From Garoweonline.com
Cadde oo beeniyay in dadkii la qabtey
By
May 6, 2008 - 6:16:25 AM
DHAGEYSO
Madaxweynaha PL Cadde Muse oo arrimo ka dahsoon shacabka maamul goboleedka in muddo ah ugu maqnaa wadanka Ethiopia ayaa wareysi uu siiyey Idaacada VOA laanteeda Af-Somaliga ganafka ku dhuftey in maamulkiisu ka dambeeyay in dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somalida Ogaden loo gacan galiyey wadanka Ethiopia.
Cadde Muse oo la waydiiyey sida uu uga warhayo dadka lagu qabtey Gaalkacayo ayaa yiri 'Maya arintaas ma jirto, waxaa jirtey oo la ii sheegey niman yimid oo waxa ay raadinayeen niman soo galey oo ka soo baxsadey wixii ka dhacay Dhuso mareeb baan maqley lakiin war cad kama hayo."
Mr. Muse oo VOA waydiisay wararka sheegaya in Lix qof oo dhalinyaro ku abtirsata dadka tageera ONLF lagu qabtey Galkacayo loona gudbiyey Ethiopia halka 22 April Labo nin oo ka tirsan golaha dhexe ee ONLF lagu qabtey Puntland iyagana Addis loo gudbiyey ayaa ku jawaabey '' Tan hore waa jirtaa, annagu maa aanaan gudbin, waana la ogyahay taariikhda inta jeer ay arintaasu dhici lahayd ay Puntland waligeed ay diidi jirtey, lakiin saad u ogtihiin xuduuda anaga meeshaasi Galkacayo waxa ay isu jiraan wax yar, waxaan maqlay ciidan ayaa yimid dad baa soo galey weliba Somaali u badan baa nimankii soo wadey oo weliba qaraabo ah baa dhiibey labadaas nin, balse Lixda ma maqlin."
Madaxweynaha Puntland oo la waydiiyey waxa ka jira warar sheegaya in Labadaas nin oo ka tirsan golaha dhexe uu dhiibey Wasiirka Maaliyada ayaa sheegey in arintaas tahay been oo aysan jirin isaga oo yiri " Wasiirka waan warsadey, qoloda nabad galyada waan warsanay, waana la ogyahay Puntland mowqifkeeda ninkii dambiile ah annagu waan qabaneynaa, Puntland baana qabata ee ma-ahanee anagu waligeyagu ma gudbin, waxaa weeye idaacadaha laga fidiyo ama beenta laga fidiyo Puntland bay kamid tahay....dadkaas waa dadkayagii wadankana iyagaa u badan oo jooga ka shaqeysta Boosas iyo "
Cadde Muse oo la waydiiyey sida Labada nin lagu qabtey ayaa yiri "Maa anaa aqaan si lagu qabtey maxaga xaduuda shishe laga qabtey ayaa la yiri...Galkacayo waad ogtahay waa magaalo qaybsan oo dadkoo dhan dagan yahay." ayaa su'aal lagu celiyay lagu waydiiyey in ONLF sheegtay in dadka lagu qabtey Garowe oo Galgacayo lagu qaban ayaa mar kale ku jawaabey " Hadee ma jirto, aniguse intaan ogahay taas weeye."
Ugu dambeyntii Madaxweynaha DGPL oo la waydiiyey in dadka la qabtey dib loogu celiyo wadan laga yaabo in dhibaato loogu geysto sharciga caalamiga ka soo horjeedo ayaa yiri " Ma anagaa gayney hadee maxaad u leedahay ee annagu waad ogtahay inta jeer aanu diidney waligeedna lagama qaban, anna hadaan ku iri ma jirto, maxaa jawaabta kale oo aad iga rabto ay tahay."
Diidmada Madaxweynaha oo daba socota mid horey ay u sheegeen sarakiisha ka tirsan xukumadiisa ayaa ka horimaneysa baaqyo waxgaradka gobolada Barri & Nugaal ku cambaareeyeen Labada nin ee lagu qabtey magaalada Garowe 22 April, 2008.
DHAGEYSO
Garowe Online,Garowe
http://www.garoweonline.com