Ugu yaraan 54-tahriibe oo ka mid ahaa 100-qof oo ay dooni kula qalibantay Isniintii[June 15] meel ku dhow Gobolka Ticis ee dalka Yemen ayaa geeriyooday sida laga soo xigtay saraakiil u hadlay dowlada Yemen.
Dadka dhintay ayaa waxay isugu jireen haween, caruur iyo dhalinyaro, kuwaasoo damacsanaa inay si sharci-daro ah ku galaan dalka Yemen, iyadoo saraakiisha Gobolka Ticis ay sheegeen in la helay dad ka badbaaday shilkan.
"Dhowr qof oo ay ku jiraan laba cunug ayaa laga helay xeebaha Gobolka Ticis Talaadadii shalay, sidoo kale xalay ayaa dad kale la helay, saakayna waxaa la helay laba qof oo miyir doorsoomay" ayuu yiri sarkaal ka warbixinayay dadka ay nolosha ku heleen.
Tahriibayaasha ayaa waxay isugu jireen Somali iyo Ethiopian, iyadoo la sheegay in 70% ay dadka ay musiibadna ku dhacday ay ahaayeen haween iyo caruur qaarkood aad u da'yar.
Maydadka la helay ayaa waxay marayaan 25-qof, iyadoo intii kale ay weli ku maqan yihiin badda, waxaana saraakiisha Yemen ay sheegeen in dadkii doonida waday ay ka mid yihiin dadka dhintay.
"Sitimaan ayaan badda kusoo jirnay... waxaan naga dhamaaday cunadii iyo biyihii... doonidana waxaa ku timid cilad.... waxayna si lama filaan ugu dhacday Jamal... kaasoo keenay inay rogmato" ayuu yiri ruux ka badbaaday shilan oo Ethiopian ahaa.
Wasaarada arimaha gudaha ee dalka Yemen ayaa sheegtay in boqolaal tahriibayaal ah ay maalin walba si sharci daro ah ku galaan dalkooda, kuwaasoo Afrikaan ah, iyagoo xusay inay dadkaas geeyaan xeryo qoxooti oo lagu xanaaneeyo.
Muhaajiriinta ku dhimanaya badda cas ee Afirkaanka ah ayaa waxay sheegaan inay ka cararayaan dagaalo, abaaro iyo shaqo la'aan ka jirta dalalkooda, sida Somalia, Eritrea iyo Ethiopia.
GAROWE ONLINE