From Garoweonline.com

Islam
G. Online oo Umada Islaamka u diraysa Ciid Mubaarak
By
Sep 10, 2010 - 5:56:38 AM

Hadaanu nahay Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Garowe iyo Garoweonline.com waxay Ummada Islaamka oo dhan gaar ahaan Shacbiga Soomaaliyeed u diraynaa Ciid Mubaarak --Kullu caam wa antum bikheyr.

Waxaan sidaas oo kale Salaam iyo Ciid Mubaarak uga diraynaa Shaqaalaha Radio Garowe ee kala jooga gobollada Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan Magaaloyinka Muqdisho, Kismayo, Baydhabo, Beledweyne, Galkacyo, Garowe, Bossaso, Lascanod iyo Hargaysa.

Waxaan Shaqaalaha iyo qoyskooda ugu bishaaraynaa khayr iyo hor'umar dhan kasta ah waxaana sidoo kale ugu mahadcelinaynaa dadaalka iyo dacaadnimada ay Shacbiga Soomaaliyeed u soo gaarsiiyaan warar xaqiiq ah iyo dhexdhexaad.

Dadka Bisha barakaysan ee Ramadan ay ugu dhamaatay Nabad iyo Nolol waxaan ILAAHAY uga baryaynaa inuu u badiyo Barwaaqadaa.

Dadka masakiinta ah ee dhibka iyo qaxa ugu dhamaaday waxaan ILAAHAY uga baryaynaa inuu siiyo samir iyo iimaan iyo inuu ILAAHAY ka dulqaado Shacbigaas dhibaatada iyo dulliga.

Waxaan ILAAHAY ka baryaynaa inuu sanadkaan cusub inagu gaarsiiyo Nabad iyo Barwaaqo. Aaamin Aamiin

Anagoo ka faa'idaysanayna Munaasabada Ciidul Fitriga ayaan waxaa Shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay si daacad ah ugu soo wada jeestaan Towbada ALLE ayna si wayn uga qaybqaataan Nabada iyo Dowladdnimada oo ah qaabka kaliya looga bixi karo dagaalo sokeeye, qax, dilka micnadarada ah, boobka iyo dulmiga aan kala istaaga laheyn.

Waxaa kaloo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in si caam ah iyo si gaar ahba la isku cafiyo si ILAAHAY inooga saaro dhibaatada na dhextaala.

Wabillahi towfiiq,

Maamulka iyo Shaqaalaha
Radio Garowe
Garoweonline.com



http://www.garoweonline.com