From Garoweonline.com

Interviews
Suldan Garase oo ka hadley baaqa
By
Jun 30, 2008 - 3:31:07 PM

DHAGEYSO

Suldaan Siciid Maxamad Garaase
Suldaan Siciid Maxamad Garase oo kamid ah Isismada sida wayn looga yaqano MGPL ayaa Idaacada  Radio Garowe uga waramey baaqii maalintii shalay [ June 30,2008] ka soo saareen mushkilada Puntland kaas oo lag iclaamiyey in shir looga tashanayo xaalada gobolka leysugu yimaado ayaa sheegey in xaalada maamul goboledka meesha ay ku sugan tahay kaliftey soo saarista qoraalkaan.

Suldaan Siciid Maxamad Garaase oo wax laga waydiiyey sababta Issimada qaarkood uga maqan yihiin baaqa ayaa ku jawaaabey in kuligood kawada warqabaan qoralkaan islamarkana ay sixiixeen guddi leyska soo xuley iyada oo raga kuligood taleefanka lagula xiriirey.

Suldaan Siciid Garaase oo la waydiiyey in qoraalkaan khilaaf keeni karo ayaa yiri " Walaahi Howraarey ninba si kuu qaadey, ninkii u qaata waa danahiisa, lakiin anaga ugama talagalin khilaaf iyo shido ee waxaan ugu talagalney inta la wada tashado in la helo solution lagaga bixi karo waxaan iyo ra'yi wanaagsan ee loo dhan yahay."

Suldaan Siciid Maxamad Garaase ayaa sheegey in arinkaan socodsiintiisa shacabka u taal hadii kale guryahooda ku sugaan daadku ugu soo gali doono.

Garaase oo wax laga waydiiyey Dastuurka cusub ayaa tibaaxey in diidmadiisa wax dan ah aysan ka lehyn balse ay arkeen in uusan u cuntameen shacabka isaga oo ka dalbadey dadka in ay akhristan fahmaana waxaa ay ku diideen. DHAGEYSO

Radio Garowe,Garowe



http://www.garoweonline.com