From Garoweonline.com

Press Releases
Maamulka Isbitaal Garowe oo la badalay
By
Jul 14, 2010 - 9:00:11 AM

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa isbadal maamul ku sameeyey Isbitaalka guud ee magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
 
Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali Cabdulaahi Warsame ayaa dhawaanahanba ku mashquulsanaa wax ka qabashada Isbitaalka guud ee caasimada Garowe, waxaana Isbitalka ka socda dayactir balaaran oo gabi ahaanba Isbitaalka lagu cusbonaysiinayo waxaa dayactirka dhinac socdey isbadalka dhanka Maamulka.
 
Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa markuu arkey baahida loo qabo in wax laga badalo maamulka Isbitaalka Guud ee Garowe isla markaasna uu la tashaday agaasimihii hore ee Isbitaalka uuna tixgaliyey talo soo jeedinta gudiga sare ee Isbitaalka waxaa uu wasiirku maamulka Isbitaalka guud ee Garowe u magacaabay masuuliyiintan.

1-     Maxamed Jamac Xirsi: Agaasimaha isbitaalka guud ee Garowe  isla markaasna wuxuu sii haynayaa xilkii uu hore u hayey ee Isuduwaha  Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Nugaal.

2-     Cisman Xaaji Yuusuf: Ku xigeenka Agaasimaha  isbitaalka Guud ee Garowe iyo madaxa shaybaarka isbitaalka guud ee Garowe 

3-     Dr.Maxamed Xasan Ducale:  Madaxa Qaybta Caruurta  ee Isbitaalka .

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa markaas kadib waxaa uu sheegay in raggan ay yihiin kuwo lagu aamini karo shaqadaas adag ee Wasaaradda Caafimaadku ay u igmatey wuxuuna wasiirku farey masuuliyiintan uu xilalka kala duwan u magacaabay inay shaqada  la wareegaan ayna cadaalad iyo hawlkarnimo ummada ugu adeegaan, sidoo kale waxaa uu wasiirka caafimaadku ugu baaqey shacabka Garowe inay la shaqeeyaan masuuliyiinta cusub ee Isbitaalka guud oo ah rag mudo badan kusoo jirey Caafimaadka kuwaas oo wax la taaban karo ka qaban kara xaalada Isbitaalka.

Isbadalka dhanka maamulka ah ee Wasiirka Caafimaadku uu ka sameeyey Isbitaalka guud ee magaalada Garowe ayaa ku soo aadaya iyadoo Isbitaalka  ay ka socoto shaqo balaaran oo dayactir ah, isbadalka dhanka maamulka ah waxaa ka horeeyey Imtixaan guud oo laga qaadey dhamaan shaqaalihii Isbitaalka ka hawlgalayay waxaana isbadaladan Isbitaalka Garowe lagu sameeyey ay yihiin kuwo uu horey u balan qaadey wasiirka caafimaadku inuu samayn doono si Isbitaalka xaaladiisu isku badasho uu uu bulshada u qabto shaqadii loogu talagalay iyadoo horey ay shaqada Isbitaalku u ahayd mid habac ah oo maamul xumo iyo dayac isku darsaday.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Garowe



http://www.garoweonline.com