Silanyo: War Haka Hadho! 2 Jul 2, 2010 - 4:44:20 AM
Silaanyo: Waari Mayside Wadh Hakaa Hadho
Marka koobaad waxaan hambalyo u diriyaa Shacabka Gobollada waqooyi ee Soomaaliya maantase la baxay Somaliand, kuwaas oo si hufnaan iyo nabadgelyo ku jirto u dhiibtay codkooda, si xoriyad iyo cadaaladi ku jirtona u doortay hogaan cusub, iyagoo iska tuuray heeryadii haraagii Siyaad. Waxaan kale oo ugu hambalyaynayaa Madaxweyne Siilaanyo xilka weyn ee loo doortay.
Waxaan filayaa Siilaanyo maanta yahay nin cimri ku jira, soo arkay ayaamo badan oo kala dhadhan iyo tariikh duwan, madaama uu masuul sare ka soo noqday dowlad Somaliyeed oo midaysan taas oo u saamaxday inuu dhadhamiyo macaanka qaranimo iyo midnimo ee Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo soo arkay dhadhanka kharaar ee Jabhadnimo, kaas oo laga dhaxlay, duurgal, burbur iyo dagaal sokeeye.
Sidaa awgeed, waxaa Madaxweyne Siilaanyo horyaala fursado iyo caqabooyin, kuwaas oo ama ka dhigi kara halyay taariikhdu xusto ama ka dhigi kara hogaamiye taariikhda baal madow ka gala.
Caqabooyinka horyaala Siilaanyo iyo maamulkiisa waxaa ka mid ah:
Intaa waxaa sii dheer, khadiyadaha qabyada ah ee daakhiliga ah, gaar ahaan dhacdadii Gebilay iyo reer Awdal iwm….
Carabtaa waxay ku maahmaahdaa “Musiibatul qowm , Faa’iidatul Qowm” dhibaata umadeed waxay faa’iido u tahay umad kale, sidaa awgeed, dhibaatooyinkaas iyo caqabadahaas faraha badani waxay fursad u noqon kartaa hogaamiyihii la yimaada aragti qoto dheer, xirfad hufan iyo hanaan hogaamiyenimo ee uu umadiisi iyo umadaha jaarka ahba uu kaga saari karo duruufahaas isbiirsaday ee murugada iyo mugdiga badan.
Reer galbeedkaa waxay yiraahdaan, hogaamiye waa kuma, waa masuulka eegta fursadaha qaaliga ah iyo kacdoonka shacabka ,dabadeedna horbooda oo hogaanka u qabta shacabka isagoo ka faa’iidaysanaya dareenka shacabka. Waataas mida had iyo goor aad arkaysid oo keenta in hogaamiyayaasha reer galbeedku inay ka turjumaan ama la yimaadaan balan qaadyo jawaab u ah dareenka iyo rabitaanka shacabka.
Sidaa darteen waxaan arkaa in Siilaanyo maanta haduu doorto uu cayaari karo dowr ka dhigi kara hogaamiye ay ku hanweynaadaad dhamaan Soomaaliweyn meelay joogaanba. Sababta aan sidaas u leeyahayna waxay tahay, Siilaanyo waa nin aysan maanta khibradi ku yarayn, waa nin sidaan kor ku soo xusay soomaray mansab ka weyn gudoomiye Gobol, soo arkay sharafta iyo haybadada qaranimo iyo midnimo, soo arkay dhibaatada tafaraaruqa iyo cadaawadu ay leedahay, soo arkay sida ay guumaystaha iyo cadowga Soomaaliyeed uga faa’iidaysteen uguna badhaadheen tafararaaruqa iyo kala qoqobnaanta Soomaaliyeed.
Hadaan Siilaanyo ahay maanta waxaa dooran lahaa inaan “Legacy” ama taariikh lama ilaawaan ah kaga tago Geeska Afrika iyo caalamkaba. Waxaanan qaadi lahaa talaabooyinkaan soo socda:
1- Waxaan ciidanka Somaliland ka soo dulqaadi lahaa Laascaanood si dadka oodwadaagta iyo xididka iyo xigtada hoose ila ah ee Reer Sool ay u arkaan sidaan daacad uga ahay nabad ku wada noolaansho iyo daris wanaag
2- Waxaan shir kafool kafool ah la yeelan lahaa masuuliyiinta Puntland anigoo kala xaajoonaya sidii ladaba deegaan nabad loogu wada noolaan lahaa , aragtida siyaasdeed loo midayn lahaa , wadooyinka ganacsi loo furi lahaa, dadka labada gobol ee walaalaha ahna ay si nabad iyo wada noolaasho ku jirto ay isku dhex mushaaxi lahaayeen
3- Maadaama labada buqcadood ee Soomaali maanta u fiyow una nabdoon ay yihiin Somaliland iyo Puntland , waxaan si wada jir ah u wada abaabuli lahayn Shirweyne lagu badbaadinayo Soomaaliya, kaas oo lagu qabto dalka gudihiisa , ajendaha shirkaasina uu noqdo mid Soomali maamulayso kana madax banaan faragelin iyo maalgelin shisheeye
4- Waxaan midnimo hoose oo ciidan iyo siyaasadeed oo yoolkeedu yahay badbaadinta labada deegaan iyo nabad ku soo dabaalista Soomaaliya la yeelan lahaa Puntland, qodabkani wuxuu awood u siin doonaa labada maamul inay si wada jir ah isaga difaacaan dhulbalaarsiga ciidan ee Al-Shabaab iyo 50 wiil ee Ajnabi ee hogaanka u haya.
Arimahaasi waxaa laga dhaxli karaa in la helo dowlad tayo ciidan, maamul, iyo khibradba leh taas oo badbaadin karta Soomaaliya, soo dedejin karta midnimo qaran. Taas oo maadaama aysan dowladi ku shaqayn karin Muqdisho, caasimadii Soomali weyn loo wareejin doono Hargeisa Maadaama ay Hargeisa ahayd caasimadii labaad ee Soomaliya.
Waxaa kale oo qodobadaas laga dhaxli doonaa in Soomali ay iyada dhexdheedu isbadbaadiso , maadaama uusan caaalamku daacad ka ahayn khadiyada Soomaliya. Waxaa kaloo isbadalkan siyaasadeed laga dhaxli doonaa inay soo afjarto ihaanada iyo faragelinta tooska ah iyo mida dadban ee ay guumaystayaasha soo jireenka ah ee Soomaaliyeed uu ku hayo Soomaaliya guud ahaan.
Marka laga reebo faa’iidooyinka guud ee siyaasadeed, horumarineed, midnimo iyo amni iyo istiqraar ee Soomaali guud ahaan dhaxli doonta , waxaa mudan in la xuso faa’iidooyinka gaarka ah ee dhaqaale, haybadeed iyo horumarineed ee ay shacabka reer Somaliland iyo Puntlandba ka heli doonaan isxulafaysiyaan cusub ee lagu badbaadinayo Soomaaliya.
Kadib markii caalamku arku Soomali oo tashatay, caasimadii oo meel nabdoon la geeyay, iyo maamul tayo leh laguna midaysan yahay , waxay taasi wadamada caalamka ku xambaari doontaa inay bixiyaan dhaqaale badan kaas oo saamixi doona in dalku dib u dhismo, shaqo loo abuuro shacabka iyo dhalinta Soomaliyeed, iskuulaadkii , cisbitaaladii iyo dhamaan arimihii adeegyada bulsho ay dib u soo laabtaan.
Waxay kaloo keeni doontaa in Qurbajoogtu dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, taas oo maskax, muruq iyo maalba dib ugu soo celindoonto dalka , maamulka, dhaqaalaha iyo horumarkaa dalkana ku biirin doonta awood iyo firfircooni lagu faano oo farxad gelin doonta dhamaan Soomali weyn.
Waxaa kale oo tani saamixi doontaa in dhamaan ilahii ganacsi iyo dhaqaale ee dalku dib u furmo, xiriirkii gancsi iyo Soomaaliya iyo caalamkuna dib u bilowdo, horumarka dhismo , tirada dad iyo tayada dhaqaale ee magaalooyinka Hargeisa, Burco, Berbera, Laascaanood, Garoowe , iyo Boosaasona iyo kor u kacaan, tusaalena u noqdaan badbaadshaana Koonfurta Soomaaliya.
Wakhti maanta waxaa lagu jiraa si dalkastaa iyo umadkastaa u badbaado in la isxulafaysto, Yurub oo boqolaal malyan iska dishay labadii dagaal ee 1aad iyo 2aad , ayaa maanta midoobay iyagoo kala diin ah, kala af ah, kala sinji iyo asal ah. Hadaba Soomaali oo 10 malyan oo qudha ah, oo isku diin, duub, dad, midab iyo asalba ahi inay isa sii kala faquuqaan oo cadaawan aan dhamaan iskala dhex dhigaani waa mandaq iyo maskas guracan oo u baahan hogaan saxa, turxaan bixiya , hogaan la yimaada geesinimo iyo dhiiranaan lagu badbaadiyo ummadan Soomaaliyeed ee godka ku sii dhacaysa oo aad moodid inay dabar go’idoonto hadayna is daba qaban.
Sidaa awgeed, Silaanyow ma noqon doontaa halyaygaas hambada Soomaaliyeed daba qabta, oo badbaadsha.
Gabagabdii waxaan arkaa hadii ay labada maamul ee Somaliland iyo Puntland garan waayaan kana faa’iidaysan waayaan fursadaan qaaliga iyo taariikhigana ah waxaa dhici karta ama dhici doontaba in ay fursadaas ka faa’iidaystaan Kooxda xagjirta ah ee Al-Shabaab taas oo cagta marindoonta maamuladiisa ,caburina doonta rabitaanka iyo xoriyada labada shacab.