From Garoweonline.com
Tariikhii Dr. Xersi Magana 1935-2008
By
Aug 25, 2008 - 6:43:09 PM
 |
| Dr.Xersi Magan |
Inaa lillaahi Wa inaa Illeyhi Raajicuun….Marxuum Dr.Xirsi Cali Ciise
oo loo yaqaanay Xirsi Magan ayaa habeenimadii 19kii Agoosto ku
geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska. Marxuumka ayaa 22kii
bishan Agoosto 2008 lagu aasay magaalada London ee caasimada dalka
Ingiriiska.
Halkan ka Saxiix Buuga Tacsida Allaha u naxariirstee Marxuum Xirsi Magan Ciise
Dr.Xirsi Magan wuxuu dhashay Sanadii 1935tiibaadiyaha degmada
Burtinle, Noloshiisa waxay ku bilaabatey xoolo-raacato. Markuu yaraa,
sida u caadada ah reer miyiga Soomaaliyeed, wuxuu raaci jirey ariga.
Dabadeed waxaa u xigey nolol geel-jire ah. 17 sano markuu jirey waxaa
la keeney magaalada Gaalkacayo. Waxaa la geeyey dugsi quraan. Muddo hal
sano ah ayuu ku dhameeyey higgaaddii, akhriskii iyo xafidkii quraanka.
Wuxuu ahaa nin fahmad wanaagsan.
Xirsi Magan wuxuu guursaday 3-xaas, dadkiisu waxay ahaayeen 1-wiil
iyo 5 gabdhood (oo midi hortiis geeriyootay), ilaa 15 sano uu ka gaaray
wuxuu ku noolaa magaalada Galkacyo, halkaas wuxuu ku dhameeyey laba
jeer Qur,aanka kariimka, dalkeenu waagaas Iskuulo ma lahayn laakiin
Xirsi wuxuu tacliinta assaasiga ah ku qaatay Primary School lagu baran
jirey Basic Skills-ka sida Carabiga, Xisaabta IWM, waxa xusid mudan in
uu aad uga aflaxay shiikh Nuur Cali Colow oo waagaas kutubo dhowr ah uu
ka marsaday shiikhiisana ahaa.
Marxuumka wuxuuna intii noloshiisa ahayd kasoo qeyb qaatay isbedalo
badan oo dalka Soomaaliya Soomaray oo ay ugu weynaydee xiligii xoriyad
doonka oo uu kamid ahaa dhalinyaradii aadka ugu xirnaa dhaq dhaqaaqii
SYL xiligii gobanimada Soomaaliya la qaadanyey, Xirsi Magan ayaa 25 jir
ahaa xiligii xoriyada Soomaaliya ay heshay.
Sanadkii 1947 wuxuu isku deyey in uu u dhoofo dalka Masar si uu wax
uga barto jaamicadda Al As-har. Magaalada Berbera ayuu tegey. Doon ayuu
halkaas ka raacey uu ku gaarey Cadan. Kaddin markii ay u suurageli
weydey in uu Cadan ka dhoofo, Soomaaliya ayuu ku soo laabtey, isaga oo
ku fekeraya in uu ganacsade noqdo. Wuxuu yimid Berbera. Muddo sanad ah
ayuu ka shaqeysanayay ganacsi u dhaxeeya Berbera iyo Gaalkacayo.
Sanadkii 1949-kii wuxuu yimid magaalada Xamar, isaga oo markiiba ku
biirey is-baheysigii dhallinyarad Soomaaliyeed (SYL). Wuxuu noqdey
xubin fir-fircoon. Wuxuu ka qeyb qaatey falal badan oo Leegadu ay
fulisey, sidaa darteed dhowr jeer ayaa la xirey. Wuxuu ahaa nin ka dhex
muuqdey dhallinyaradii horseedayaasha ahaa ee ururka.
Halgankii gobanimo-doonka ahaa ka sokow, Xirsi wuxuu xubin ka ahaa
ururkii la magac baxay Goosan ee u joogsadey difaaca afka hooyo. Howsha
ay u qabteen af-soomaaliga isaga iyo saaxiibadiis waxay ku soo abyootey
guddoonkii qoraalka af-soomaaliga. Xilliyadaas hore wuxuu wax ka bartey
dugsiyadii Xamar ka furnaa. Dabadeed wuxuu kamid noqdey macallimiintii
wax ka dhigi jirey dugsiyadii ay Leegadu u furtey dad-waynaha.
Marxuumka wuxuu kamid ahaa Aqoonyahanadii Soomaaliyeed ee ugu
horeeyey ee dalka dibadiisa wax kusoo barta wuxuuna waxbarashadiisa
dibada kusoo qaatay dalka Talyaaniga iyo Jaamacada Columbia University
ee dalka Maraykanka.
Sanadkii 1960-kii, Xirsi Magan wuxuu kamid noqdey dhallinyaro kamid
ahaa SYL oo deeq waxbarasho ka heley dalka Mareekanka. Wuxuu ardey ka
noqdey jaamacadda Ohaio University. Muddo 6 sano ah ayuu wuxuu ku soo
qaatey shahaado tacliin sare (PhD) aqoonta Andropology. Dabadeed wuxuu
ku soo laabtey Xamar si uu u hakiyo guddi ka socdey Jamciyadda
Quruumaha ka Dhexeysa oo Xamar u joogey in ay talo ka bixiyaan
dhigaalka af-soomaaliga. Xirsi markuu Xamar yimid waxaa loo doortey
odeyga is-baheysigii Goosan. Wuxuu qaadey olole uu ku difaacayay
af-soomaaliga iyo dhigaalkiisa. Xirsi Magan Ciise, wuxuu ku guuleystey
in uu soo saaro wargeys lagu magacaabo Sahan. Wuxuu xilligaas qorey
buug uu ugu magac darey Afkeena iyo Fartiisa. Qoraallo badan ayuu
sameyey oo wargeysyada ku soo baxay, kuwaas oo uu ku difaacayay
dhigaalka af-soomaaliga.
Wuxuu Marxuumka Guddoomiye ka ahaa sidoo kale ururkii la oron jiray
Goosanka Farta Soomaaliyeed oo ka shaqeyn jiray dhinaca waxbarashada
gaar ahaan Farta iyo Qoraalka Soomaaliya.
Marxuumka ayaa dhawaan dhidibada u aasay Shabakad ama Websiteka (Somalinativealphabet.com)
oo lagu barto farta Cismaaniyada oo markii ugu horeysay loo sameeyey
qaabka Computerada wax loogu qoro Websitekaasi oo loogu talogalay in
qof waliba ku barto si fudud qoraalka asliga ah ee Soomaaliyeed.
Markii ay saraakiishu la wareegeen taladii dalka, Xirsi iyo howshii
uu wadey waxay u muuqdeen kuwo ka soo hor-jeeda siyaasaddii dowladda.
Sidaa darteed ayaa Xirsi Magan dhowr jeer looga yeerey xafiisyadii
ciidanka nabad-sugidda ay ku lahaayeen Xamar. Ugu danbeyntii waxaa la
xirey sanadkii 1972-kii. Saddex sano ayuu ku xirnaa xabsiga Mandheera
ee degmada Burco. Dabayaaqadii sanadkii 1975-kii ayaa la soo daayey.
Dabadeed xuduudda Itoobiya ayuu u tallaabey.
Xabsiga Mandheera wuxuu Xirsi ku bartey ganacsade reer waqooyi ahaa.
Ninkaas ayaa wuxuu sitey kutub badan oo ay qoreen raggii odeyaasha ka
ahaa dhaqdhaqaaqii diiniga ahaa ee Masar (Ikhwaan Al-Muslimiin).
Halkaas ayaa Xirsi waxaa iska beddeley aragtidii u janjeertey
hanti-wadaagga, wuxuu ku qaatey aragti diineed ee caqiida ku dhisan.
Sidaas ayuu noloshiisii danbe oo dhan wuxuu ku ahaa nin sita beeg
islaamnimo.
Sanakdii 1976dii ayuu Marxuum Xirsi Magan isaga tagay dalka
Soomaaliya asagoo in muddo ah dibada ku noolaa gaar ahaan dalalka
Sucuudiga, Itoobiya iyo Kenya.
Xirsi wuxuu xubin ka noqdey ururo mucaarad ku ahaa dowladdii
saraakiisha, kuwaas oo dhamaantood dibadda laga dhisey. Waxay ahaayeen
Somali Democratic Action Front, Somali Salcation Democratic Front,
Somali National Movement. Ururadaas oo dhamaantood, iyaga oo bilow ah
ayuu Xirsi ka baxay, isaga oo ku dhalleeceeyey in ay ka siyaasad
liiteen saraakiisha ay la dagaalamayeen.
Xirsi Magan ayaa kamid ahaa Aasaasayaashii Jabhadii SSDF iyo
Raadiyihii ugu horeeyey ee Mucaaridka xiligaasi ahaa ee RADIO KULMIS.
Sanadihii Sideetameeyaha Xirsi Magan wuxuu kamid ahaa hogaamiyaashii
Jabhadihii ka dagaalamaysay gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalada
Wuqooyi Bari siiba gobalada Bari iyo Nugaal, ayadoo dhaq dhaqaaqaasi uu
ahaa kii ugu horeeyey oo hubeysan oo ka jiray xiligaasi gudaha
Soomaaliya.
Kadib Dagaaladii 1991dii Xirsi Magan wuxuu in badan ku noolaa
deegaanada hada la isku yiraaho Puntland, wuxuuna qeyb libaaxleh ka
qaatay shirarkii ugu horeeyey ee aasaaska u ahaa Sameynta maamul
Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Xirsi Magan wuxuu lahaa taariikh jabhadeed oo aad u dheer marxalado
badana soo martay, taasoo isugu jirtay siyaasad iyo suugaan,
taariikhdaas waxay u baahan tahay in keligeed qoraalo badan laga qoro
waxana rajeynayaa ineynu dib u dhigano anagoo la kaashaneyna raggii
Xirsi Magan yiqiinay.
Magaalada London ayuu u soo wareegay 2002-dii, wuxuuna juhdi weyn
geliyey inuu Computer-ka ku qoro fartii Cusmaaniyada natiijadii
howshaas ka soo baxdayna waxad ka daalacan kartaan
Somalinativealphabet.com . Xirsi Magan wuxuu ka tagey buug qabyo ah (
Grammar-ka Af-soomaaliga) wuxuuna ka qoray dhowr cutub.
Xirsi Magan wuxuu ahaa nin Illaahey yaqaan oo taqi ah, wuxuu ahaa
nin dabeecad wanaagsan, wuxuu ahaa nin dadnimada ku wanaagsan, wuxuu
ahaa Oday cabqari ah, wuxuu ahaa wadani dalkiisa iyo dadkiisa jecel,
wuxuu ahaa nin Af-soomaaliga hodan ka ah.
Marxuumka ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa Qof ehlu diin ah Diinta
Islaamkana aad ugu adkaa isla markaana lagu yiqiinay go’aanadiisa Cad
Cad ee dhinac walba. Marxuumka ayaa sanadihii ugu danbeeyey ee
noloshiisa si aad ah ugu go’ay dhinaca cibaadada Alle. Marxuumka ayaa
todobaadyadii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa cariga Ingiriiska oo uu ku
noolaa sanadihii lasoo dhaafay.
Marxuumka waxaan illaahay uga baryeynaa inuu Janadii fardowso ka
waraabiyo dhamaanteena Samir iyo imaan naga siiyo. Amiin Amiin Amiin
Halkan ka Saxiix Buuga Tacsida Allaha u naxariirstee Marxuum Xirsi Magan Ciise
Xigasho/Horseed Media
Dhamaan shaqaalaha Radio Garowe iyo Garowe Online ayaa tacsi u diraya dhamaan ehelkii Marxuum Xersi Magan Ciise anaga oo leh samir iyo imaan dhamaan ilaaheyna waxaan uga baryeynaa Xesri in Janno Fardowsa ka waraabiyo.
http://www.garoweonline.com