|
|
|
|
| Last Updated: Nov 3, 2008 - 11:09:50 PM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
PUPA oo ku howlan wacyi galinta AIDS-ka
8 Jun 8, 2008 - 4:43:26 AM
|
Ururka PUPA oo u ololeeyo ka hortaga iyo wacyi gelinta cudurka AIDS-ka, xaruntiisuna tahay magaalada Garoowe oo ah caasimada PL ayaa ku howlan sidii bulshada ku nool gobolka looga wacyi gelin lahaa halista cudurka AIDS-ka.
Guddoomiyaha ururkan Ardo Saciid Gacmey oo ka warbixineysay halista uu dadka ku haayo cudurkan ayaa sheegtay in gobolada Puntland uu ku soo badanayo cudurka AIDS-ka iyadoo tilmaantay in ay jiraan tiro dad ah oo cudurkan la il daran, kuwaasi oo ay haboon tahay in aan lagu takoorin amarka Ilaahey.
Mrs. Ardo ayaa sheegtay in ururkooda uu dagaal xoogan kula jiro ka hortaga cudurkan waxayna intaa raacisay in howlaha ugu muhiimsan ee ay qabtaan ay tahay iyadoo dadka la baro qaabka ugu fudud ee looga hortegi karo cudurkan iyo sida loola dhaqmo dadka uu asiibay AIDS-ka, waxayna sheegtay in ay dadka u sheegaan ineysan qarsan cudurkooda, iyadoo qofka uu haleelo uu helo bey tiri daawo hoos u dhigta raadkiisa.
Marwo Ardo ayaa ka codsatay dadweynaha in aysan takoorin dadka qaba cudurkan balse ay si wanaagsan ula dhaqmaan iyadoo dadka uu haleelo aysan habooneyn bey tiri in la niyad dilo, laakiin ay wanaagsan tahay in lala dhaqmo oo gooni la isaga bixin, waxayna sheegtay in cudurkan siyaabaha loo kala qaado aysan ka mid aheyn wada dhaqanka bulsho ku wada nool hal meel, in kastoo kala qaadistiisa ay fududahay, waxayna ugu baaqday shacabka in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha keena sida alaabta tima jarka, sakiinta la wada isticmaalayo iyo cirbadaha, galmada xaaraanta ah oo qeyb ka ah waxyaabaha soo dedejiya qaadista cudurkan iyo alaabta umuliso dhaqameedka, goobaha haweenku dhegaha ku daloolsadaan iyo waxyaabaha kale ee jirka dhiiga ka keena.
Ardo ayaa sheegtay in ay jiraan tiro dad ah oo la diiwaan geliyay inkastoo aysan sheegin tirada rasmiga ah ee ay diiwaan geliyeen ururkooda balse ay iyagu hayaan, waxaana guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan la xaqiijiyay in xarumaha caafimaad lagu arko tiro dad qaba oo iyagu aan ogeyn balse dhiigaga ay shubayaan baaris lagu sameeyay lagu ogaaday.
Radio Garowe,Garowe
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|