From Garoweonline.com
Cabdulahi Siciid oo wareysi siiyey GO
By
May 8, 2008 - 8:14:52 AM
DHAGEYSO
Wasiirka amniga DGPL Cabdulahi Siciid Samatar oo wareysi gaar ah siiyey maanta May 7,2008 warsidaha GO ayaa sheegey in xaalada amaan ee Puntland meel fiican mareyso inteeda badana la saxay waqtigaan.
Wasiirka ayaa u mahad celiyey Issimada gobolka Barri isaga oo sheegey in ay gacan wayn ka gaysteen sidii wax looga qaban lahaa amaanka magaalada Bosaso.
 |
| Wasiirka amniga Puntland Cabdulahi Siciid |
Cabdulahi Sciid ayaa sheegey in Wasaradiisa qorsheneyso in dhowaan wax ka qabato arrimaha Tahriibta taas oo uu sheegey in Puntland ku tahay ceeb.
Madaxa Wasarada amniga oo ka hadlayey safar uu dhowaan ku tagey wadanka Ethiopia ayaa su'aal laga waydiiyey kaga jawaabey in ay kaga hadleen arrimo la xiriira amniga.
Cabdulahi Siciid oo la waydiiyey waxaa ka jira dad ka soo jeeda Somalida Ogaden uu maamulka Puntland u gacan galiyey dowlada Ethiopia ayaa sheegey in arrinkaas wax badan laga hadlay islamarkaana uuna wax kale uusan ku dareyn isaga oo tibaaxey in si weyn loo guda gali doono marka Madaxweynaha DGPL dib ugu soo noqdo mandaqada.
Wasiirka aminiga DGPL oo wax laga weydiiyey wararka sheegaya in ciidamo Puntland banaanka uga imaanayaan ayaa meesha ka saarey isaga oo sheegey in wax ka jira aysan jirin.
Mr.Siciid ayaa guud ahaan wareysigaan kaga hadlay qaabka Wasaradiisa u wajaheyso sidii ay wax uga qaban lahaayeen amniga maamul goboleedka Puntland.
Xusuus: Raali Galin Wariye Jaamac Wacays oo wareysigaan qaadey ayaa su'aal la xiriirtey safarka Wasiirku ku tagey Ethiopia u waydiiyey Jabuuti.
DHAGEYSO
Xafiiska Garowe Online Bosaso
http://www.garoweonline.com