From Garoweonline.com
Wareysi: Ra'isal wasaare Gacmodheere
By
Dec 16, 2008 - 7:59:25 PM
 |
| Ra'isal wasaare Gacmo dheere |
Max'ed Max'ud Guuleed oo uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u magacaabay maanta [Dec 16, 2008] ra'iisul wasaare cusub ayaa wareysigiisii ugu horeyay siiyay BBC-da.
Wareysiga lala yeshay gacmo dheere ayaa u dhacay sidan:
Mudane Gacmadheere ma aqbashay xilka madaxweynuhu kuu magacaabay?
Haa.. waan aqbalay sababo jira awgood; ayaana ku aqbalay.
Khilaafka jira waad ogtahay, ra'iisul wasaare kale ayaa jira kaasoo Barlamaanka xukuumadiisa geeyay, marka rajada aad qabto in laguu ansixiyo xukuumadaada maxay tahay?
Rajo weyn ayaan qabaa [80%], waxaan is leeyahay Ra'iisul wasaare magacaban waa inuu haysto digreetada Madaxweynaha, hadii uu haystana waa la aqbali karaa waana la diidi karaan isagoo dhaliilo loo yeelayo. tan labaad waxa weeye wax la igu dhaliilo oo aan qabo ma jirto. mida sadexadna waxa weeye Baarlamaanka iyaga ayaa gudbiyay fikrada; iyagoo oranaya hebel ayaa dalka ka bixin kara xaalada uu ku jirto, anigana sidaas ayaa la igu doortay waxaana qabaa inaan wax ka qaban karo dhibaatada jirta hadii Alle idmo, si nabad ah ayaana wax uga qaban doonaan xaalada taagan.
Dowlada kale ee kaa garab magacaaban miyaad marka hore waanwaan la geli doontaa mise waxaad ku dhaqaqi doontaa inaad dowladada soo magacowdo?
Anigu waxaan ku dhaqaaqi doonaa inaan waanwaan galo, mase ahan inaan dowlada waanwaan kula galayo laba dowladood ahaan, balse waxaan ku dhaqaaqi doonaa inaan dhameeyo khilaafaadyada Baarlamaanka, iyadoo la ogyahay in Xildhibaanadu 90% uu israacsan yahay, wixii shalay Baarlamaanka ka dhacayna wuu diidanaa, waxaanse ku dadaalayaa inaan aqalka mideeyo, kadibna aan dowlad dhiso.
Maxaa ka jira wararka sheegaya in dowlada aad soo wado uu ka mid yahay saaxiibkaa Max'ed Dheere oo ku sugan Baydhabo, loona wado wasaarada arimaha gudaha?
Waa horudhac weli arimahaas kama aanu hadal, waase jirtaa inuu joogo Baydhabo, aniguna kama hadlin arintaas, madaxweynuhuna igalama hadlin, balse waa joogaa; mana oranayo wasiir hebel iyo wasiir hebel ayuu noqonayaa, jagooyinkuna waa kuwo weli banaan, waayo hada ayaa la i magacaabay.
Baaritaanka Madaxweynuhu sheegay in laga sameyn doono wixii shalay ka dhacay Baarlamaanka iyo dowladii la ansixiyay, ma dowladaada ayaa fulin doonta, mise sida madaxweynuhu yiri booliiska ayaad ka war sugaysaa?
Maamulku waa iga horeeyay oo xukuumad howsha waday ayaa jirtay, marka shaqadu horay bay u soconaysaa, aniga weli la ima dhaarin, ilaa la i dhaariyo oo aan soo dhiso xukuumada ma shaqogeli karno, shaqadana waxaa sii wadaysa xukuumadii jirtay oo uu hogaaminayay Ra'iisul wasaarihii hore.
Mudo meeqo ah ayaad rajeynaysaa inaad kusoo dhisto xukuumadaada?
Dabcan waqti go'an baa jira, mana dhaafi karto 30-maalmood, balse wax ka yar baan rajeynayaa inaan kusoo dhiso.
Xuquuqda Qoraalka: Garowe Online
http://www.garoweonline.com