From Garoweonline.com

Interviews
RG oo wareystey Sheekh C/qaadir Nuur
By
Apr 27, 2008 - 5:43:03 AM

DHAGEYSO

Kadib markii culimada Puntland ku guleysteen in dadkii iska lahaa makiinadii ugu wayneyd ee daabaci jirtey lacagaha faalsada Shilin Somaliga xiraan ayaa Sheekh Cabdulqadir Nuur Faarax waxaa uu RG uga waramey qaabkii loo marey joojinteda.

Cabdulqaadir Nuur oo tafasiil ka bixiyey qaabka loo marey ayaa sheegey in nimankii daabacayey lacagahaan Diin ahaan ku qanciyeen in Ilaah raali ka aheyn daabcada lacagahaan ayna yihiin xaaraan ummada-na ku dhibaateynayaan taas oo aad u gashay madaxooda una guuxeen kadibna go'aankaas qaateen.

Sheekha ayaa sheegey in awooda diinta Islaamka tahay mid ka xoog badan wax walba taas oo suurtaglisay in la joojiyo wax lagu joojin kari waayey dagaal iyo amaro kale.

Sheekh Cabdulqadir ayaa mahadnaq wayn u jeediyay Wasiirka amniga Cabdulahi Siciid Samatar oo la qaatey go'aankaas madaama dowlada lagu tirinayey in ay qayb ka tahay daabacada lacagahaan.

Cabdulqadir oo la waydiiyey in ay jiraan makiinado kale oo la filayo in dabacad bilaaban ayaa ka digey isaga oo maamulka ka codsadey in hadii ay jiraan tuhunka ah in ay qorsheynayaan in diyaarado ku keenaan lacago Shilin Somali ah joojiyaan madaama dhibaato u keeneyso shacabka gobolka iyo kan Somaliyaba.

Shekh Cabdulqadir oo ka hadlay rag dhowaan la sheegey in loo gacan galiyay Ethiopia ayaa sheegey in hadii arinkaas jiro iyada oo caam ah ay tahay mid dhibaato u keeni karta amaanka gobolka iyo dhaqalaha PL isaga oo mamulka farey in nabadgalyada hantaan iyaga oo dad kale u adegesan wax ka qabashadiisa.

Sheekh Cabdulqadir Nur Farax ayaa u sheegey RG ay qorsheynayan sidii dhibatoyinka ka taagan Puntland xalinteeda uga qayb qaadan lahaayeen isla markaana qaab wacyi galin u marayaan.
DHAGEYSO

Radio Garowe, Garowe



http://www.garoweonline.com