Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Looking for a cheap getaway? Try HotelClub.com
Last Updated: Feb 11, 2014 - 5:11:05 AM
Features
Xasan Sh. Mumin: Abwan Dalkiisa jeclaa

Allaha u naxariisto Xasan Shiikh Muumin wuxu ahaa abwaan Soomaaliyeed oo raad lama illoobaan ah kaga tagay fanka Soomaalida. Waan yaraa markii aan magaca abwaanka  bartay. Heeso badan oo uu curiyey oo laga sii dayn jiray Raadiyo Muqdisho ayaa ii fududeeyey inaan wax ka ogaado hal-abuurkiisa. Dugsiga sare markii aan soo gaaray ayaan si wanaagsan wax uga sii ogaaday   baaxadda hal-abuurka marxuum Xasan Shiikh Muumin. Buugga suugaanta ee fasalka seddexaad ee dugsiga waxa qeybta ugu dambeysa—waa buugga barkii—lagu baran jiray riwaayadda Shabeel Naagood

Waan akhristay haasaawaha  iyo heesaha riwaayadda ku jira; wax ka gartay kaalimaha jileyaasha. Calaacalka gabadha Shebeel Naagood meesha xun dhigay ( Shamado) ayaan ka xusuustaa ereyadan:

War ma intaad i balaysay

Oo bahdii aan ka dhashay

Iyo  baradii iga saartay

Labadayda boqnood

Aad billaawe ku goysay

Oo boraan dheer iga tuurtay

Hassan Sh Muumin waxa uu ahaa abwaan caan ah
Waxa kale oo aan xusuustaa heesta caanka ah ee Gorayada Ilmaheeda oo  si gaar ah uga mid ahayd manhajka maaddada af Soomaaliga. Markii dambe ee aan isla helay cajalad ay riwaayaddu ku duuban tahay iyo  buugga lagu qoray riwaayadda, waan ka sii bogtay.

Xasan Shiikh Muumin: Abwaan la higsade ah 
 
Marxuum Xasan Shiikh Muumin ma uu curin jirin heesaha riwaayadaha la socda oo keliya. Waxa uu leeyahay heeso dal-jacayl iyo dardaaranba ku dheehan yihiin. Ereyada heesahaa waxa ka mid ah hees uu kula dardaarmayey kuwa xilka haya:

Nin dalkiisa xaasiday xagluhuu is gooyey

Xilka lagugu aaminay dadku yaanu kugu xaman

Waxa heestan—haddii xusuustaydu hagaagsan tahay-- ku luuqayn jirtay  Maryan Cali Muuddey. Hees kale ayaa jirtay oo lixdamaadkii uu sameeyey Marxuum Xasan Shiikh Muumin oo  muujinaysa  ka warheyntiisa waayaha nololeed ee dadka iyo waxa loo baahan yahay si loo gaaro isku-filnaansho. Waxa ereyada heestaa oo kooxdii Raadiyo Muqdisho la oran jiray si wadajir ah ugu luuqaynayeen,  abwaankuna marka muusiqa la hakiyo uu ereyo heesta ka mid ku tiraabayey muusiq la’aan, ka mid ah:

Dhaqaalaheenna dheelliyaaya waa inaan dhisnaa

Ereyada abwaanka  heesta ka dhex yiri waxaan ka xusuustaa:

Dhunkaal weeye gaajadu….

Waxaa xusid mudan in Macallin Guush  (B. W. Andrzejewski ) uu af Ingiriis u tarjumay Shabeel Naagood. Margaret Castagno oo 1975kii gorfaynaysay  riwaayadda waxay xustay in

Af Soomaaliga la qoray 1972kii, ka hor lama qori jirin riwaayadaha. Waxa lagu curin jiray af Soomaali. Tuducyada maanso  ee riwaayadda waxa far u gaar u ku qori jiray riwaayad sameeyaha , qeybaha riwaayadda waxa xafidi jiray jileyaasha oo kaashanaya riwaayad sameeyaha. Maansada Soomaaliyeed oo leh qaab-dhismeed  adag iyo daawadayaasha  Soomaaliyeed oo dhuuxa maansada awgood waa arrin waxtar weyn leh in maansada ka mid ah riwaayadaha loogu celiyo sida riwaayad sameeyuhu u  curiyey. Shabeel Naagood waxay taabanaysaa xurmo-darrida dhallinyarada magaalada u hayaan guurka. Riwaayaddu waxay ahayd mid  lagu guulaystay oo dad badan daawadeen oo sida uu Andrzejewski sheegay

      “ keentay in ciidan boolis oo xoojin ah la dalbado si wax looga qabto baabuurtii badnayd ee waddooyinka  xirtay iyo dadkii ku xoomay meesha tikidhada riwaayadda laga iibsado.”

Shabeel Naagood waxay ka mid noqotay manhajka suugaanta Afrika ee laga dhigo Jaamacado badan. In hal-aburka marxuun Xasan Shiikh Mumin loo bandhigo malaayiin dad oo aan af Somaliga aqoon waxaa suurto-geliyey Macallin Gush ( B. W. Andrzejewski) oo af Soomaaliga iyo daka ku hadla jeclaa. “Xasan Shiikh Muumin waa maansoyahan, riwaayad sameeye, weriye iyo jilaa laga yaqaan dhulalka dadka af Soomaaliga ku hadla deggan yihiin ee waqooyi-bari Afrika,” ayay Margaret Castagno ku soo gunaannadday gorfeynta. Hal-abuurka marxuum Xasan Shiikh Muumim oo ah mid baaxad weyn   ayaa ah mid hal-abuureyaasha Soomaaliyeed oo maanta nool iyo kuwa soo socdaba higsan doonaan. 

Liibaan Axmad
Libahm@gmail.com

RELATED:
Somalia: Puntland suspends elections, tensions diffused [Special Report]
Somalia: Jubaland's successful electoral process
Somalia: PM Shirdon and President Farole sign 'critical' agreement


Invitations
Advertisement
 

Somalia: Puntland President not adamant about domestic, external threats [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland withdraws support for Federal Govt

GAROWE, Somalia July 31, 2014 (Garowe Online)

Somalia: Puntland expresses concern over central state

Somalia: Puntland soldiers surrender to Somaliland amid mutiny

Somalia: Federal Govt endorses central state after tripartite deal

Somalia: Radio Garowe hosts educational contest for neighborhoods

Hani Garabyare's Journey From Somalia to the Senate

Somalia: Puntland Govt committed to’ implementing democracy’-says President

Somalia minimizes overseas embassies due to shortfall in budget

Somalia: Massive security operation launched in Mogadishu following killings

Somalia: Six killed in renewed fighting over regional influence

Somalia: President Hassan, PM host Iftar Dinner for Puntland delegation

Somalia: State Funeral held for popular musician, MP Saado

Somalia: MP murder sparks widespread condemnation

United States Condemns the Killing of Somali MP Saado Ali Warsame in Mogadishu

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us