From Garoweonline.com

Opinion
SL: Caqabado Golayasha Degaanka
By
Sep 4, 2008 - 10:54:58 AM

Warbixin: Weriye Maxamed Jamaal

Waxay ahayd 15kii December 2002 markii loo dareeray in la doorto Goleyaasha Deegaanka Somaliland, oo ahaa golayaashii ugu horeeyey ee si xor ah loo doorto laga soo bilaabo 1960kii, taas oo ahayd  bilowgii hayaanka Dimuqraadiyadeed ee shacbigu hiigsanaayey.

Doorashadii Goleyaasha Deegaanku waxay lahayd laba weji, waa tan koowaade waxaa la kala reebayay lixdii Urur siyaasi, taas oo looga dan lahaa in ay Saddex Xisbi Qaran soo baxaan iyo Mudanayaashii Goleyaasha Deegaanka oo la dooranayey.

Nidaamka lagu soo doortay Golayaashaasi wuxuu ahaa nidaamka liisaska ee sidda ay u kala horeeyaan mudanayaashu ay u soo baxayeen, taas oo qofka codaynayaa aanu garan karin shakhsiyada uu dooranaayo ee Golaha Deegaanka ka mid noqonaysa, waxaana la odhan karaa waa aas-aaskii gol-daloolooyinkii soo baxay meesha ay ka yimaadeen.ayaan-darrada kale ee jirtay ayaa waxaa ay ahayd in mudanayaasha liiska xagga hore kaga jiray ay ka warqabeen inay soo baxayaan iyadoo aan doorashoba la gelin, taas oo sababtay in mudanayaashii liisaska xagga hore kaga jiray ay u ololeeyaan mudanayaal ay isku reero yihiin oo Urruradii kale ku jirey.

Arrintaasina ay xagal daac badan ku keentay Dimuqraadiyadii aynu qaadanay, taas oo lumisay doorashadii iyo xulashadii dadweynaha, iyadoo la odhan karo dadku maba ay rabin dadka liiska xagga hore kaga jirey ee Urruradu u soo qadimeen. Arrintaanisina waxaa ay faa’iidoweyn siisay Ururadii oo cidda ay doonaayeen ay xagga hore soo marsadeen, halkaana dantii shacbigu ay ku luntay oo doorashadoodii aanay noqon mid ay wax doorteen.

Waxaa kale oo arrintaa iyaguna dhaliil aad u ballaadhan ku lahaa Komishankii wakhtigaa ee Doorashooyinku may raacin xeerkii doorashooyinka ee Xeer No.20, waayo xeerkaasi waxaa uu sheegayey shuruudaha looga baahan yahay qofka murashaxa ah, taasna waa ay baalmareen Komishankii Doorashooyinku, waxaana dhacday in murashaxiin badan oo aan buuxin shuruudhii uu xeerkaasi dhigaayey in laga aqbalay oo doorashadii uu sidaas ku galay, taasina waxaa ay keentay in dad aan munaasab ku ahayn Goleyaashii Deegaanka in ay soo baxaan.

Markii ay soo baxeen Goleyaashii  Deegaanka ee dalku waxaa dhacday in fadhiyadoodii ugu horeeyay ee ay qabsadeen uu hadheeyay muran iyo loolan ku wajahan xukun kala jiidasho (Power Struggle)  cidda guddoomiya u noqonaysa oo loolan farobadan iyo ciddiyo ku dagaalan u galeen, taasi waxay markiiba so dedejisay in Mayaro badan xilkii muddoo yar guddaheed lagaga qaado, waayo markii la soo doortay muu jirin wax sharciya oo kala xadeynaayey.

Arrimahaan kor ku soo sheegnay waxay markiiba soo dedjisay in Xukuumadda Dhexe ay faro gelin ku samayso oo Wasaarada Arrimaha Gudaha ay awood urursi badan ku samaysay cuna-duubna ku noqotay Goleyaashii Deegaanka, waxaana awoodahaas ka mida ah Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer.No.23 waxaa uu awoodo fara badan siinayaa Wasaarada Arrimaha Gudaha, halkii Golayaashii Deegaanka ee la soo doortayna ay noqdeen qaar daba fadhiisanaya Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Xeerarka Doorashooyinka ee Somalilansd waxaa ka maqan oo aan lagu darin Xeerkii lagu dooran lahaa Goleyaasha Gobollada Dalka, halkaana waxaa fursad ka heshay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Badhasaabka oo yeeshay awoodihii ay yeelan lahaayeen Goleyaasha Gobolladu, taas oo wiiqday wax-qabadkii Goleyaasha Deegaanka oo qof la soo magacaabay uu ku takri falo awoodahoodii.

Waxyaabaha kale ee dhibaatada ku haya Dawladaha Hoose ee dalka waxaa ka mid ah shuruucdii kala xadayn lahayd iyaga iyo Dawladda Dhexe. Tusaale ahaan cashuuro badan oo ay Dawladaha Hoose qaadi lahayd ayaa si toosa u hoos timaada Dawladda Dhexe, gaar ahaana Wasaarada Maaliyada, taasina waxaa ay wiiqday wax-qabadkii Goleyaasha Deegaanka.

Guntii iyo gebo-gebadii haddii aynu rabno Gole Deegaan oo fayo qaba, waxqabadna muujin kara, waxaa lagama maarmaan ah in la saxo dhamaanba khaladaadka ku jira Golahaan immika shaqeeya, waxaa dhawaan Baarlamaanka Somaliland uu ansixiyey wax ka bedelka Xeerkii hore ee Doorashooyinka, kaas oo dhigaaya in shakhsiga mudanaha ah si toos ah loo soo doorto oo laga guuro nidaamkii hore ee xulashada ahaa, waxaana xeerkaasi uu horyaala Madaxweyne Dahir Rayaale oo haddii uu saxeexo wax badan ka taraaya dhibaatooyinka Goleyaasha.

W/D: Maxamad Jamaal, Weriyaha Garowe Online ee Hargaysa
Xuquuqda: Garowe Online



http://www.garoweonline.com