaysatada  ah kuna mashquulaayo siday u hantiyasan lahaayeen, amarada la fulinaayo halaka ay salka ku haayaan waan aragnaa oo guubaabo guracan oo xagga dumarka ka timaada iyo ukala  dabqaadid laaluush iyo haween horbaadayaa waakan lagu fadeexoobay oo hantidii mucaawinada ahayd ee WFP iyo dawladda lagu dhacay.

Aan dib u eegno taariikhda  markastaa la yiraa  , laakiin hadaan lagu cibra qaadanaynin maxay noo tartaa???

Dadka badankiisa wax ma kasaan ? daka badankiisa caqli uma saaxiib ahan? Daka badanbkiisa wax ma fahmaan? Dadka badankiisa ma fakiraan???  Daka badankiisa …….

Aniga ma oran taas laakiin ilahaygii na bauurtay baa saas u sifeeyay adoomahiisa.

Hadaba inta wax garatay oo ilaahay aqoonta iyo caqliga u furay miyaanay ogayn in burrito ay xujo ku noqonayso ilaah hortiis inay nicmadaas alle siiyay haday uga faaidaystaan ummaddaas masaakiinta ah oo aysan uga faaidayn in lagu qbsan doono.

Wadankeena markaad dhan waliba ka eegto, lookala harin boobka iyo burburintiisa.

Aan ku horeeyo bal kuwa u dhashay oo nasab sheeganaay, waa sidiu YamYam sheegaye ( allha au naxariistee) gacan ku dhiigle, mici ku dhiigle, Qalin ku dhiigle…… bal soo qaado Xukuumadda , eeg Shariifkii loo xil haayay, xaalkiisa xaguu marayaa, saw ma caddo ceebaha isasoo taraayo iyo wajigabaxa maalin waliba kasoo yeeraayo dawladda.

Eeg wasaro ku sheegyada manta hanti urursiga ku jira  oo ahna kuwa isag xaydaanbiikisa ka xirta daka kale, Shariif sakiin, IBBI, Dahir Geele  oo difaacaya mashruuc ay UN ku dhistay Raadiyo Bar Kulan , wali ma aragteen nin wadankiisii iyo halki idaacad uu xakumaayay ka doorbidaayao lacago yar oo sandareerto ah 7.5 milyan idaacad aan macno kale ku fadhiyin ku ansaxinaayo, hadday dawladdu ogtahayse maxaa keenay xubnihii ugu sareeyay dawladda inay yiraahdaan lama socono , mase goloha wasiirada iyo goloha gaarka baa kala jira, waa nasiib daro  Eng. Yariisaw oo mar dhawyd lacagtii uu dahabshiil mariyay lawada ogyahay, ware haduuba soo galay saaxadee cantuuga culusaa, shaqaalihii idacada waa mushaar layihiin , wasaaradahii sidoo kale, dhibku wax ka sheegis waa belay.

Ururada bulshada , kama badlna sidii ubaxa kacaanka, waa lagu awrkacsadaa, oo markii la rabaa lasoo hadal qaada si caalamka loo maqashiiyo, xubnaha ka muuqdana bal fiiri kama maqno xaydaab beeleed oo xiran oo kii firfircoon oo aanan ku fakir ahayna wax akstoo lagaga saari karo saaxadaas lagu smaynaayo, bal eeg hadaad shir qabanyaso waa hebel iyo hebel iyo hebel , dumarkana waa heblo iyo heblo iyo heblo, maxaa umaddii dhamayd ku koobay afar istaqaano ooh al beel ah , xabad lagu  saan tirtaana ka muuqan karo hadayba jiraane. Ceebaha socda oo Monitoring Groupka daba taaganyihiin kama maqno qudhooda , waxaa lagu raad joogaa rag fiisooyin iibsaday kuna soo qaatay  inay garaa ahaan xubno dhibaataysan oo ayagaa ina ay  wax u qabanayaan. Mawduucyo dambe baan kusoo qaadan doonaa.

Caqligu ha shaqeeyo, fahamku ha sareeyo, taariikhdan waa macaline halagu cibra qaato. Abwaan baa waxuu yiri bari aan dhawyn gaby aad moodo inuu maanta aan joogno sheegayay “ hal la qalay raqdeedaa lagu soo qamaamoo, qalalaasihiiba , ninba qurub haleeloo, qolo waliba qaybteed , qoraxday ku dubatee, qoloftiyo lafahibaa . lagu laqay qalaylkii, qosol waxuu ka joogaa , qubanah dambeetoo , wali qabo hamuuntii, ka arkaayo qiiqii , buuraha qotada dheer ee qaraka soo jafaayo”

The opinion above is solely the author's and does not necessarily reflect the views of Garowe Online   and its affiliates.

RELATED:
Soomalida iyo Musuq-maasuqa
Cadkeerow Ku Cuney ama ku Ciideeyey
FAALO: Puntland iyo Lacagta Faalsada

Advertisement
 

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: President Farole welcomes India assistance to fight piracy
GAROWE, Somalia May 16 2012 (Garowe Online)

Somalia: Kenya police loot businesses in Dadaab after explosion

Somalia: Statement by the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) Presented at Indian Council on World Affairs

Somalia: MSF to restructure health support in Galgaduud due to deteriorating security

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

Somalia: Land dispute in Somaliland leads to 5 deaths

Somalia: Turkish commandos capture Somali pirates

Somalia: Al Shabaab agent caught with explosives in Mogadishu

Somalia: Foreign Al Shabaab fighter caught near Kenya border

Somalia: Puntland President Flies to India After Meetings with Ethiopia Deputy PM in Addis Ababa

'Confusing' articles in Somalia draft constitution

Somalia: Puntland police conduct operations after killings

Somalia:Puntland Government Response to Draft Federal Constitution of Somalia

Somalia: Civilians killed in grenade attack in Mogadishu

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us