Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: May 9, 2008 - 5:04:29 PM
Interviews
Galkacayo oo laga soo saarey baaq kale


Bayaankaan Odayaasha iyo waxgaradka Galkacayo soo saareen May 6,2008 ayaa kaga hadleen dadkii Somalida ah ee dhowaan la sheegey in lagu qabtey gobolada Puntland kuwaas oo loo gacan galiyey Ethiopia.

Bayaankaan oo daba socda kuwii horey uga soo baxay waxgarad kale ee Puntland ayaa sheegey in ay ka xun yihiin falalkaas ka dhacay degaanada Puntland gaar ahaan gobolka Mudug iyo Nugaal oo ahaa in  dad Somali ah loo dhiibey dowlada Ethiopia waxaana xubnahan xukuumada u soo jeediyeen in arintaas ka bixiso jawaab cad oo lagu qanci karo islamarkaana ka taxadaraan in falkaan dib u soo noqon.DHAGEYSO: [ Caaqil cabdiwahaab oo uga waramey BBC]

Waxagaradkaan ayaa ku xusey warsaxfadedkooda in falkaan ka raali galiyey guud ahaan shacabka Somalia gaar ahaan dadka aan ehelka aheyn oo dhibatadan saameynta ku yeelatey waa sida ay xuseene.

Dadka warsaxfadeedkaan soo sarey ayaa waxa kamid ahaa:

1-Caaqil Cabdiwahaab Maxmaud Gurey

2- Nabdoon Bashiir Maxamud Dalmar

3-Nabdoon Siciid Nuur Dirir

4- Nabadoon Yaasin Cabdi Samad

5- Cismaan Maxamud Xaaji Xasan

6- Saleebaan Dakahre iyo qaar kale.

Bayankaan ayaa ku soo beegmay kadib markii malaintii shalay magaalada Galkacayo soo galeen ciidamo ka socda dalka Ethiopia kuwaas oo aan la garaneyn ujeedkooda.

Madaxweynaha DGPL ayaa in muddo ah ku sugnaa Addis Ababa sababo aan la shaacin inkastoo kulan uu dad Reer Puntland uga qabtey London mar uu halkaas booqanyey uu sheegey in ciidamo Ethiopian ah keenayo Puntland.

Garowe Online,Garowe

RELATED:
PL: Wareysi Gudoomiyaha gobolka Bari
Cabdulahi Siciid oo wareysi siiyey GO
Galkacayo oo laga soo saarey baaq kale

Advertisement
 

Pentagon scales back AFRICOM ambitions

EDITORS PICK:

Somalia: Extraditions to Ethiopia widely condemned in Puntland
GAROWE, Somalia May 16 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us