Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: May 6, 2008 - 4:53:26 PM
Interviews
Madaxweynaha DF oo diidey xasuuqa Masaajidka


DHAGEYSO

Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf oo Idaacada VOA wareysi siiyey ayaa ku tilmaamey xasuuqa la sheegey in uu ka dhacay masaajid ku yaala Muqdisho aysan waxba ka jirin isaga oo tilmaamey in dowlada is-daafceyso.

Madaxweynaha oo ka jawaabayey dagaalada Muqdisho ayaa yiri " Adeer Somalia habeen iyo maalin waa la xiriiraa xogogaal baan u ahay waxaa la sheegayaa wax jira ma aha, eegeey dagaalka socda waxaa  wada dad argagixisa ah oo la baxay Shabaab iyo Qacida iyo magacyada noocaas ah, dadkaas hadey  dagaalka iska daayaan cidina inta raadsato lama dagaasheen, iyagaa dagaalka bilaabey, iyagaa weerarey ciidamada Ethiopia, ciidamada Ethiopia-yana anaga u yeeraney oo keensaney xoog kuma tagin Somalia, sidey doonaan-na ma yeelaan waan wada shaqeynaa, hadee waa is-daafaceynaa dalka iyo dowlada-ba, kii markaa balaayo sameynaya haduu xabado ka soo tuuro masaajid oo ka dhigto dhufeys ee waayahay isagiina waa lala dirirayaa oo xabad ninkii kugu soo rida waa iska daafaceysaa adna xabad ayaa ku rideysaa lakiin wax intii masaajid loogu galey oo la laayey habayaraatee ma jiraan."

Cabdulahi Yusuf oo la waydiiyey hadii difaacooda uu la galo masaajid in ay galayaan ayaa yiri " Iyagoo hubeysan hadey intey masajid galaan oo na soo xabadeyan waa ugu galeynaa masajidka dhexdiisa ku leyn-maynee, intaan ka soo saarno oo Maxakamad geyno ayaan ley-neynaa, waa in Maxkamad xukuntaa marka hore."

Mr.Yusuf oo la waydiiyey inta wadanka uu ka soo maqnaa xaalada Somalia ka sii dartey ayaa sheegey in aysan waxba ka jirin  balse nimanku ogyihiin in uu tageero  waydiisaneyso Yurub iyo America, mucaardkanu u jeedaan in caalamka dareensiiyaan in dowlada waxba awood laheyn isaga oo hoosta ka xariiqey in propoganda uga dan leeyihiin laakiin aysan awood laheyn.

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyo kulamadii uu la qaatey Mareykanka ayaa tibaxey in wadahadaladu ahayeen kuwa diirada lagu saarayay nabad galyada, siyasada, dib u soo nooleynta hay'adihii dowlada iyo dib-u-heshisiinta.

Cabdulahi Yusuf oo wax laga waydiiyey dib-u-heshiisiinta cida ay la hadlayaan ayaa yiri "Mucaaradka kuwii Asmara,kuwa dalka gudahiisa jooga, Diasporadiina balaayo ayaa idinka buuxda idinka laftigiina, wixii Soomliya oo mucarad ahaa ama power doon ah ama wax tabanayey, waxaan kawada hadleynaa sii sharaftii dalka loo soo celin lahaa, burburka-na looga soo kaban lahaa."

Madaxweyne Cabdulahi la waydiiyey in Mareykanka culeys ku saarey in usan la hadlin mucaardka qaarkiis ayaa sheegey in xukuumada Wasihington leedahay caqli ku filan balse ninkii argagixiso ah isagu diidi doono wadahadalka balse uusan ka hordhaceyn.

Cabdulahi Yusuf oo waxlaga waydiiyey in nooca mucaradka ay la hadlayaan ayaa yiri " Ama qunyar ha ku socdee ama xowli ha ku socdee ninkii nabad raba waan la hadleyna anagu."

DHAGEYSO

Garowe Online+VOA
RELATED:
Nuran Dirie: Puntland needs fresh political leadership
Suldan Garase oo ka hadley baaqa
INTERVIEW - Somali pilot returns to city he refused to bomb

Advertisement
 

After a Charade Somalia's Opposition Ruptures

EDITORS PICK:

Under new constitution, 1 year left in office for Puntland govt, says lawmaker
GAROWE, Somalia July 24 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us