War-saxaafadeed
Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda FKMG ah waxay ka xun tahay xarigga loo geystay agaasimihii idaacadda Horseed Media, C/fataax Jaamac Mire oo lagu xakumay 6 sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $500.
Dowladda FKMG ah waxay la wadaagtaa Maamulka Puntland khatarta kooxaha dowlad iyo nabad-diidka ah, waxayna kala shaqeyn doontaa sidii kooxaha nabad-diidka ah looga sifeyn lahaa dalka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta DFKMG ah Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) wuxuu kala hadlay Wasiirka Warfaafinta Dowlada Puntland Abdixakiim Axmed Guuleed arrinta xarigga Agaasimaha Horseed Media. Labada Wasiir waxey isla garteen muhiimadda saxaafadda xorta ah iyo sidii wariyeyaasha madax-bannaan loo dhiirrigelin lahaa. Wasiir Eng. Yariisow wuxuu ka dalbaday maamulka in laga shaqeeyo sidii racfaan loogu dalbi lahaa si loo sii daayo Agaasimaha idaacadda Horseed Media.
Siyaasadda DFKMG ah waxay tahay in dhowritaanka mabda’a xorriyadda hadalka iyo cabiraadda ay yihiin kuwo keeni karta horumarka bulshada. Falalka noocan oo kale ah waxay wax u dhimi karaan sumcadda dalka.
Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho
--
Contact address: Ministry of Information, Villa Somalia, Mogadishu, Somalia.
Telephone: +252699941070, +25261 5479911, +25262755400, +252699998854
e-mail:
engabdirahman@gmail.com
or
somaliinfo.ministry@gmail.com