From Garoweonline.com

Press Releases
SL oo lagu eedeeyey caburinta Lascanod
By
Feb 18, 2010 - 9:12:50 AM

Ururka Qurbajoogta Puntland PDF waxa uu walaac ka muujinayaa xadgudubyada lagu sameeyay xuquuqda iyo xorriyada muwaadiniinta reer Sool gaar ahaan Magaalo madaxda Laascaanood, taas oo ay ku hayaan koox ka soo duushay Gobolka waqooyi galbeed.

Waxa ayaan darro ah in xukuumadda goni u goosadka Hargaysa iyadoo ay sheeganayaan dimoqaraadiyad ay ku marin habaabinayaan rayul caalamka in ay haddana arday iyo macalimiinta dugsiyada magaalada Laascaanood oo si nabad ah waxbarshadooda u gudanayay ay ka qafaasheen 34 caruur, macalimiin iyo dumar loona taxaabay jeel ku yaala magaalada Caynaba.

Ardayda iyo Macalimiinta oo ay weheliyeen ururrada bulshada ee haweenka, odayaasha iyo dhalinyarada reer Laascaanood ayaa codkooda iyo shucuurtooda ku muujinayay sida ay uga soo horjeedaan cadaadiska iyo caburinta ay Maamulka Hargaysa ku hayaan shacabka aan hubaysnay ee dhulkoodii hooyo jooga.

Talaabooyinkan guracan oo ka soo fulay maamulka Daahir Riyaale waxay muujinaysa mid uu ku doonayo in uu ku kasbada cimri dheeraysiga kursigiisa isla markaasina ka sii jeediyo caalamka isqab-qabsiga iyo qulquladaha ka dhex taagan xukunkiisa kaligiis taliska ah.

Gollaha Qurbajoogta Puntland waxay uga digayaan maamulka Soomaali-diidka ah ee Hargaysa cawaaqibka iyo cidhib xumada ka dhalan doonta xadhiga, caburinta iyo cadaadiska lagu hayo Shacabka reer Sool. Sidoo kale xadgudubka sharafta Isimada reer Sool, Sanaaga iyo Cayn ay kula kaceen huwanta hargeysa iyaduna waa mid aan mar danbe loo dulqaadan doonin.

Waxaan maamulka Riyaale u soo jeedinaynaa inay si degdeg ugala baxaan ciidankooda Magaalada Laascaanood.

Waxaan kaloo xusuusinaynaa Qabiilada ood wadaagta la ah Sool in ay ka digtoonaadaan ka raali noqonshaha xadgudubka maamulka Riyaale kula kacayo Shacabka reer Sool ee ay ood wadaagta yihiin, ogaadaana ka raali noqonshaha xadgudubyadani inay keeni karto colaad iyo aafo faraha looga gubto taas oo saamayn ku yeelan karta wadaganaanta iyo dariswanaaga.

PDF waxay taageero buuxda la garab taagan tahay go’aamadii ka soo baxay shirkii Issimada Sool, Sanaag iyo Cayn. Waxaana Shacabka Reer Sool, Sanaag, Cayn iyo Guud ahaanba maamulka iyo shacabka reer Puntland ugu baaqaynaa inay u diyaar garoobaan taageero hiil iyo hooba leh oon kala hadh lahayn taas oo lala garab istaagayo Issimada, shacabka iyo xaq u dirirka Sool , Sanaag iyo Cayn.

PDF waxay ha’yadaha ilaaliya xuquuqda bini’aadamka iyo beesha Caalamkaba ka codsanaysaa in ay il gaar ah ku eegto xadgudubyada ay ku tilaabsanayaan maamulka Hargeisa, oo aysan marka ku dagmin dimoqoraadiyada iyo xornimada beenta ah ee Maamulka Hargeisa ku beerlaxowsado Beesha Caalamka.

Guddiga Saxaafada iyo Xiriirka Bulshada
Gollaha Qurbajoogta Puntland
www.puntlanddiaspora.org
publicrelations@puntlanddiaspora.org



http://www.garoweonline.com