W/Q: Abdirahman Elmi Hashi,
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no
Mar kale ayey Soomaaliya ka gashay kaalinta koowaad markii la qiimeeyey dalalka adduunka iyo heerka musuqmaasuqa.Hay,adda Transparency Group oo ku takhasustay baarista cilmiyeysan ee musuqmaasuqu waxay soo saartay baaritaan ay ku samaysay 178 dal oo adduunka,waxaana Soomaaliya noqotay dalka adduunka ugu musuqmaasuq badan. Soomaaliyeed ee akhriyey ama maqlay warbixintaas laga naxo la yaab kuma noqon,waayo musuqmaasuqu wuxuu ka mid noqday dhaqankeenna.Qofka soomaaliga ah ee masuul noqda lagulama yaabo lagumana ceebeeyo haddii uu si foolxun u maareeyo wixii masuulka looga dhigay,waase lagu caayaa haddii uu noqdo mid hawshiisa si xil kasnimo leh u guta.Ummadda uu cudurkani la gaaro heerkaas xaq uma leh inay hesho hoggaan caafimaad qaba,lagamana yaabo inay ka baxdo hoog iyo ba, intay dhaqankaas ku dheggen tahay.
Musuqmaasuqa qaybihiisa ugu dhibaatada badani waa:
1)Lunsiga ama xatooyada hantida guud oo uu lunsado qofka madaxda ahi,heerkuu doono ha gaaree.
2)Eexda xagga shaqobixinta iyo garsoorka.
3)Laaluushka oo ah in lacag laga qaato si qof loogu fuliyo wax uu xaq u leeyahay ama uusan xaq u lahayn.
Ma jiro cudur gala dal/bulsho oo ka xun musuqmaasuqa,lagamana yaabo in wax horumar ahi ka hirgalo bulshada aqbashay musuqmaasuqa.Dal kasta oo cudurkani ku baahaa wuxuu ku qasban yahay inuu ku burburo dagaalsokeeye,dawo kalena malaha oo aan ahayn la dagaallankiisa.Haddii aad aragto dal musuqmaasuqu caado u noqday waxaad ogaataa in dalkaasi muddo aan fogeyn burburi doono ama uu ka dhici doono isbeddel siyaasadeed.Soomaaliya waxay ku qaadatay 30sano inay ku burburto,wixii dalkeenna burburiyey ka dibna u diiday xal waa musuqmaasuqa ee wax kale maaha.Dadka isku daya inay falanqeeyaan waxa sababta u ah dhibaatada dalkeennu waxyaabo badan ayey sheegaan,laakiin dhibaatada Soomaaliya waa hal waana musuqmaasuq,siday aniga ila tahay.
Qabyaaladda oo dad badani u aaneeyaan dhibaatada dalkeenna waa qayb ka mid ah musuqmaasuqa(eeg qodobka 2).Qaranku wuxuu jiri karaa marka la isla garto in dhibka iyo dheefta dalkaasi ay tahay mid u dhexaysa dadkiisa,sidaa awgeed waxa dal u qabsooma waa wax dadkoo dhan u qabsoomay,dhibaatada qaranka soo gaartaana waa mid dadkoo dhani wada dareemayo.Bal u fiirso saddexda qaybood ee aan kor ku sheegay,iyo sida ay isugu dhafan yihiin ama isula xiriiraan.Waxaad arkaysaa in dalka uu caadada musuqmaasuqu u noqday ay xero ku jiraan,dhinicii ay aadaanna derbi ka hor imaanayo.Aan tusaale u soo qaadanno wasaarad loo xil saaray inay dhisto waddo isku xirta laba magaalo.Haddii qorshaha loo qoondeeyey waddada aan kasoo qaadno 100000 shilin,waxaan ogaanaynaa in aan waddadaasi dhismayn haddii uu wasiirku marka horeba jeebka gashado 50000 shilin,kuwa asaga kasii hooseeyaana mid kastaa xoogaa la kaco.Dhanka kale aan eegno sida eexdu iyo maamul xumadu u saameeyaan waxqabadka qaranka annagoo isticmaalaynna tusaalihii hore ee dhismaha jidka.
Haddii mashruucaas dhismaha jidka loo magacaabo qof garab lagu keenay wax tartan aqooneed ahna aan ku mutaysan shaqadaas waxaad garan kartaa inaan jidkaasi dhismayn,waayo qofkan shaqada masuulka looga dhigayi garan maayo waxa dhisme jideed u baahan yahay.Xataa garan maayo inta xirfadood ee iska kaashata dhismaha jid.Jaahilkani waxa uu ogyahayi waa inaan cidna kula xisaabtamayn waxa uu sameeyo,sidaa awgeed argagax geli maayo,culayska masuuliyaddana dareemi maayo.Wuxuu jeebka gashan wixii jidka loo qoondeeyey intii isaga soo gaartay,mashruuciina halkaa buu ku baabi,in intuusan bilaabanba.Dan kasta oo guudna sidaa bay ku dambeyn.Dhibaatooyinka musuqmaasuqa waxaa ka mid ah raadka uu ku leeyahay waxbarashada.
Horumarka dal iyo heerka waxbarashada dadkiisu waa isku xiran yihiin.Dadku waxay waxbarashada ku dadaalaan markay ogyihiin inay dib u helayaan wixii ay ku maalgeliyeen waxbarashadaas.Haddii qofku ogyahay in uu shaqo fiican helayo markuu wax barto waxaa hubaal ah inuu dhidid badan u hurayo sidii uu wax u baran lahaa.Haddii qofka wax bartay shaqo loo dhiibo waxaa la hubaa in shaqadaasi qabsoomayso.Taa macnaheedu waa in qofka iyo bulshaduba si isle,eg uga faaiideysanayaan waxbarashadii.Dalka musuqmaasuqu la haray waxbarshada waxaa ka qiima badan garabka iyo awoodda laaluush bixinta.Qofkii garab haysataa waxba baran maayo waayo wuxuu rabay wuxuu helayaa aqoon la,aan.Kan aan garabka lahaynna waxba baran maayo waayo waxba ku helimaayo. Sidaas fudud ayaa dalkoo dhani wuxuu noqonayaa meel mugdi ah dadkoo dhanina indha la,yahay. Dulmiga,anshax xumada iyo isneceybka oo ah waxa musuqmaasuqu bulshada dhex dhigo ayaa waxay ugu dambeyn keenayaan in suuqa dhexdiisa barqo la isku qasho.
Dalka yar ee la yiraahdo Singapore wuxuu ka mid yahay dalalka ugu musuqmaasuq yar,taas baana keentay in dalkaa yari uu ka muhimsan yahay Bariga dhexe oo dhan marka laga hadlayo tixgelinta uu ku leeyahay siyaasadda dhaqaalaha adduunka iyo xallinta dhibaatooyinka la xiriira.Singapore way ka yar tahay gobol Soomaaliya ka mid ah,haddii musuqmaasuqa Puntland ama Somaliland la yarayn lahaa 50%,waxaa hubaal ah inaan arki lahayn horumar aan la fajacno,laakin nasiib xumo labadaas maamul goboleed waxay mareen waddadii soomaali lagu yaqaannay oo ahayd caadaysiga musuqmaasuqa.Horumarka dal iyo dibudhiciisa waxaa xukuma heerka musuqmaasuqa dalkaa ka jira ee ma aha kheyraadka debiiciga ee dal leeyahay.Dal sabool ka ah xagga dabiicadda ayaa noqda mid horumaray haddii la maareeyo musuqmaasuqa(is barbar dhig Belgium iyo Nayjeeriya).30kii sano ee Soomaaliya qaranka ahayd wixii u qabsoomay waxaa la hirgeliyey muddadii dalku ugu musuqmaasuqa yaraa(1970-1976).Marka dawladnimada loo fahmo in qofba wuxuu soo gaaro boobo waxay natiijadu noqon in la bahaloobo,wax qabsoomaana ma jirayaan.
MUSUQMAASUQA MAXAY DIINTU KA QABTAA?
Diinta Islaamku si cad ayey u xaaraantinnimeysay cunidda hantida sida xaqdarrada ah lagu helo.Aayadda 188aad ee suuradda Al-baqrah ayaa si kooban haddana buuxda Ilaah ugu caddeeyey inaan dadku is boobin.Axaaddiis badan ayaa iyaguna si faahfaahsan u safiray aayaddaas.Qof kasta oo muslim ahi waa ogyahay inay xaaraan tahay inuu qof kale hantidiis boobo.Hantida la wada leeyahay way ka daran tahay midda hal qof ah laga boobo,waayo dad aad u tira badan ayaa aakhiro kula xisaabtamaya.Hantida qaranka waxaa wax ku leh kumanaal agoon,curyaan,sabool iyo kuwa buka isugu jira.
Marka waxa la yaabka lihi waxay tahay:
Maxaa Soomaalidu dhaqan uga dhigatay in hantida lawada leeyahay boobkeeda la xalaaleysto?Soomaalidu inta badan aad bay isaga ilaalisaa xoolaha agoonta,hantida qarankana agoon tira badan baa wax ku leh.Marka xaggee wax ka khaldan yihiin?Qofka boobaya hantida lawada leeyahay miyuusan ogeyn in dad kale xoolaha wax ku leeyihiin?Waxaa kaloo la yaab leh inaan bulshadu ku ceebaynayn qofka hantida lawada leeyahay booba,waxaanad arkaysaa in lagu faaninayo isaguna ku xarragoonayo!Waxaad arkaysaa isagoo guryo iyo ganacsi ku samaysanaya hantidaas,lagana yaabo inuu sekada ka bixiyo kuna xajiyo!!
Halkan waxaa ka muuqda sida culimmada soomaalidu doorkeeda u gabtay,una fududaysatay dhibaatada musuqmaasuqa.Culimmadu mar kasta muxaadarooyin ciiddaas ka badan ayey ka jeedinayaan meel kasta,marna arki maysid ayagoo dadka uga digaya cadaabkan.Muxuu yahay dembiga ka weyn in qof boobo hanti malaayiin qof wax ku leedahay,isla markaana horseedaya in dadku is baabi,iyo?Boobka hantida guud wuxuu keenaa inay faafto anshax-xumada,isneceybka dadka,dulmiga,sicir bararka.Intaas waxaa ka sii daran inaan bulshadaas waxba u hirgelin,wax horumar ahna aan laga rajo qabin.Waa khasaaro adduun iyo aakhiro oo dadkoo dhan wada saamaynaya.Maxaa haddaba ku kallifay culimmada inay arrintan ka aamusaan?Ma aqoon xumaa,mise fududaysi?Cudurkani ma qarsoona,dhibaatadiisuna waa tan soomaali dhigtay meesha aan maanta joogno.
Waxaa haddaba loo baahan yahay in culimmadu baaritaan ku sameeyaan arrintan,olole guud oo dadka loogaga digayona la qaado.Sidoo kale aqoon yahannada soomaaliyeed waa inay ka qayb qaataan la dagaallanka musuqmaasuqa iyagoo kaashanaya culimmada.Waxaa kaloo muhim ah in dadku toosaan oo ay ku qasbaan culimmada inay arrintan mar kasta ka hadlaan.Dadka shacabka ahi awood badan ayey leeyihiin haddii ay u soo jeestaan la dagaallanka musuqmaasuqa,waana ayaga kuwa laga rabo inay ka yaqyaqsadaan markay la kulmaan qof lagu tuhmayo in wuxuu haysto si xaaraan lagu keenay.Soomaalidu waxay maanta leedahay saxaafad dadku aad uga war qaato.Horumarka bulshooyinka waxaa hoggaamiya saxaafadda, isbeddelna ma dhaco haddii aysan jirin saxaafad madax bannaan oo la socota cudurrada bulshadeeda,sidaa awgeed waa in saxaafaddu fahamtaa masuuliyaddeeda. Wacyi gelinta miraheeda waxaa ugu horreeya marka dadku ceeb u arko musuqmaasuqa,kan sameeyeyna la dhuunto.Laakiin dadaal badan oo aan loo kala harin ayaa ka horreeya.
WA BILLAAHI TAWFIIQ
W/Q: Abdirahman Elmi Hashi,
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no