((kuwa habeen baryaya iyagoo sujuudsan ama Salaad u taagan.))
Sidaas daraadeed ayaa waxaa wanaagsan in lagu dadaalo salaadda habeenkii Bisha Ramadaan, Iyadoo ay u wanaagsan tahay in salaadda taraawiixda Imaamka lala dhammaysto, maxaa yeelay rasuulku waxaa uu leeyahay:
((qofkii la istaaga salaada taraawiixda imaamka ilaa uu ka baxo salaadda waxaa lasiiyaa ajar lamid ah midkii habeenkii oodhan usoo jeeday salaadda.
QODOBKA 3-AAD
In la baxsado (Sadaqo)
Waxaa nalaka doonayaa in aan la baxno wax maalkeena ka mid ah bisha ramadaan, si ka duwan bilihii hore, oo nafta lagu tarbiyeeyo sadaqada, sidaa daraadeed wuxuu ahaa Nebigeena SCW, kan ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ku dadaali jiray sadaqada bisha ramadaan, wuxuu leeyahay Nebigu SCW:
((sadaqo la baxsado waxaa ugu wanaagsan midda la baxsado bisha soon)) TIRMIDI
Sadaqada ramadaanka waxay leedahay Faa’iidooyin aad u badan oo in lagu dadaalo mudan waxayna leedahay noocyo kala duwan, waxaana ka mid ah
a) In cuntada la bixiyo (masaakiinta la quudiyo)
Wuxuu Alle ku ammaanay Mu’miniinta:
1- In ay bixiyaan Cuntada iyagoo siinaya, masaakiinta, Agoonta iwm.
2- In ay u bixiyaan Alle Dartiis oo aanay dooneyn Ammaan.
3- Wuxuu Alle ka ilaaliyey Sharta maalinta Qiyaame.
4- Wuxuu Alle ku abaal mariyey janno iyo Xariir.
Nebigeenu wuxuu yiri SCW;
((Qof kasta oo mu’min ah oo quudiya qof baahan oo mu’min ah, Alle wuxuu ku quudiyaa Miraha Janada, qofkii waraabiya qof mu’min ah oo haraadsan Alle ayaa ka waraabiya koob khamriga janada kan ugu wanaagsan ah oo aysan oomeyn weligiis.))
b) In la afuriyo qof sooman.
Wuxuu yiri Nebigu SCW:
((Xadiiskan waxaa ka fahmaynaa in qofkii afuriya qof soomnaa, uu la ajar yahay midkii soomanaa isagoo aan laga naaqusin waxba qofkii kale.))
Sidaa daraadeed waxaa wanaagsan in aan afurino dadka sooman bisha Ramadaan ee Barakaysan, Inagoo samaynayna sufrooyinka loo yaqaan sufradihii Raxmaanka.
QODOBKA 4-aad
In Quraanka la Akhriyo
Waxaa wanaagsan qofka Muslimka ah in uu badiyo quraan akhriska gaar ahaan bisha ramadaan, sidii dadkii salafku ahaayeen, waxaa la sheegaa in qaarkood ay dejin ((dhameyn)) jireen quraan
3-dii habeenba mar, 7-dii habeenba mar, 10-kii habeenba mar.
Waxaa wanaagsan quraanka marka la akhrinayo in lagu tadaburo oo lagu khushuuco.
Waxaa kaloo wanaagsan inaad cajalado ka dhagaysato, ama aad qof igu akhri tiraahdo adigoo u dheg-raaricinaya.
Nebiga NNKH waxaa ka sugnaatay inuu Ibnu Mascuud ku yiri; “Igu arkhri quraanka” Ibnu mas’cuudna wuxuu yiri; ‘Nebi Allow sideen kuugu akhrinayaa quraanka isagoo laguugu soo dejiyey adiga;? Markaasuu yiri Nebigu SCW “Waxaan jeclahay inaan ka dhagaysto qof kale”.
QODOBKA 5-AAD
In la fariisto masjidka (Ilaa qoraxdu ka soo baxdo)
Nebigu SCW wuxuu ahaa mid ku fadhiya gogosha uu ku takado salaadda Subax ilaa qoraxdu ka soo baxdo, waxaa laga weriyey Nebiga SCW inuu yiri; “
((qofkii la tukada jamaaco, salaada fajarka dabadeedna fariista meeshii uu ku tukaday, isagoo xusaya Alle ilaa ay qoraxdu ka soo baxdo, dabadeedna tukada labo rakco wuxuu leeyahay ajar la’eg qof cimraystay cumro dhamaystiran, sidaas daraadeed, waa inaan ka faa’iidaysanaa waqtigaas yar ee ajarka weyn leh.))
QODOBKA 6-AAD
In lagu negaado Masjidka
Nebigu SCW wuxuu ahaa mid ku negaada masaajidka Ramadaan walba Tobanka habeen ee ugu dambaysa, sanadkii la oofsanayey wuxuu ku nagaaday Masjidka Labaatan Habeen, sidaa darteed in lagu nagaado Masjidka waa arrin muhiim ah, wayna wanaagsan tahay in lagu dadaalo, gaar ahaan tobanka dambe ee ramadaan, iyadoo la raadinayo Laylatul-Qadriga Barakaysan.
Negaashada masjidka waxaa loola jeedaa cibaado darteed, iyadoo loo go’ayo cibaadada, dikriga, iyo acmaal kasto oo ku gaarsiinaysa raali ahaanshaha Alle.
Xikmadda loo jideeyey ictikaafka
Ibnu Qayim wuxuu leeyahay waa in qalbiga Alaah loogu gooni yeelo, kaas oo laga ilaalinayo waxyaabaha shuqlinaya.
Ictikaafka xukunkiisa
Waa u dhawaansho Alle iyo raacid waddadii Nebiga SCW, Ilaahey wuxuu leeyahay (( ka nadiifi gurigeyga shirkiga iyo macaasda waayo waxaa imaanayaa dadka dawaafaayo iyo kuwa ku ictikaafaayo))
Waxaa la weriyey inuu Nebigu Ictikaafi jiray tobanka dambe ee ramadaanka, markuu dhintay kadibna haweenkiisu way ictikaafi jireen,
Shuruudaha Ictikaafka
1- Waa inuu qofku Islaam yahay
2- Waa inuu Caqli leeyahay
3- Waa inuu wax kala sooci karo
4- Waa inuu Niyad la yimaado
5- Waa Inuu ku Negaado Masjidka
6- Iyo Inuu Daahir yahay.
Waxyaabaha u wanaagsan inuu sameeyo qofka Ictikaafaya
1.Inuu badiyo Salaadda iyo Quraan Akhriska
2.Inuu ka fogaado waxyaabaha maalaayacniga ah. Sida cayda, iyo doodda.
4- Inuu shalaysankaro, ciddiyaha iska jari karo, nadiifsan karo jirkiisa.
5- Inuu ka bixi karo meesha uu ku ictikaafayo isagoo sagootinaya Ehelkiisa.
Waxyaabaha Buriya Ictikaafka
1- In laga baxo masjidka Dan la’aan.
2- Jimaaca
3- Waalli ama sakhraan
4- In diinta islaamka laga baxo
5- In ay imaadaan waxyaabaha buriya ictikaafka.
Waqtiga uu galayo Masjidka qoka Ictikaafaya:
Hadduu niyeysto inuu ictikaafo tobanka dambe wuxuu galayaa qoraxda intaynan dhicin, wuxuuna ka soo baxayaa masjidka maalinta ugu dambaysa Bisha qoraxdu marka ay dhacdo,
QODOBKA 7-AAD
Cumarada Ramadaanka
Waxaa wanaagsan in lagu dadaalo Cumrada Ramadaanka la sameeyo, Waxaan ka fahmaynaa xadiiska nabiga SCW (( in cumrada Ramadaanka la sameeyo ay u dhiganto Xaj))
QODOBKA 8-AAD
In lagu dadaalo raadinta habeenka barakaysan. (Laylatul Qadri)
Alle quraankiisa wuxuu ku leeyahay:
(( anaga ayaa soo dajinnay “qur’aanka” habeenka leylatul qadarka maxaad ka ogtahay habeenka leylatul qadarka waa habeen ka kheyr badan kun habeen))
Waxaanu soo dejinay Quraanka Habeen Barakaysan (Laylatul-Qadri) Dhexdiis, Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu habeenkaasi yahey ‘Nebimuxamadow’ Habeenkaas Barakaysan (Laylatul qadriga) waa habeen ka kheyr kun bilood.
Rasuulkuna wuxuu yiri:
(( qofkii istaaga habeenka leylatul qadarka asagoo rumeysan ajarna ka raadsanaaya waa la dhaafaa danbigiisii hore))
Waxaan ka fahmaynaa Xadiiskan qofkii Istaaga Habeenka laylatul qadri isagoo rumaysan oo ajarna dalbaaya in loo dhaafayo dembigiisii tagay, sidaas daraadeed, waxaa wanaagsan in lagu dadaalo raadinta habeenkaan, maxaa yeelay waxay ka kheyr badan tahay kun bilood.
QODOBKA 9-AAD
Inla badiyo ducada
Waxaa wanaagsan in ducada iyo dambi-dhaaf dalabka lagu dadaalo bisha ramadaan, oo aad ducada u gooni yeeshid waqtiyada soo socda:-
1- Markad afurayso; Maxaa yeelay qofka sooman waxa uu leeyahay duco aan la celin.
2- Xiliga dambe ee habeenkii
3- Maalinta Jumcada ah aakhikeeda.
QODOBKA 10-AAD
In la xiriiriyo qaraabada.
Akhlaaqda wanaagsan ee qofka muslimka ah looga baahan yahay waxaa ka mid ah inuu xiriiriyo qaraabada, dadkii hore waxaa dhaqan u ahaa inay xiriiriyaan qaraabadooda iyadoo xilligaas aysan jirin aaladaha casriga ah ee la adeegsado, sidaas daraadeed waxaa wanaagsan inuu xiriiriyo qofku qaraabadiisa meel kasta oo ay joogaan:
Nebigu wuxuu leeyahay SCW;
“Qofkii doonaya in cumrigiisa loo siyaadiyo, risqigiisana loo waasiciyo ha xiriiriyo qaraabadiisa”.
Ugu dambeyn waxaa wanaagsan in dhammaan acmaashaas aan soo sheegnay ka wada faa’iidaysano, maxaa yeelay waa fursad qaali ah oo aynaan ogeyn inay na soo mari doonto mar kale, sidii Rasuulkii NNKH, Axaabtiisii RC iyo salafu saalixba uga faa’iisan jireen.