|
|
|
|
| Last Updated: Nov 3, 2008 - 11:09:50 PM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Gudomiyaha Eyl oo iska fogeyey Burcada
13 Oct 13, 2008 - 10:31:57 AM
|
Gudoomiyaha Eyl oo Radio Garowe wax ka waydiiysay halka ay joogaan kooxihii burcad badedeedka ee afduubka ku haystey Markabkii u rarnaa ganacsato reer Puntland ah [Shirkada Barwaaqo] ayaa sheegey iney soo gaareen degaano ku dhow degmada Eyl.
Cabdulahi Siciid Yusuf ayaa warbaahinta Radio Garowe u sheegey in xubnaha afduubka Markabkaan ku haysta ay isugu jiraan dhamaan degaanada Puntland balse jiraan xubno ka soo jeeda degaanka Eyl oo hogaanka u haya.
Mr.Yusuf ayaa sheegey in hogaamiye-yaasha kooxdaan yihiin xubno Maraakiib hore madax furasho ka qaatey joogi jireyna magaalada Eyl isaga oo xusey in la filayey talaabadan madaama ay caadeysteen amaba ku mabeen howlahaan burcadnimo.
Gudoomiyaha degmada Eyl ayaa xusey in dhaliisha wax ka qabasho la'aanta burcad badededka uu leeyahay maamulka sare ee Puntland madaama uu ku guuldareystey markii degmada xaaladeeda daganeyd iney geeyaan Shan Askari oo boolis ah ee kaliya.
" Walaahi maamulkayagu waxaad mooda inuusan dhaliil Puntland u tirin karto uusan jirin sababtoo ah cidda kaliya oo wax ka qabtey waa annaga, culimaa'u'idiinka anagaa u yeerey anagaa abaabuley hadana waxaan wadnaa diyaargarow ilaa heer Issimada gobolka Nugaal iyo dad kale oo la socdaa tagaan meeshii, dadku heer-isku filaasho ee bulsho ayuu marayaa markii maamulka sare ay ka quusteen marka dhaliisha waxaa iska leh mamaulka sare ee maamulka degmada ma laha ma garatey" ayuu yiri Gudoomiyaha Eyl oo ka jawaabayey su'aal la waydiiyey.
Cabdulahi oo la waydiiyey sababta maamulka sare ku yeelanayo dhaliisha ayuu ku jawaabey " Wuxuu ku yeelanayaa waxyaabihii looga bahaana in amaanka wax looga qabto markii hore wuu hakradey sida Boolis la'aan dhacdey, hub la'aan, Maxkamad la'aan, arimihii amaanka ka shaqeyn lahaa markii la waayey oo burcadii degaanka ku soo badatey oo hadana gacan aan ka dalbaney wax laga waayey, dhaliilaha ugu badan maamulka Puntland wuxuu ku yeeshay markii hore ee degmada xaaladeeda amaan caadiga ahaa ayay waydey in shan askari oo boolis ah geyso, marka meeshu noqotey meel bahalo galeen ah eedeeda maamulka ayaa yeelanaya, waxaan u keeney 16 Askari oo u dhashey degaanka iney shaqadii Booliska qabtaan iyagiina waxay yiraahdeen Wasaarada maaliyada ayaa diidey mushaharkooda, marka dhaliisha waxaa boqolkiiba boqol iska leh maamulka sare."
Cabdulahi Siciid Yusuf oo la waydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya in mamulka sare ee Puntland ku eedeeyey mas'uuliyiinta degmada Eyl ay la shaqeeyaan kooxaha burcada ee halkaas Marakiibta la soo gala ayaa yiri " isaga oo qoslaya, horta sideeda-ba hadii dhaliil la iska jeediyo aan jirin, waxaan dhageysanayey Yusuf Indhacde oo maxkamadaha kamid ah markii la yiri burcad badedka ayaa xiriir la leedihiin ayuu yiri ha la waydiiyo maamulka Puntland weiba xubnaha u sareeya ayaa xiriir la leh oo la shaqeeya taasoo kale hadeyna aheyn annigu ma ogi arintaa iyada ah lakiin dadku markii in ka badan muddo sideed bilood ah degaanka ku jireen burcad badeedku dadka degaanka kamid ah iyo hadeer dad kamid ah golaha degmada laftigiisa kuli xiriir way la yeesheen waana dadyar oo kooban, marka waxaa keeney dhaliisha iyada ah meelaha ugu sareeya waxaa la lahaa Taliyihii ciidanka Booliska Puntland ayaa la shaqeynayey waxaa la leeyahay ku-xigeenka ayaa la shaqeynayey, hadda aawey Maxamad Xaaji Adan iyo ragiisa xagee jiraan ma isweydiin karnaa."
Gudoomiyaha degmada Eyl oo mar kale iska fogeynaya in maamulkiisa xiriir la leeyahay burcad badeedka ayaa yiri " Annagu waxaan is-leenahay eedaha ugu waaweyn ee burcada xiriirada la leedahay waa kuwa naga sareeya ama taliye-yaal Boolis ha noqoto ama xubno sare ha noqoto oo heer xukuumadeed ah, burcada cidda ay xiriirka la yalataa waa cidda marka ay Maraakiibta soo gadato u timaado kuna badbaadiye magaalooyinka waaweyn."
Dhinaca kale Kadib markii maalintii shaley ay soo baxeen warar sheegaya in dagaal dhexmarey kooxo burcad badeed ah oo afduub ku haystey Markab u rarnaa ganacsato reer Puntland ayaa waxa ka soo baxaya warar is-khilafsan kuwaasoo wax ka badalaya khasaarahii la sheegey inuu halkaas ka dhacey.
Wararkii horey u soo baxey ayaa tibaaxayey in burcad badeedka Markabkas qafalatey laga diley labo qof halka la sheegey in ciidamada Puntland ka dhinteen hal askari.
Radio Garowe oo kuurgaley arrintan ayaa wax ka waydiiyey qaar ka tirsan ganacsatada Markabkaan kuwaasoo meesha ka saarey wararka sheegaya in qaar ka tirsan burcad badeedka lagu diley iskahorimaadkaan.
DGPL ayaa ka gaabsatey in ay war ka soo saarto khasaaraha dagaalkan ka dhashey balse wararka ah in burcada labo qof laga diley, ciidamadana nin ka dhintey waxaa uu ka soo baxey xubno ka tirsan sarakiishii howlgalkan ka qayb qadatey balse maamulku ka gaabsadey inuu xaqiijiyo sheegashadaas.
Warar aan la xaqiijin ayaa Radio Garowe u sheegey in ciidamada dagaalka la galey kooxahaan burcad badeedka ah lacag ka qaaten ganacsatada markabkaan u rarnaa tasoo hadii ay jirto meesha ka saareysa in maamulka Puntland howlgalkaan qaadey isaga oo madax banaan.
Radio Garowe,Garowe
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|