Waxaan aqriyaa bogagga Internetka ee Somalida si aan bal dhacdooyinka waddanka uga helo, sidaa darteedna waxaan isu maraa bogag badan oo Soomaliyeed. Inta badan bog walba oo Soomaliyeed xitaa haddii marka hore aanan ogeyn cidda (qolada, qabiilka) iska leh, haddana dhowr maalmood markaan aqriyo waan gartaa, waayo waxaa markiiba ka soo if baxaya cudurkii (qabyaaladdii) na dilootey ee caalamka naga reebtey. Laakiin iyadoo ay sidaasi tahay haddana waxaa jirta oraah Soomaaliyeed oo sheegeysa in Digaagu qurunka wada cuno balse af tirtirashadu is dheer yihiin (in kastoo ay qabiili yihiin wey kala daran yihiin). Dulucda ayaa waxay tahay, markaan aqriyo bogga internetka ee waagacusub ayaa waxaan ku arkaa qabyaalad qaxayan oo mar walba banaanka si aan xishood laheyn loola taagan yahay. Haddaba maxaan uga jeedaa taasi?
Boggani wuxuu colaadiyaa qabiilada Soomaaliyeed oo kale, wuxuu wax ka sheegaa (Criticism) siyaasiyaanta qabiilada kale oo dhan, si kala daadegsan (Hierarchal), tusaale ahaan, Irir ayuu ka raacaa Somalida inteeda kale, deetana Hawiye ayuu ka taageera markey noqoto Hawiye iyo inta kale, deetana Habar Gidir ayuu ka taageera Hawiyaha, misna sacad ayuu ka taageeraa qabiilka Habar Gidir, sidoo kale wuxuu buunbuuniyaa siyaasiyiinta beesha uu ka dhashey si indho la’aan ah. Dhowr tusaale aan keeno.
C/laahi Yuusuf iyo dahir Riyaale
Ma xasuusataan, Dahir Calasow waa qofkii ugu horeeyey ee aqoonsadey Somaliland (single handedly)? Dahir Calasow iyo boggiisa waxay aqoonsadeen Somaliland, odayaasha qaar ee akhrista web-kiisana wey la aqoonsadeen (waan qoslayaa). Somaliland, ma uga baahan tahay aqoonsi Daahir Calasow? Haddiise uu aqoonsado maxay u tareysaa Somaliland? Waa la sheegey xogta ka danbeysa buunbuuninta Somaliland iney lacag iyo naceyb uu u qabo beel ka mid ah beelaha Somaliyeed (Daarood) salka ku heyso, laakiinse Dahir Calasow ma og yahay Somaliland waxa ay aqoonsi u la’dahay iyadoo East Timor iyo Kosovo oo si aad ah uga danbeeyey la aqoonsadey? Ma wuxuu moodaa in qofkii gaar isu taagaba la aqoonsado mise wuxuu is leeyahay Hawiye ayaa aqoonsan kara? Dahir Calasow C/laahi Yuusuf (Daarood) ah ayuu is yiri ku xumee, Somaliland (Irir) ah-na ku raali geli, laakiin waxaasi sow ma aha wax laga yaq yaqsoodo? Somalinimadu ma waxaad u beylaheysaa (hadii uu aqoosigaaga wax tari lahaa) shaqsi (C/laahi Yuusuf) ama qabiil (Daarood) dartii? Somalinimadu ma shaqsi (C/laahi Yuusuf) mise qabiil (Daarood) baa iska leh? Haddii qabiil wax lagu ictiraafayo, labadeena Professor ee walaalaha ah illaahey ha inoo daayo cimrigoodana ha raajiyee Prof Axmed Siciid Samatar iyo Prof Cabdi Ismaaciil Samatar sow ma taageereen Somaliland oo uu walaalkooda xukumo? Sow tan lagu nacey oo lagu kiraaheystey Somaalinimada ay u doodaan iyadoo ay uga fududaan laheyn iney Somaliland u ololeeyaan?
Cadde Muuse iyo Kimiko.
Labadaan muwaadin waa mas’uuliyiin Soomaliyeed oo xaq u leh in si cadaalad ah wax looga wada sheego. Waxaad arkeysaa in fursad walba oo la heli karo wax looga sheego Cadde Muuse iyo Puntland, laakiin Kiimiko laga dhigo Malaa’iik aan waxba qaldin. Aqriste taasi macquul ma tahay is weydiiyoo in laba hoggaan midna uu qalad ku jiro had iyo jeer midna uusan sidiisaba qaladka gelin? Maxay ka dhibeysaa haddii Dahir Calasow uu Kiimikana qaladkiisa sheego, sow uun horumar uun ma aha? Dahir Calasow ma karo inuu qof qabiilkiisa u dhashey wax ka sheego.
Cabdi Qeybdiid iyo Indha Cadde
Labadan shaqsi waa shaqsiyaad Somaliyeed, taariikhda ayaa xusi doonta iyo ugu danbeyn rabigii abuurtey oo la socda waxay banaanka keenayaan iyo waxa ay qarinayaanba. Waxaanse aragnaa in Dahir Calasow uu si aad ah u jecel yahay inuu wax ka sheego Indha Cadde, mar uu leeyahay diin waxba kama oga, mar leeyahay dad buu webiga ka gadi jirey. Indha cadde waa shaqsi amaan iyo cayba yeelan karo, laakiin waxaanan arkin isagoo si la mid ah sidaas wax uga sheegaya ninka la yiraahdo Cabdi Qeybdiid ee ay isku jifada yihiin. Cabdi Qeybdiid sow ka mid aheyn raggii la diirey culimada oo iibgeyn jirey isaga iyo Suudi iyo Xaabsade iyo Qanyare iyo xaaraan kuu naaxayaasha oo dhan, sow Indhacadde ugu uma gargaarin wuxuu doonaba ha ka watee wadaaddada oo liita, wax in laga sheego waa ok, laakiin aawey eedihii QaybDiid? Aqriste ma dhici kartaa in Cabdi Qeybdiid uu ceeb ka saliim yahay? Maxay ka dhibeysaa Dahir Calasow inuu labadaba ceebtooda sheego? Dahir Calasow labadan isku qabiilka ah wuu sii kala xigsadaa. Ceyr wuxuu had iyo jeer ka sheegaa iney yihiin dad raba iney wax boobaan oo magic diineedna huwan yihiin oo dhul boob ku jiraan, laakiin wax ka sheegistaas wanaag iyo caddaalad kama aha ee waxaa uun uu diiddan yahay wax boobayaashii isaga ay isku lafta ahaayeen iney sawirka haatan ka maqan yihiin. Wuxuu is xusuusiyaa uun markii Gen Caydiid iyo Professor ku sheeggii (Maata Leys) Maxamed Faarax Jimcaale iyo Xuseen Caydiid ay sawirka ku jireen oo boobka iyo dilka hoggaanka u hayeen.
(Xusuuso Somaliya waa lagu faanaa dilka, boobka iyo dhaca iyo tuulo iyo magaalo qabsashada, qabiil walba kii ka daalimsan ayaa ka wanaagsan, Somali Style
)
Buun Buuninta siyaasiyiinta reerkiisa
Xuseen Caydiid
Xuseen Caydiid waa shaqsi Somaliyeed ee u dhashey beesha Dahir Calasow, laakiin taasi qof fiican iyo shaqsi xun midna kama dhigeysee, qofka camalka ayaa waxaa uu yahay ka dhiga, Xusuuso Professor Caddow waxaa uu u dhashey beeshaasi sacad oo aan ognahay wax galnimadiisa, diiintiisa iyo Somalinimadiisa. Weligeed ma maqasheen Professor Caddow ayaa dhul booby, ama masaakiin laayey ama halaag horseedey? Haddaba Xuseen Caydiid ma dhihi karnaa waa Siyaasi Somaliyeed? Taariikhdiisa markaan dib u eegno midda dhow, sow kama mid aheyn raggii Itoobiya waddanka keeney? Somaliyeey ma illoowi karnaa hadalkii Xuseen Caydiid ee ahaa Itoobiya iyo anaga waxaan isku darsaneynaa dalka, xudduudada ayaan isu fureynaa, markaa ka dibna baasaboorada ayaan isku darsaneynaa? Sow ma aheyn ninka ku soo hoggaamiyey Amxaarada waddanka oo ka qaatey talaabo firfircoon, weliba ku faraxsanaa. Somaliyeey ma illowi karnaa sida Xuseen Caydiid iyo kuwo isaga ku caqli ah Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ugu diideen inuu Villa Somaliya oo uu xaq u lahaa dego, misna xitaa waajibkiisii Madaxweynenimo ku guto Muqdisho. C/laahi Yuusuf markuu dejiyey Villa Somalia maxay jawaabtiisu noqotey? “HE IS NOT NORMAL” Qof caadi ah ma aha! Sidaas waxaa yiri C/laahi Yuusuf, malaha wuuba u qalmaa jawaabtaasi oo caadi maba aha oo C/laahi Yuusuf-na waaba ku saxnaa ma is tiri?. Waxaad si wanaagsan uga dhergi kartaa caqliga gaaban ee Xuseen Caydiid Youtube markaad ka daawato isagoo Ingiriisigiisa jajaban ku caayaya culmida Islaamka, isagoo leh “Somaliya uma ogolin wax diin ku dhaqmaya” isagoo is tustusaya weriyaha si aan mas’uulnimo aheyn, caruurtii magaciisa u dagaalantey ee ku u baaba’deyna caayaya isagoo leh “Waxaan leeyahay mooryaan iska dhinta oo dhimashada aan ka baqin oo qorigaaga adigoo nool kaa qaadanaya”, haddaba wiilashaasu hooyo ayaa dhashey oo sagaal bilood calool ku siddey umana ay dhalin inuu Xuseen Caydiid dagaalo ku laayo deetana si axmaqnimo ah ugu faano ee waxay u dhashey iyadoo rajeyneysa iney noqdaan dad wax bartey oo dalkooda iyo diintoodaba anfaca, waalidkoodiina wax tara, akhriste ma rabtaa wiilkaaga ama walaalkaaga inuu isagoo 15 ah u dhinto Hogaamiye kooxeed xaaraami ah, haddaba xusuuso kuwaasina hooyo ayaa dhashey, mise kulama aha?
Taariikhdiisa fogna Xuseen Caydiid, waxaanu ognahay inuu ka yimid Mareykanka oo Aabihii Maxamed Faarax Caydiid ka dhaxley Gobolo (Bay iyo Bakool) iyo dadkii degganaa iyo beerahooda iyo guryahooda iyo hantidoodaba. Qofka marka uu ka yimaado Adduunyada horey u martey waxaad ka fileysaa inuu ahaado qof yaqaana xuquuqda iyo sharafkta bani’aaddanka, bal ka waran qofka ka yimid America ee xuquuqdiisa lagu dhowrey halkaasi ee ummadda wanaag ka sugeysey oo is beddel laga sugayey oo isaga kala wareegey Aabihii dad beeraley ah oo aan rabsho iyo fidno midna aan aqoon, oo moryaan guryahooda ay gubaan, gabdhahooda kufsadaan, baadna ka qaataan. Deetana mar Xuseen caydiid BBC-da laga wareystey ee la weydiiyey, ciidamadaadaa Baydhabo Xoogga ku heysta dadka wey dhacaan, wey boobaan, weyna kufsadaan ee maxaad kaga jawaabeysaa? Wuxuu ku jawaabey, dadka deegaanka (uu xoogga ku heysto) iyaga ayaa isir u leeh kufsasho, Qofkaasi muxuu kuu yahay akhriste? Bal ka soo qaadd in Gobolkaasi yahay gobolkaaga, dadka sidaa loo galayana yihiin dadkaaga, gabadha la kufsanayo tahay walaashaa ama xaaska, hooyada la kufsanyo ama la dilayo tahay Hooyadaa? Maxaad ku sifeyn laheyd qofka America uga yimid inuu sidaa kuu galo?
Dahir Calasow qofkaasi wuxuu u yahay Halyeey Soomaliyeed, shaqsi fiiro dheer iyo Injineer mabda’ adag oo aan loo dhawaan karin, iyo siyaasi laga baqey caqligiisa iyo kartidiisa. Dahir Calsow haddii Xuseen Caydiid aysan isku qabiil ahaan laheyn tolow sidaa ma u arki lahaa? Ilama aha.
Caayda Abuu Mansuur
Abuu Mansuur, waxaa u ka mid yahay Urur diimeed ka dagaalama Somalida. Ururkaasi Somalida isku aragti kama aha. Qaar waxay u arkaan in ururkaasi uu yahay, urur fasahaad wada oo diinta beddelaya oo Wahaabi ah sidaa darted u baahan in laga hortago. Waxay doodda noocaasi ah ku saleysan tahay, maxaa Cusama Bin Laden naga galay anaga, waddankeena anaga ayaa iska leh, dad la gaaleysiiyo iyo kuwo kale oo waddamo kale ka yimid oo ku dagaalama waddankeena midna ma oggolin, arinteenu waxay joogtaa gobanimo u dirir iyo inaan xoreysano waddankeena. Ma rabno fowdo kale oo dheerad ah.
Doodda taa ka soo horjeedda waxay leedahay, ururka alshabaab waa urur islaami ah oo ka dirira waddanka, Amxaarana nafta u keeney oo ay ka baqaan. Qof walba oo nala bixinaya Amxaarada iyo gaaladana waan ogolnahahay waana soo dhoweyneynaa, waayo gaaladaba wey is biirsatey maxaa anaga noo diidaya inaan muslimiin ahaan midka Afghanistaa jooga iyo kan Ciraaq joogaba aan isu hiilino xoog iyo hiilaba? Sow lacagta Mareykanka ma aha waxa nalagu dilayo? Sow Amxaarada Mareykan nooma soo dirin? Sow magaca islaamka ma aha waxa nalagu colaadinayo? Maxaan anagana u kala saareynaa?
Labada fikradoodba waxaan dhihi karaa waa fikrado muwaadineed oo salka ku haya baadigoobka maslaxad Soomaaliyeed iyo midda diinteena suubban, mana jirto mid aan leeyahay waa qalad, haddii doodaha wanaagsan ee wax la isku tusaaleynayo iyo Somalinimo iyo muwaaddinimo ay sii socdaana, xal baa imanaya, waayo wax iska sheegistu waa isa sixid. Laakiin maxay tahay fikradda Dahir Calasow?
Fikradda Dahir Calasow waxay tahay, side baa nin u dhashey Raxanweyn u gaari karaa illaa heerkaas ah inuu waddanka ka hadlo. Sidee baa nin Raxaweyn ah war looga dhegeysan karaa iyadoo uu joogo nin reerkey ah? Sidee baa nin Raxaweyn ah dad badan u dhegeysan karaan, side baa nin Raxaweyn ah dad badani u raaci karaan, side baa nin Raxaweyn ahHalyeey loogu sheegi karaa?Sidee baa nin raxaweyn ah Muqdisho uga hadli karaa? Sidee baa nin raxaweyn ah......Sidee baa nin Raxaweyn ah......, WHY WHY WHY WHY...?
Waxaad haddii aad aqrin jirtey boggaasi arki jirtey, cinwaan ah ALSHABAAB, deetana loo sii daadegayo Muqtaar Roobow. Marka ugu horeysa, halka uu Xuseen Caydiid Injineer ugu yeero iyadoo aanu ognahay in Xuseen Caydiid uusan Injineer aheyn oo uusan xitaa dhameysan koorsadii Militeriga u ogolaadeen, ayaa haddana wuxuu u diidey inuu Sheekh ugu yeero Abuu Mansuur(Waxba kama dhinto laakiin), marka xigta, wuxuu had iyo jeer sheegaa inuu yahay nin Raxaweyn ah oo uu si joogto ah noo xusuusiyo, isagoo leh maxaa nin raxaweyn ah ka galay dhulka Hawiye, Dahir Calasow oo ah qof ay qabyaalad dilootey ayaan arki Karin qof aan beeshiisa aheyn. Markii uu maqlo hadalka abuu Mansuur ayuu qalinka la boodaa oo hadaladiisa naceybka ka buuxo iyo guubaabada qabyaaladeed ku bilaabaa.
Abuu Mansuur waa Qabyaaladiiste
Dahir Calasow wuxuu soo qorey in Abuu Mansuur in gobolada Hawiye uu ka mamnuucey iney hey’adaha yimaadaan, halka uu u fasaxey goboladiisa (Bay iyo Bakool). Isla hadalkaasi waxaa ka daba hooriyey qaar ka mid ah odayaal dhaqameed Hawiye ah oo isla intaa ka daba aqriyey (xusuusta odey dhaqameedyadu qabyaaladda aad bey u jecel yihiin ee looma bilaabo). Abuu Mansuur heydaha Bay iyo Bakool digniin keliya ma siin oo xafiisyadooda intuu xirey, alaabtoodi ka qaadey ayuu shaqaalihiina kala direy, waxaa sidaa ka dhegeysaney BBC-da qeybta Somaliga calaacalkii guddoomiya gobolka Bakool uu lahaa Abuu Mansuur yaa waa iska celineynaa, isla Guddoomiyahaasi Bakoo ee u hanjabey Abuu Mansuur isagoo Amxaaro waardiyeyneyso waa tii aan ka dhegeysaney weerarkii ay ku qaadeen mujaahidiinta ee lagu diley 12 Amxaaro ah mujaahidiintana mid uga dhaawacmey, guddoomiyihii Bakoolna cararey.
Dahir Calasow wuxuu kaloo soo qorey in Abuu Mansuur aarsi ka wado Muqdisho iyo dhulka Hawiye isagoo u aaraya dadkii Baydhabo afar sanno si naxariis daro ah ugu laayeen labada Caydiid ee aabbaha iyo wiilkiisa America uga yimidba. Calasow wuu qirey in dhib loo geystey dadka dhaqanka wanaagsan ee reer Baydhabo oo ah dadka ugu nabadda jecel ugu dumigana yar haddii aan la xaqirin, runtana aan la qarin, laakiin waxa uu ka hadley uun dhibka haddeer uu u heysto in lagu sameynayo qabiilkiisa ee ma sheegin in adeeradiisa iyo Mujaahidkiisa weyn (Maxamed Caydiid) iyo Siyaasigiisa weyn (Xuseen Caydiid) ay yihiin daalimiin dad Somali ah dhibey. Iyagoo ka soo safrey dhl aad u fog deetana xasuuqey dad Soomaliyeed. Dahir Calasow taasi hour,ar ayey u aheyd oo wuu ku faanaa, waa tuu mar walba yiraahdo markuu Abuu Mansuur u hanjabo, “anaga Hawiye ayaa nala yiraahdaa waa nala yaqaanaa” taasoo uu uga jeedo dadka ayaan xasuuqnaa, guryahooda ayaan qabsanaa iyo beerahdoo, waan ku gardaroonaa Somalida, naxariisna uma sameydo ee Abuu Mansuur is jir haddii kale dhulkaaga ayaan qabsaneynaa.
Haddaba Abuu Mansuur ma yahay sida uu ku sifeeyey?
Abuu Mansuur, degmada Berdaale inta tegey ayuu odayaasha markey ka dalbadeen inuusan Amxaaro kula diririn daafaha degmada u sheegey in mar danbe haddii ay hadal noocaasi ah la yimaadaan uu wada leynayo, odeyaashaasu waxay ka dhashee lafta uu Raxaweyn ka yahay Abuu Mansuur ee LEYSAAN. Odeyaasha Beeshiisa waxay kuu sheegayaan had iyo jeer inta qof ee reerkaasi ah ee uu diley Abuu Mansuur iyaga oo la shaqeynaya Amxaarada. Leysaan iyo inta badan qabaa’ilada kale ee Raxaweyn dacwad ayaa dhex taal hadda eek u saabsan rag qabaa’ilada kale ee Raxaweyn ah oo iyaga oo isbaaro dhigayana uu inta u digey Abuu Mansuur kuna yiri yaab isbaaro danbe idinku imaan, isagoo markii uu ugu yimid markii xigtey iyagoo qaadicu dariiq ahna uu wada laayey si fitnadaasi u dhamaato oo dadka waddada u maraan? Odeyaashaasi Raxaweyn kuwa sida Daahir Calasow Qabyaaladda u quuta waxay LEYSAAN-ta ku heystaan odeyaasheeda, wiilkiina ayaa wiilasheena laayey, Odeyaashana waxay leeyihiin arintan wax qabyaalad ku saabsan ma aha ee haddii aad iska dhicin kartaan iska dhiciya anagaa lafaheena uga baqeyna Abuu Mansuuree? Bal haddaba adiga ka sheekee ninka raba inuu yiraahdo anaga oo Hawiye ah ayaa Raxaweyn naga aargudaneysaa? Bal ka sheekee ninka ku doodaya Abuu Mansuur qabyaalad ayuu wadaa oo dadkiisa wuu u turaa?
Abuu Mansuur Bay iyo Bakool muu ka dagaalamo?
Akhriste, Baydhabo dagaal ma u yar yahay? Sow ma aha midda maalin walba wax laga qarxiyo, Waxna ku dhintaan? Qaraxyadaasi sow kuma dhintaa dad aan waxba geysan inkastoo cadowguna dhib soo gaaro, ma wax gaar ku ah baa Muqdisho, midda kale degmooyinka iyo tuulooyinka Bay iyo Bakool dhamaan marka laga reebo Baydhabo sow kuma jiraan gacanta Alshabaab, yaa lala diriraa marka mar haddii labada gobolba alshabaab ay heystaan?, Baydhabada hartey miyaa la cafiyaa? Tuulada Manaas ma Muqdisho iyo dhul Hawiye ayey ku taalaa, sow Bay ma aha? Wixii ka dhacey sow lama xasuusto iyo inta cadow kalkaal aheyd ee lagu laayey oo weliba ahaa saraakiil ka soo qabiilada Raxaweyn, ma ixsaan baa loo sameeyey? Teeda kale, markii ay maxaakiimta Daynuuney dagaal ku tageen ma aragteen aqriste shicika ama saxafiyiinta ama website-yada ama culimada ama aqoonyahanada ama malaaqyada Digil iyo Mirifle ka qeylinaya oo dhahaya waa Hawiye culumo iska soo dhigey oo na soo weerarey? Sow uun Hawiye ma aheyn Maxaakiimta, marka laga mid iyo labo daarood ah iyo Abuu Mansuur keligiisa, golaha shuurada ee maxaakiimta maxay ka koobnaayeen ma Somali kale ayaa ayaa ku jirtey, tiro ahaan yaa u badnaa, ma xasuusataan, yaase ka Hadley? Culimo sow uun culimo ma aheyn? Mujaahid sow uun Mujaahid ma aha? Sow tan mujaahidiinta baydhabo wax ku dilaan oo deetana Muqdisho ka sheegaan weerarka Baydhabo? Miyaa la kala saaraa? Dahir Calasow, abuu Mansuur Raxaweynimo ku diiddaye, ma culimada iyo mooryaanta Hawiye uun baa leh ruqsad (Licence) ay marna diin wax ku weeraraan marna qabyaalad wax ku gobolo ku qabsadaan? Midda kale Dahir calasow Baydhabo waa tan habeen iyo maalin la garaacayo Cabdi Fataax geesey oo ah Guddoomiya Gobolka Bay (oo weliba Leysaan ah) intaasi jeer la weerarey, Guddoomiya degmada Baydhabo Biikole raggisa la laayey, gaarigiisa la qarxiyaye, isagana dirqi kaga badbaadaye, sow ma maqashid inta raggii Baarlamaanka laga diley? Adiga intaasi kuguma filna oo waxaad rabtaa Baydhabo in sidii 1992 loogu baaba’o oo loo bixiyo Magaaladii dhimashada, wax aan intaasi aheyn kuma qanceysid, oo qoraalkaaga ayaa laga dhadhansan karaa xumaanta aad u heyso dadka labadaasi gobo deggan.
Dahir calasow wuxuu qorey in Abuu Mansuur uu ugu hanjabey afhayeenka Hawiye masaajid dhexdiisa? Markii danbe waxaa la ogaadey ninka u hanjabey inuusan Abuu Mansuur aheyn, oo weliba uusan Abuu Mansuur xitaa Xamar joogin markaasi. Ugu danbeyna, Dahir Calasow wuxuu soo qorey in Abuu Mansuur looga shakisan yahay inuu la shaqeeyo muqaabaraadka Mareykanka, sidaa darteedna Alshabaab ay is weydiinayaan sababta keentey inuu mar walba sheego dadka Al Shabaab ka dhinta. Afhayeen waa maxay micnaheedu, sow shaqadiisu ma aha inuu sheego wixii sheegis u baahan ee ururka quseeya, ma dadka dhintey ha la qariyo ayuu leeyahay Calasow? Doraad wuxuu qorayey in Alshabaabka Hawiye (waa siduu ugu yeeraye) ay ka baxayaan iney ka amar qaataan nin raxaweyn ah. Waa YAAB! Maanta waxaa u qoran in Abuu Mansuur odeyaasha hawiye ka shireen oo lala jihaadi doono.
Gunaanad
Culumada ku taqasusey Sayniska Bulshada (Social Science) waxay caddeeyeen oo inta badan isku raaceen in ruuxa bani’aaddamka ahi uu mar walba wax uun si gaar ah ugu janjeero wax kalena sidoo kale si gaar u neceb yahay (prejudice), laakiin tusaale ahaan marka isla shaqsigaasi laga rabo inuu ama cilmi baaris (Research) sameeyo, ama wixii uu cilmi barista ku sameeyeyba uu qorayo (Publication) waxaa waajib ka saaran yahay inuu si aan eexasho (Bias) laheyn u qoro wixii uu soo ogaadey (findings). Sidoo kale dadka iyagu wararka tebiya waxaa loo baahan yahay iney qoraan ama soo gudbiyaan-ba warar aan cid si gaar ah loola beegsaneyn, cidna aan loogu eexaneyn, haddii taa ay dhici weysana sharci baa ka yaala (Ethical codes) oo waa la isku qabsadaa. Laakiin maaddaama uusan sharci wax kala qabanaya uusan ka jirin waddankeeni waa inaan xishoodka laga tegin oo marka wax la qorayo la muujiyaa dhexdhexaadnimo iyo warar runta ku saleysan ee aan aheyn ku tiri ku teen iyo naceyb gaamurey. Laakiin Dahir Calasow intaasi oo dhanba waxaa ka xoog badshey QABYAALAD xun oo lafaha ka gashey ee uu boggiisa warside sida qoryihii Mooryaanta u isticmaalayo, isagoo weliba dhowr Seminaar (inkastoo aysan wax badanba tarin) ku qaatey joornaalistenimada, oo weli qabyaaladdii, qofba qofka uu is leeyahay waa kaa xigaa ku taageerayo, taasi waa cudur aan dawo laheyn, ee Dahir Calasow, adiga iyo inta kugu caqliga ahba illaahey ha idin caafiyo, cudurkiinana illaahey inta ka caafimaad qabto ha ka badbaadiyo inta aad ku taabatey ee Virus-ka qaadeyna alla ha badbaadiyo.
Abuu Mansuur waa mujaahid u istaagey diintiisa iyo qarankiisa, qof walba oo cadowga la shaqeeyana uma aabo yeelo ama ha ahaado qabiilkiisa ama ha ahaado qabii kaleba. Haddii aad ku nacdey Raxaweyn ayuu u dhashey oo side wax u hoggaamiyee, isagaas ayaa na goggaaminaya Inshaa Allaahu, haddii Abuu Mansuur la waayana, waxaa guusha nagu hoggaamin doona mujaahid kasta oo lagu beddelo oo diinta illaahey kor yeelaya, si walba oo ay daalimiinta iyo Amxaarada ula diriraan wuu ka guuleysanayaa, haddii illaahey oofsadan, Abuu Mansuur wuxuu ka daba tegayaa saaxiibkiisa Mujaahid ceyrow illaahey fardowsa ha geeyee. Dahir Calasow iyo qabyaaladdiisa iyo munaafuq Xuseen Caydiid jaceylkiisa waxba ka dhibi maayaan, jihaadkana u istaagi mayo nin Sacad ah kuma jiro madaxda ama madaxda jihaadka waa Isaaq iyo Daarood iyo Raxaweyn loo joojin mayo, waayo mujaahidiinta waa isku qabiil.
W/Q: Khaalid Cabdullaahi Cali
Minnesota, Minneapolis (USA)
khaalid-@hotmail.com