From Garoweonline.com

Press Releases
M/weynaha DF oo ka hadlay C. House
By
Mar 9, 2010 - 9:36:00 PM

Jamhuuriyadda Soomaaliya

Madaxtooyada

Madaxa Xafiiska Madaxweynaha

Agaasinka Warfaafinta
    
     
 جـمـهـوريـة الصــومــال

الرئاسة

  مدير مكتب الرئيس

  دائرة الإعلام

Republic of Somalia

The Presidency

Office of the Chief of Staff

Directorate of Communications

JS/XM/DOC/      189   /010                                                    Date: 03      /      09     /2010
 
 
Madaxweyne Sharif Ayaa Xalay ka hadlay Chatham House

 (London, UK, March 8, 2010) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay khubad dheer ka jeediyey Xarunta Cilmi Baarista ee Chatham House halkaas oo ay buux dhaafiyeen dad isugu jirey Somali iyo ajnabi ayna ka mid ahaayeen Soomaalida UK, safiirro, macalamiin jaamacadeed iyo siyaasiyiin.

Chattam House, London
Khudbada Madaxweynaha oo ciwaankeedu ahaa Marxaladda Kala Guurka ee Soomaaliya iyo Masuuliyadda Bulshada Caalamka waxa ay socotay saacad ku dhawaad iyada oo dhanka kale su’aalo nooc kasta leh la weydiiyey Madaxweynaha dhammaanna uu ka jawaabay.

Kulanka waxaa xiriiriye ka ahaa David Stephen oo horay u ahaa Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya gaar ahaan xiligii shirkii Carta uu uu socdeey ee sanadkii 2000.

Chattam House, London
Madaxweynuhu waxa uu khudbadiisa uga hadlay arrimo badan isaga oo aad bulshada caalamka ugu adkeeyey in ay fahmaan burcadda iyo argagixisada Soomaaliya ka jirta in ay yihiin waxyaabo ka dhashay dumiddii dowladdii Soomaaliya iyo in xalku yahay in la adkeeyo ayna taabbo qaaddo dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu aad ugu dheeraaday in diinta Islaamku ay tahay diin nabadeed, fasirka Al Shabaabna aanu ahayn mid sax ah ee diintii Alle soo dajiyey ay tahay mid nabad wadda isaga oo Madaxweynuhu xusay xitaa markii aakhiro la tago in la oran doon dadka ahlu jananada ah adinka oo nabad qaba janada gala.

Madaxweynuhu waxa uu farriin u diray  Soomaalida qurbaha isaga oo uga mahad celiyey dadaalka ay horay dalka uga geysteen, una sheegay in macaluul iyo gaajo ay dadkii u dhimanayaan loona baahan yahay in la helo hab dadka qurbaha iyo dowladdu isaga kaashan karaan sidii dadka Soomaliyeed gar-gaar bini’aadamnimo loo siin lahaa.
 
Dowladda diyaar ayay u tahay ayuu yiri wada-shaqayntaas, waxa aanna ballan qaadaynaa in aan isla dejinno qaab deeqdu ku gaari karto dadka baahan.
 
Hadalka Madaxweynaha kaddib, waxaa su’ aalo badan weydiiyey dadkii meesha isigu yimid kuwaas oo dhammaan uu Madaxweynuhu ka jawaabay. Kulankaas oo uu si wanaagsan ku dhamaaday.

Waxaa na soo gaarsiiyay Agaasinka Warfaafinta Madaxtooyadda Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya


http://www.garoweonline.com