From Garoweonline.com

Islam
Sh. Umal oo ka hadlay Somalia
By
Oct 18, 2009 - 2:30:53 PM

Nairobi:-Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa xalay soo gabagabeeyey Muxaadaradii uu ka waday Masaajidka Hidaaya ee xaafada Islii magaalada Nairobi.

Sheikh Umal oo Muxaadaradiisa ugu magac daray " Islaamka oo u dhexeeya laba khatar, khatar uga imaaneysa khaladaad ay sameynayaan dad Muslimiin ah oo aan fahan u lahayn diinta, iyo Gaalada oo ka faa'iideysaneysa khaladka ay galaan qeyb ka mid ah Muslimiinta" ayaa xalay ku dheeraaday sida loo saxo khaladaadka ay galaan Muslimiinta, isla markaasna aan looga aamusin.

Sheikha ayaa soo qaatay dhowr aayadood oo Qur'aan ah oo Ilaahay Subxaanahuu Watacaalaa uu ku saxayey Nabi Maxamed, waxaana ka mid ahaa sida Nabiga uu ula dhaqmay Maxaabiistii dagaalkii Badar, taasoo ilaahay sheegay inay khalad ahayd, isla markaasna loo dhaafay Nabiga iyo Saxaabadiisa.

Tusaalaha labaad ayaa Sheikhu waxa uu ku soo qaatay sidii Nabi Maxamed loogu canaantay Suurada Cabasa, ka dib markii uu ka mashquulay Saxaabigii C/laahi Ibno-Maktuum, isagoo Nabigu markaas doonayey inuu diinta wax uga sheego Oday ka mid ahaa odayaashii Qureysh.

Tusaalaha sadexaad ayaa Sheikhu waxa uu ku sheegay sidii ilaahay Saxaabada ugu ciqaabay dagaalkii Uxud, ka dib markii ay khilaafeen amarkii Nabiga ee ahaa in ay buurta waardiyeeyaan, wuxuuna Sheikhu sheegay in quraanka looga sheekeeyey sababta loo Jibiyey maalintii Uxud Saxaabada Nabiga (SCW)

Tusaalaha kale ee uu Sheikhu sheegay ayaa waxaa ka mid ahaa markii Saxaabigii Usama Binu Zeyd uu dilay nin ku dhawaaqay Kalimada Towxiida siduu Nabi Maxamed uu u diiday khaladka uu galay Saxaabigu oo Nabigu uu u sheegay in Kalimada Towxiidku ay maalinta qiyaabaha qabsan doonto Saxaabiga, taasoo wel wel fara badan ku abuurtay Saxaabiga oo ahaa nin uu Nabi Maxamed aad u jeclaa, isaga iyo aabihiisba.

Sidoo kale wuxuu Sheikhu sheegay in Khaalid Ibnu waliid uu sidaasoo kale uu dad Mulsimiin ah u laayay, taasoo Nabi Maxamed (SCW) uu ka bari noqday falka uu Khaalid ku kacay, iyadoo Nabiga uusan cudur daar u sameynin saxaabadiisa ka dib markii ay khaldameen.

Sheikh Umal ayaa sheegay in maanta dad badan ay qabsan doonto kalimada Towxiidka iyo Salaada oo dadka iyagoo ku dhawaaqaya la dilo, sida sheekhu sheegay, wuxuuna intaas ku daray in dadka maanta jooga iyo wadaadada Soomaaliyeed ayan diin ku gaari karin saxaabada Rasuulka ee lagu canaananayey khalaadka ay sameynayeen.

Sheikh Umal ayaa sheegay wax badan oo maanta ka soconaya wadanka Soomaaliya inay ka danbeeyeen ka dib markii la diiday go'aankii Culimada Soomaaliyeed ee ahaa in leysu soo jiido kooxaha ku hardamaya dalka, isagoo sheegay inay habooneyd in wax badan laga tanaasulo si loo gaaro Maslaxad guud.

Sheikha ayaa sheegay in dowlada ay u dhamaatay, isagoo intaas ku daray in Madaxweynihii dowlada uu ku hadaaqayo in caruurta Masaajida laga celiyo, taasoo sida Sheikhu sheegay ah nasiib darro weyn oo aan la iloobi karin.

Sidoo kale Sheikha ayaa sheegay in magaalada Nairobi uu kula kulmay qaar ka mid ah wasiirada dowlada oo sida Sheikhu sheegay uu weydiiyey waxa ku kalifay inay dalka ugu yeeraan inay ciidamada Itoobiya soo galaan, wuxuuna Sheikhu sheegay in mid ka mid ah wasiirada oo horeyna u ahaa Sheikh cilmi badan uu ku jawaabay inay Itoobiya dhaanto Al Shabaab inay wadanka qabsadaan, sida uu sheekhu ka sheegay wasiirkaas oo uusan magacaabin.

Ugu danbeyntii Sheikha ayaa sheegay in rajadii umada ee ay ka qabeen Islaamiyiinta ay dhamaatay ka dib markii Islaamiyiintu ay isku jeesteen oo dagaalameen, hadana iyaga la kala hayo, wuxuuse Sheikhu sheegay in Diinta Islaamka ay muqadas tahay oo ayan khalad lahayn, balse cida si xun uga tarjunta ay iyadu khaladka leedahay.

Markii uu Sheikhu Muxaadarada dhameeyey ayaa waxaa la weydiiyey su'aalo dhowr ah, waxaana su'aaluhu ay u dhaceen sidan.

S. 1- Sheikh Diinta Islaamku maxay ka qabtaa qofka Jaasuuska ah ee Soomaaliga ah mala dili karaa?

J. " qofka jaasuuska ah hadii uu gaal yahay leyskuma hayo dilkiisa, laakiin hadii uu Mulism yahay waa leysku khilaafsan yahay in la dilayo iyo in kale, balse xukunka uu qaadanayo waa baab kale, waxayna u taalaa qofka Muslimiinta hogaamiya, hadii uu Maslaxad u arko in la dilo waa la dilayaa hadii kalena wuu iska cafinayaa" ayuu ku jawaabay Sheikhu.

S. 2- Sheikh Qofkii gaalada soo raaca ee Muslimiinta dagaal la gala diinta Islaamku maxay ka qabtaa mala dilayaa?

J. " Qofka gaalada safkooda soo gala ee Mulimiinta la dagaalama xukunkiisu waa dil, leyskumana khilaafsana, laakiin xukunka uu qaadanayo iyo cida xukumeysa ayaa Mas'alo kale ah, waxaa la rabaa in si miisaaman wax loo eego oo aan la deg degin" ayuu mar kale ku jawaabay Sheikhu.

S. 3- Sheikh diinta Islaamku maxay ka qabtaa inay xuduud fuliyaan cid aan dowlad ahayn oo ay dadka gacmaha iyo lugaha ka jaraan?

J. " Hadii uu jiro Amiir u wada taliya Muslimiinta isagaa looga danbeynayaa fulinta xuduudaha, hadii la waayo dowlad, isla markaasna ay jiraan koox xoog leh oo fulin karta xuduuda iyagaa fulinaya, laakiin waxaa jirta in Nabiga (SCW) uu dadka cudur daar u raadin jiray uu uuna ku deg degi jirin inuu xuduuda fuliyo, waxaana intii uu Nabigu noolaa la fuliyey xuduud aad u yar, laakiin hada waxaad arkeysaa in xuduud badan la fulinayo, taasna wax ayaa ku jira, maxaa yeelay dad badan mahelaan baaritaan rasmi ah, isla markaasna qaadiyaal badan maba fahansana xukunka, marka khalad badan baa jiri kara, laakiin ka xukun ahaan cid diidi karta majirto, qofkii diidana moorada ayuu ka baxayaa" ayuu ku jawaabay Sheikh Umal.

S. 4- Sheikh dhalinyarada dagaalameysa waan garanay inay wax badan oo khalad ah sameeyaan, culimada maku khaldan yihiin inay Jihaadkii uga tageen dhalinyarada oo wax badan ay sidaas ku kharibneen?

Sheikha ayaa su'aashaas uga jawaabay in qofka caalimka ah looga danbeeyo Fataawida, isla markasna wuxuu intaas ku daray in su'aashaas ayan hada bilaaban ee xiligii Mucaskaraadka ee bilwgii sagaashameeyadii ay bilaabatay, taasoo sida sheekhu sheegay ujeedada laga lahaa ay ahayd, in dhalinyarada looga kexeeyo barashada Cilmiga iyo Culimada, wuxuuna ku nuux nuuxsaday inay taasi tahay isku dir dhalinyarada iyo culimadooda la kala dhex dhigayo, wuxuuna sheikhu sheegay inayan shardi ahan qofka waxa uu garanayo inuu isagu sameeyo.

Sheikha ayaa tusaale u soo qaatay in Culimo waaweyn ay dalka joogaan, isla markaasna aan waxba laga dhageysanin, wuxuuna tusaale u soo qaatay Dr. Cumar Imaam oo uu ku sheegay inuu yahay nin aad u cilmi badan, hadana aan waxba laga dhageysanin cid warkiisa yeeshana ayan jirin, wuxuuna Sheikhu ka digay in dhalinyarada lagu duufsado wax aan sax ahayn.

Sidoo kale Sheikh Umal ayaa sheegay in fikrada culimada lagu durayo ay mar hore bilaabatay, isla markaasna ay tahay fikrad laga soo min guuriyey meelo ka baxsan dalka, wuxuxuna Sheikhu intaas ku daray in ayan dooneyn in dhiiga Muslimka ee ay ka digayaan daadintiisa aan iyaga laga daadinin, sida uu Sheikhu sheegay.

Guud ahaan Muxaadarada Sheikha oo 3 habeen soo socotay ayaa intaas ku soo gabgabowday, waxaana markii Masaajidka laga soo dareeray la arkayey dadweynaha oo ka sheekeysanaya Muxaadarada Sheikha, iyadoo qaar ka mid ah dhalinyaradana ay ka careysnaayeen qaabka uu Sheikhu u jeedinayey Muxaadarada, iyagoo u qaatay in la weerarayo hal koox.

Muxaadarada Sheikh Umal ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili Islaamiyiintii ka dagaalameysay Soomaaliya ay goroda iskula jiraan, iyadoo dad badanna ay rajo beel ka yihiin xaalada Soomaaliya, balse sida Sheikhu ku cel celiyey Shareecada Islaamka ma ahan mid khaldan ee waxaa khaladka iskaleh cida sida xun uga tarjunta.

Xigasho/Halgan.net



http://www.garoweonline.com