From Garoweonline.com
PL: Wareysi Gudoomiyaha gobolka Bari
By
May 16, 2008 - 5:23:46 PM
DHAGEYSO
Khudbadihii Jimcihii laga akhriyey masaajiyada magaalada Bosaaso ayaa waxa lagu soo qaaday maanta xariga 5-Ruux oo maamulka Puntland ku xireen gudaha magaalada Bosaaso kuwaasi oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ONLF.
Sheekh Axmed Daahir oo ka mid ah Culama"udiinka waa-wayn ee magaalada Bosaaso ayaa ka mid ahaa dadkii halkaasi ka soo jeediyay in ay tahay wax laga xumaado xarigaasi oo ay bulshada reer Puntland ka muujiyeen Fikirkooda sida ay uga xun yihiin.
Hadalka Culama'udiinka ayaa waxa uu ku soo adayaa xili ay wali xiran yihiin ilaa 5-Ruux oo laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Bosaaso kuwaasi laga soo celiyay magaalada Qardho kadib markii waxgaradka iyo qaar ka tirsan saraakiisha maamulka is-hortaageen.
Dhinaca kale Garowe Online ayaa wareysi la xiriira arintaan la yeeshay Gudomiyaha gobolka Barri Muse Geele isaga oo ka bixiyay arrimo la xiriira amaanka, raga ku xiran Bosaso iyo arrimo kale.
DHAGEYSO
Puntland aya waxa horey loogu qabtey dad ka soo jeeda gobolada Somalida Ogadenia kuwaas oo wararku sheegayaan in lagu wareejiyay ciidamada sirdoonka Ethiopia.
Garowe Online, Bosaaso
http://www.garoweonline.com