Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Apr 23, 2011 - 2:27:50 PM
Fikrado/Faalo
Go'aanka Kenya & xalka Somalia


Tan iyo intii burburku ku dhacay haykalkii dowladnimo ee Soomaaliyeed waxaa shacabkii Soomaaliyeed gaar ahaan intii aqoonta dowladnimo, cilmi iyo xirfadeedba lahayd, intii hantida dhaqaale haysatay u qaxeen dalalka dariska ah, gaar ahaan Kenya.  Kuwaas oo buux dhaafshay hoteeladii iyo xaafadihii Nairobi.  Waxaa intaa kuu sii dheer in hantidii Soomaali lahayd, mid qurbe laga keenay iyo mid Soomaaliya lagala soo qaxayba la geliyay Kenya, hantidaas oo lagu qiyaasi karo Balaayiin Doolar, maalgelintaasina waxay sababtay in Kenya ay noqotay suuqa ugu weyn Afrika ee badeecadaha bagaashka iyo Batroolka, taas oo wadamada bariga iyo bartamaha Afrika ay u soo adeeg doontaan sida wadamada: Uganda, Tanzania, Sudan, Congo, Ruwanda, Burindi, Malawi, Zambia, iyo South Afrikaba.

Hadaba waxaa dad badan aaminsan yihiin hadii dalalkaas dariska ah sida , Kenya, Jabuuti, Itoobiya , Yeman iyo Dubai-ba ay dadka Soomaaliyeed soo tarxiili lahaayeen ama  ku khasbi  lahaayeen inay dalkooda dib ugu noqdaan in taasi soo dedejin lahayd xal in loo helo mushkilada Soomaaliya.

Dadka aragtidaas qaba oo aan anigu isku tiriyo waxay sabab uga dhigaan aritaas qodobadan hoos ku qoran:

Maadaama Soomaaliya kuwa qaska ku haya ama maalgeliya ay yihiin raga buux dhaafshay Hoteelada Nairobi iyo Dubai, soo celintoodu waxay keeni lahayd xal deg deg ah Maadaama dalkii ay isugu hareen geeljire iyo askar horjoogayaal ah waxay soo celinta Soomaalida dalalka derisku horseedi lahayd in ay dalka dib ugu soo noqdaan dadkii aqoonta u lahaa hab maamulka iyo maaraynta dowladnimo, takhaadiirtii , injineeradii , macalimiintii oo iyaguna dalka dib ugu soo noqdo kana qayb qaata ama laf dhabar u noqda dib u dhiska dalka.

Faa’iidada kale ee ay soo celinta dadkaasi keeni lahayd waxay tahay in dhaqaalaha bilaayiinta gaaraya ee lagu maalgeliyay Cimaaradaha Dubai, Hoteelada iyo Fiilooyinka Nairobi in dib dhaqaalahaasi loogu celiyo dalkii hooyo , taas oo wax badan ka badali lahayd xaalada dhaqaale, shaqo iyo nololeed ee Soomaaliya.

Talaabada Kenya ee maanta waa digniin ninkii garaadlihi ka faa’iidaysan karo, oo inta goori goor tahay lacagtiisa kala bixi karo dalkaasi, hadii kale waxaa soo socota maalin aan dheerayn oo sidii Ida Amin ku sameeyay Hindidii Uganda la oran doono Soomaalida Kenya nin walboow adoo bac wata ayaad soo gashay sidaa awgeed kabaxa kalka idinkoo aan waxba kala baxay, maxaa yeelay Hoteelada iyo Fiilooyinka quruxba badan ee Nairobi waa kuwo dhidibo leh, dhulka Kenyana ku yaal.  Sidaa awgeed intay goori goor tahay alow yaa idin yiraahda bustihiina ka duubduubta .

Waxaa intaas ka sii daran, kadib markii Faras Magaalaha Nairobi lagu sameeyay mudahraad kaas oo ay ka dhex muuqdeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo farabadan, kuwaas oo lagaba yaabo in badankoodu dalka aysan sharci ku lahayd, kuwaas oo wata Calankii Al-Shabaab, kana dacwoonaya nin aan u dhalan Kenya oo dalka laga musaafuriyay, ayaa ciidamada amniga ee Kenya waxay qabqabteen dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo isugu jira  dhalinyaro, dumar, waayeen iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.  Hadaba waxaa isweydiin mudan Kenya xaq ma u leedahay inay amniga dalkeeda sugto, xaq ma u leedahay inay cidii dalkeeda sharci daro ku joogta qabqabato ama musaafuriso, hadii jawaabtu haa tahay , hadaba maxaa sababay in Soomaalidu meelay joogaanba qaylo afka ku dhuftaan oo dhaleeceeyaan Kenya.

Waxaa wax lagu qoslo aan ku tilmaami karaa dadka Soomaaliyeed oo aad moodid inay doqoniimo dufaysatay, mararka qaarna aabad la yaabaysid mawaaqiftooda amuuraha qaar,  waxaan taas uga dan leeyahay in ay u mudahraadaan nin Jamaykaan ah oo aan Kenya u dhalan iyagoo laftigoodu dalka ay ku dhex mudahraadayaan aan sharci ku lahayd, ama ka dacwoodaan maxaa loo xirxiray dadka Soomaaliyeed ee sharci darada ku jooga.  Soomalidu miyaysan ahayd kuwa iyagu iskula dhaqma wax ajnabinimo ka xun, yaa soo baro kiciyay boqolaalka kun ee qaxootiga ku ah Kenya, miyaysan maanta Soomaaliya marayn in Muwaadiniintii Soomaliyeed ciidoodii hooyo loogula dhaqmo sidii ajaanib, sida in la musaafuriyo, la xidho dabadedna loo dhiibo wadamo kale, la yirahdo dadka aan u dhalan Somaliland ama Puntland ha isdiiwaan geliyeen ama reer koonfur ama faqashtu hanaga baxdo ,ama la yiraahdo waxaa Muqdisho ku soo duulay dad aan u dhalan oo ka yimid Puntland iyo Baayland iwm….

Hadiiba aan inagii heerkaas marayno, maxaa qaylada iyo baroorta keenay, maxaanse Kenya ku haysanaa hadii ay rabto inay sugto amniga dalkeeda.  Dalkeenii baan holcinay oo dadkiisii dubanay , qaranimadiisii kufsanay, sharaftiisii dhaawacnay, bad iyo bari xaalufinay , marka yaynaan qoriga dabka ah ee aan la wareegayno ku gubin dalalka albaabada idiin furay oo ugxantiinii ,hantidiinii iyo ubadkiinii aad ula cararteen, nabadgelyada aad ka wayden dalkiinii oo aad ku haysatan dalalkasna ha dhawicinina ee inta guryihiinu idiin hagaagayaan deelqaafka iyo isbihinbihinta aan waxay idiin dhinto mooyee waxba idiin kordhinayna iska yareeya, hadii kale Qoorgooyadii Al-Shabab iyo Jilaafadii Shariif Xariif u diyaar garooba.

Waxaan maqaalkayga ku soo gabagabaynayaa maahmaah murto qoto dheer xambarsan oo reer barigu ku maahmaahaan taas oo leh:  “Adoo nabad u balwaaja below kaalay lama yidhaa, haday kuu timaadana lama booyo boowoow”  marka idinkoo muufadiinu maraqa idiinku jirto hadii aad calamadii Al-Shabaab la soo baxdeen dee u diyaar garooba wixii idinku dhaca.

Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com
RELATED:
Soomalida iyo Musuq-maasuqa
Cadkeerow Ku Cuney ama ku Ciideeyey
FAALO: Puntland iyo Lacagta Faalsada

Advertisement
 

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: President Farole welcomes India assistance to fight piracy
GAROWE, Somalia May 16 2012 (Garowe Online)

Somalia: Kenya police loot businesses in Dadaab after explosion

Somalia: Statement by the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) Presented at Indian Council on World Affairs

Somalia: MSF to restructure health support in Galgaduud due to deteriorating security

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

Somalia: Land dispute in Somaliland leads to 5 deaths

Somalia: Turkish commandos capture Somali pirates

Somalia: Al Shabaab agent caught with explosives in Mogadishu

Somalia: Foreign Al Shabaab fighter caught near Kenya border

Somalia: Puntland President Flies to India After Meetings with Ethiopia Deputy PM in Addis Ababa

'Confusing' articles in Somalia draft constitution

Somalia: Puntland police conduct operations after killings

Somalia:Puntland Government Response to Draft Federal Constitution of Somalia

Somalia: Civilians killed in grenade attack in Mogadishu

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us