 |
| Madaxweynaha DGPL |
Madaxweynaha Maamulka goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay inuusan aqoonsan doonin natiijooyin kasta oo ka soo baxa wadahadalada Djibouti haddii aan maamulkiisa lagala tashan xubnaha Barlamaanka cusub ee ay soo xulayaan isbahaysiga Mucaaradka.
Cabdiraxman Faroole ayaa wareysi uu siiyay Laanta Af-Soomaaliga VOA ku sheegay inuu dhaliil weyn u soo jeedinayo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya oo uu ku tilmaamay inuu qaab deg-deg ah u wado shirka kooxaha Soomaalida uga socda Djibouti.
Farole wuxuu sheegay in maamulkiisu xaq-u leeyahay inay qeyb ka qaataan howlaha dib-u-heshiisiinta Socota, balse wuxuu ku hanjabay in hadii taas laga baaqsado aanay maamulka Puntland aqoonsan doonin dowlad ka soo baxda dibuheshiisiinta Somaliya.
Madaxweynaha Puntland, wuxuu sheegay in la joojiyo magacaabista iyo balaarinta Barlamaanka Soomaaliya, taasoo ku sababaynayo in Puntland aan lagala tashan xulitaanka xubnaha cusub ee ay soo xuleen mucaaradka Soomaaliya.
Mr. Cabdiraxmaan Faroole wuxuu carabka ku dhuftay in xubnaha Barlamaanka cusub ee la ansixiyay ay gobolada Konfureed kaliya khuseeyaan.
Madaxweyne Faroole,wuxuu sheegay in shaqsiyaadka ka soo jeeda Puntland ee u sharaxan jagada Madaxweynaha Somaaliya aysan wakiil ka ahayn Puntland. Faroole wuxuu xusay in maamulkiisu hadii uusan ka mid ahayn ama aysan xubno ka wakiil ah aysan wadahadalada ku jirin uusan ogolaan doonin natiijooyinka ka soo baxa Djibouti.
Faroole wuxuu soo jeediyey in marka hore wadahadal iyo dib-uheshiisiin loo sameeyo Koonfurta Somaaliya, kadibna loo gudbo dibuheshiisiin guud oo ay ka soo qeybgalaan dhamaan dhinacyada Soomaalida.
Wareysiga Cabdiraxmaan Faroole boggan qeybtiisa kore ka dhagayso.
RADIO GAROWE/VOA