Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jan 29, 2009 - 2:03:32 PM
Interviews
Nuur Cadde oo sheegay inuu iscaislayo [Wareysi]


Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Los Angeles Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin; khilaafka kala dhexeeya Madaxweyne Yuusuf, deegaanada ay qabsadeen mucaaradka iyo qorshaha dib u heshiisiinta.

Wareysigiina waa kan:

Sidee u arko hadalkii kasoo yeeray Madaxweyen Yuusuf ee ahaa inaysan dalka ka jirin dowlad?

Waa wax aad looga xumaado in Madaxweyne uu hadalkaas kasoo yeero, waayo xukuumada oo dhan waxay ku sugan tahay dalka Kenya wayna shaqeynayaan; ujeedadeena ugu weyna waa inaan sii wado dib u heshiisiintii lagu gaaray dalka Jabuuti bishii August".

Kooxaha mucaaradka sidee ugu suurogashay inay qabsadaan deegaano ay dowladu xukumaysay iyadoo aysan jirin wax dagaalo ah oo dhacay?

"Waxaan doonaynaa inaan sugo amaanka dalka oo dhan, balse taas haatan waa nagu dhib, waxa dhacaya dhibaatooyin badan. Khilaafka madaxda sarsare ee xukuumada ayaa noqday mid aan dhamaad lahayn, markii mid xal laga gaaro mid kale ayaa soo baxaya, waana taas mashaakilka ugu weyn ee na haysta"

Baqdin ma ka qabtaan in mucaardku ay si fudud ku qabsadaan Muqdsiho?

"Maya...! Muqdisho amaankeed si aad ah ayaa loo ilaalainayaa"

Maadaama ay mucaaradku kala jabeen ma laga yaabaa inaad la fariisato Ururka Al-shaabab iyo Sheekh Xasan Daahir oo ka horjeeda heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti?

"Mucaaradka oo dhan waxay ku kala jabeen natiijadii kasoo baxday heshiiskii Jabuuti, maanta mucaardku waxay ka kala imaanayaan laba jaho oo kala duwan, iyagoo awood kala sheeganaya, waxayna leeyihiin: [Anagu halkaan ayaa joognaa, nalama mooga, heshiisyada socdana ma ahan kuwo dhameystiran, ama waan dagaalamaynaa], waxaan xalin doonaan dhibaatooyinka ka dhex jira xukuumada, albaabadeena wadahadalada waa kuwo furan, umana diidayno cid walba oo soo galaysa".

Maxaa ka oran lahayd aragtida Mareykanka ee ku aadan dadkaas [Al-shaabab iyo Sh. Xasan Daahir] inay xiriir la leeyihiin Al-qaacida?

"Hagaag...! argagaxiso naguma soo biirayso, dadka xiriirka la leh argagaxisada waxay adeegsadaan caruurta yaryar, iyagoo siinaya lacago, waxaan dadaal u galaynaa sidii aan kaga soo furi lahayn caruurtaas, waxaana u sameynaynaa shaqooyin iyo tababaro".

Ma aqbalaysaa in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu noqdo Ra'iisul wasaaraha Somalia, adigana aad xilka ka dagno?

"Dhowr jeer ayaan ku celceliyay, kursiga aan ku fadhiyo ma ahan muhim, waan is casilayaa hadii ay taasi dan ugu jirto dalka"

Ma ku fikiryasaa in Madaxweyne Yuusuf uu is casil?

"Haa...! waan ku taageeri lahaa Madaxweynaha arrintaas, waayo dhibaatada dalka hortaagan waa isaga. maxaa yeelay Madaxweynaheenu wuxuu abuurayaa rabshado, halkii uu ka abuuri lahaa nabad, wuxuu doonayaa inuu dalka uu magan u ahaado afduubyo siyaasadeed"

Xukuumadu waxay ku guuldareysatay inay sameyso dastuur cusub, inay sameyso guddi doorasho, inay dajiso sharciga doorashooyinka ayna sameyso tirakoobyo, iyadoo sanadka soo socda doorashooyin la qabanayo?

"Dastuurka mar hore ayaa la diyaariyay, qorshihiisuna waa socdaa, laakiin waxaa gaabis ka dhigay khilaafka jira"

Kaalin ma ku ledahay sharecada Islaamka dasturka cusub ee aad dajinaysan?

"Shareecada Islaamku muhim ayay u tahay Somalia, dadka Soomaaliyeed 100% waa muslim ,waxayna rumeysan yihiin shareecadu inay tahay saldhiga nolosha caadiga ah, sidaa daraadeed, dastuurkeena waxaa saldhig u ah sharciga Islaamka, Qodob kasta oo ka mid ah dastuurka wuxuu ku saleysan yahay shareecada" .

Garowe Online, Muqdisho
RELATED:
Somaliland: Doorasho dib loo dhigey
W. Amniga PL oo ka hadley amaanka
Dasturka DF oo lagu soo bandhigey PL

Advertisement
 

Islam: Ramadan - The Month of Self-Restraint

EDITORS PICK:

In the heart of a Somali pirates' lair
HOBYO, Somalia Sep 2, 2010 (AFP)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us