ENGLISH or AF-SOOMAALI (qeybta hoose)
6 January 2009
NAIROBI – The Executive Director of the United Nations World Food Programme (WFP) condemned the killing, today, by gunmen of one of the agency's staff members in southern Somalia, and urged all parties to the worsening conflict there to protect humanitarian workers.
Three masked gunmen shot and killed 44-year-old Somali national Ibrahim Hussein Duale, while he was monitoring school feeding in a WFP-supported school in Yubsan village six kilometres from the Gedo region capital of Garbahare. Witnesses say the gunmen approached him while he was seated, ordered him to stand up and then shot him.
"We call on all parties to allow us to do our job – providing food to feed the hungry at this critical time," said WFP Executive Director, Josette Sheeran. "We are an impartial international organization and we need a minimum of security to serve the Somali people."
Duale leaves a wife and five children. He joined WFP in 2006 as a food monitor in Gedo region, which borders on Kenya and Ethiopia. He is the third WFP staff member killed in Somalia since August 2008. Five WFP-contracted transport staff were killed in Somalia in 2008.
"This was a shocking attack on one of our staff while he was doing his job," Sheeran added. "Ibrahim was a good, honest man and worked extremely hard to assist those in need. Our thoughts and prayers are with his family, friends and colleagues."
Somalia is one of the most dangerous places in the world. Insecurity is rising as Ethiopian troops withdraw from the country. A total of 3.25 million people – or 43 percent of the entire population – need humanitarian assistance. Some 3.1 million of them need food assistance.
Despite the growing insecurity, WFP has been feeding more than 1.5 million people every month in Somalia. Ninety percent of WFP food assistance for Somalia arrives by sea on ships currently escorted by European Union naval vessels to protect them from piracy.
WFP shipped some 260,000 metric tons of food to Somalia in 2008; almost four times the amount in 2007, three times what was shipped in 2006 and eight times the amount in 2005.
# # #
WFP is the world's largest humanitarian agency and the UN's frontline agency for hunger solutions. In 2009, WFP aims to feed around 100 million people in 77 countries.
For more information please contact:
Peter Smerdon, WFP/Nairobi, Tel + 254 27 622 179, Mobile : + 254 733 528 911
Gregory Barrow, WFP/Rome, Tel. +39-06-65132330, Mobile: +39-3481325018
Caroline Hurford, WFP/London, + 44 20 7240 9001, Mobile: + 44 7968 008474
Emilia Casella, WFP/Geneva, + 41 22 917 8564, Mobile: + 41 792 857304
Jennifer Parmelee, WFP/Washington, Tel. +1-202-6530010 ext. 1149, Mobile: +1-202-4223383
Bettina Luescher, WFP/New York, Tel. +1-212-9635196, Mobile: +1-646-8241112,
luescher@un.org
SHAQAALE KA TIRSAN SHAQAALAHA KORMEEREYAASHA RAASHINKA EE WFP OO AY DABLEY KU DILEEN DUGSI (ISKOOL) KUYAAL KONFURTA SOOMALIYA
6da Jannaayo 2009
NAYROOBI – Agaasimaha Fulinta ee Hay’ada Cuntada Aduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa maanta cambaareysay dil loo gaystay mid ka mid ah shaaqala hay’adda oo ku sugnaa konfurta Soomaaliya waxayna ka codsatay kooxaha isku haysta Soomaaliya in ay bad-baadiyan shaqaalaha samafalka.
NAYROOBI – Agaasimaha Fulinta ee Hay’ada Cuntada Aduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa maanta cambaareysay dil loo gaystay mid ka mid ah shaaqala hay’adda oo ku sugnaa konfurta Soomaaliya waxayna ka codsatay kooxaha isku haysta Soomaaliya in ay bad-baadiyan shaqaalaha samafalka.
Sadex nin oo hubeysan afkuna u duubnaa ayaa waxay maalintii talaadada ahayd dileen nin Soomali ah oo u shaqaynayay Hay’ada WFP lagunna magacaabo Ibraahim Xuseen Ducale oo 44 sanno jirey, Marxuumkani wuxuu kormeer shaqo ku marayey mid ka mid ah skoolada ka faa’iidyesta barnaamijka quudinta skoolada ee ku taalo tuulada lagu magacaabo Yobsan oo lix kiloomitir u jirta degmada Garbaharey ee xarunta gobolka Gedo.
“Waxaan ugu baaqaynaa cid kasto oo ay khusayso in ay noo ogolaadaan fulinta hawlahayaga. – ah cunno siinta dadka tabaalaysan xilligan xassasiga ah,” ayaa waxaa yiri Agaasimaha fulinta ee WFP Marwo Josette Sheeran. “Waxaan nahay hay’ad caalami ah oo dhexdhexaad ah sidaa darteed waxaan rabnaa nabadgelyo si aan u taakulayno dadka Soomaaliyeed”.
Ducaale wuxuu ifka uga tagay shan carrur iyo hooyadood. Wuxuu ku soo biiray WFP sannadkii 2006dii isagoo loo qaatay kormeere raashinka mucaawinada ee gobolka Gedo, kasoo xuduud la leh Kenya iyo Itoobiya. Waa shaqaalihii sadexaad ee WFP lagu dilo Soomaaliya tan-iyo bishii Agoosto 2008. Shan qof oo katirdsan qandaraasleyaasha WFP ayaa iyaguna lgua dilay sanadkii 2008.
“Weerarkan naxdinta leh wuxuu ahaa mid loo geystay shaqaalaheena isagoo gudanayay hawl maalmeedkiisii,” waxay intaasi raacsiisay Sheeran. “Ibrahim waxuu ahaa shaqsi wanaagsan, daacad ah si naf-hurnimo lehna ugu shaqaynayey bulshadda tabaalaysan. Dareenkayaga iyo ducadeena ba waxaan la wadaangnaa qoyskii iyo asxaabtii uu ka tagay marxuumku”.
Somaaliya waxay noqotay mid ka mid ah wadamada ugu halista badan dunida. Amaandarada ayaa sii kordhaysay tan iyo intii ay bilaabeen in ay ciidamada Itoobiya ka baxaan wadanka. Tiro dhan 3.25 milyan oo qof una dhiganta 43 boqolkiiba tirada dadka ku nool Soomaliya ayaa u tabaalaysan kaalmo aadannimo. Halka 3.1 milyan oo qof ay u baahan yihiin kaalmo cunno.
Inkastoo ay sii kordhaysay amaan darada bilaha dambe ka jirta Soomaaliya ayaa hadana WFP waxay gargaar cunno gaarsiisaa 1.5 milyan oo qof bil walba wadanka Soomaaliya gudaheed. Boqolkiiba sagaashan kaalmada WFP ee ku wajahan Soomaaliya ay soo marta badda taasoo ay soo gardaadiyaan maraakiibta ciidamadda badda ee Midowga Yurub si ay uga difaacaan burcad badeedda.
WFP waxay geysay raashin dhan 260,000 oo mt wadanka Soomaaliya sanadkii 2008, tasoo afarjeer, sadex jeer iyo waliba sided jeer kabadan sanadihii 2007, 2006 iyo 2005.
# # #
WIXII FAAFAAHIN AH FADLAN LA SOO XIRIR.
MAXAMUUD XASAN “GUULED”
AF-HAYEENKA SOOMAALIYA EE HAY’ADA WFP.
+254 734 800531
Mahamud.hassan@wfp.org