Ururka Midowga Qurba Joogta
Soomaaliyeed, (USD) ee saldhigiisu yahay Gobolka Minnesota ee dalka
Maraykanka, wuxuu aad uga xun yahay Canbaaraynayaana, dhacdada
murugada leh ee ka dhacday Dhulka Puntland, in dad Soomaaliyeed oo Jooga
dhulkoodii hooyo cadow loo gacan galiyo. Waxaan Tacsi gaar ah u diraynaa
dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay kadhasheen dadka loo dhiibay, Si
guudna waxaan ugu tacsiyeynaynaa Umada Soomaaliyeed ee ka murugaysan
ficilkaan tiiraanyada leh.
Waxaan aad ugu Mahad celinaynaa
Culumada, Isimada,Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo dhamaan
Waxgaradka reer Puntland ee Baaqa Taariikhiga ah kasoo saaray 04/28/2008
Gobalka Bari. Baaqaas oo si toos ah u cambaaraynayey iibsigii Itoobiya
laga iibsaday Maxamed Axmed Caafi (Dhiirre), iyo Cabdi Nuur Maxamed
Sooyaan 04/22/2008 oo ahaa dad Somaaliyeed. Sidaa si leeg waxaan ugu
Mahad celinaynaa Abdalla Jaamac Jibriil oo Bisha May 2,
2008 BBC-da ka canbaareeyey isagoo ku sagan magaalada Gaalkacayo, sheegayna
inay talaabo ka qaadidoon iibisaga sideeda dhalinyarada ah ee
Gaalkacayo laga qafaashay loona dhiibay Gumaystaha Itoobiya 05/02/08.
May 3, 2008
Minnesota USA
Ku : Isimada Maamul
Goboleedka Puntland
: Culimada Maamul Goboleedka Puntland
: Siyaasiyiinta Maamul Goboleedka Puntland
: Aqoonyahanka Maamul Goboleedka Puntland
: Ganacsatada Maamul Goboleedka Puntland
: Shacabka Maamul Goboleedka Puntland
: Maamul Goboleedka Puntland
: Shacabka reer Soomaali Galbeed
Ka: Ururka Midowga Qurba
Joogta Soomaaliyeed
UJEEDO: BAAQ
Ururka midowga Qurbajoogta
Soomaaliyeed, kadib markuu ogaaday dhacdooyinka foosha xun ee soo noqnoqonaya
ee ka dhanka ah Islaanimada, Soomaalinimada, Wadadhalashada, xiriirka,
isdhexmarka, iyo ganacsiga, wuxuu ugu baaqayaa Ururku Isimada, Culimada,Aqoonyahanka,
Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo dhamaan waxgaradka reer Puntland inay
joojiyaan, is hor taagaana dadka Soomaaliyeed ee Maamulka Puntland
kagadanayo Dowlada Itoobiya.
-
Isimmadu
waa dadkii dhisay islamarkaana dhidibada utaagay Maamulka Puntland,
sidaa daraadeed waxaan ugu baaqaynaa inay go’aan cad kaqaataan dhacdadan
foosha xun, kana soo saaraan go’aan ay u dhanyihiin oo ay ku hor istaagayaan
inaan qof danbe oo Soomaali ah oo jooga dhulka Puntland loo dhiibin
Itoobiya. Sidoo kale waxaan Isimmada ugu baaqaynaa inay Maamulka Puntland
ku cadaadiyaan inay shuruud la’aana usoo celiyaan dadka Soomaaliyeed
ee laga taxaabtay Ciida Puntland. Isimmada waxaan kaloo ugu baaqaynaa
inay dowlada Itoobiya fariin u diraan inay joojiso falalka ka dhanka
ah, Soomaalinimada, wada dhalashada, ganacsiga iyo daris wanaaga ee
ay ka wado shacabka reer Puntland iyo shacabka Soomaali galbeed dhexdooda,
soona celiso dadkii loo gacan galiyey shuruud la’aan.Sidoo kale inay
u cadeeyaan inaysan reer Puntland diyaar u ahayn colaad ka curata shacabka
reer Puntland iyo shacabka reer Soomaali galbeed dhexdooda, ficilkoodana
loo fasiran karo isku dir.
-
Culimada
Soomaaliyeed ee jooga Puntland waxay ka midyihiin aasaasayaashii dacwada
ka jirta Soomaaliya, miisaan wayna waxay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda,
waxaan ugu baaqaynaa inay cadeeyaan waxay diinta Islaamku ka qabto u
gacan galinta qof muslim ah cadow aan bad baadin doonin. Sidoo kale
inay Fataawa qoran kasoo saaraan, kuna cadeeyaan xukunka qofka dhiiba
qof islaama wuxuu noqonayo
.
-
Siyaasiyiinta
iyo Aqoonyahanka Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay ka hor yimaadaan
dhacdadaan ceebaysan ee aan qof damiir leh ka suuroobin. Waxaan ugu
baaqaynaa inay ka hadlaan Saxaafada gudaha iyo dibadaba cadeeyaana Siyaasad
ahaan dhibaatada ay mustaqbalka reebi karto dhacdadaanu. Waxaan u sheegaynaa
Siyaasiyiinta inay arintani tahay fursad qaali ah oo soo martay, shacabka
reer Puntland iyo ummada Soomaaliyeedna ay ku qiimayn doonaan barri
mowqifka ay ka qaataan arintaan.
-
Ganacsatada
reer Puntland oo ah laf dhabarta dhaqaale ee Maamul Gobaleedka Puntland,
waxaan ugu baaqaynaa inay dad waynaha u cadeeyaan faa’idada ganacsi
ee laga helayo isku xirnaanta iyo isu socodka Shacabka Soomaali Galbeed
iyo haduu ganacsigaas istaago khasaare intee le’eg ayaa ka imaan kara.
Waxaan kaloo ugu baaqaynaa inay cadeeyaan inaysan raali kanoqon doonin
inuu Maamul kushaqeeya canshuurta ay bixiyaan uu ka ganacsado dadka
Soomaaliyeed.
-
Shacabka
reer Puntland ee nabada jecel waxaan ugu baaqaynaa inay ka dhiidhiyaan
taxaabida laga taxaabayo dad Soomaaliyeed Guryahooda, hadii si kale
loo dhigana iyaga martida u ah. Waxaan ugu baaqaynaa inay ku garab istaagaan
cidkasta oo arintaas isu taagta sida: Isimmada, Culimada, Siyaasiga,
Aqoon yahanka iyo Ganacsatada. Waxaan kaloo ugu baaqaynaa inaysan ka
liidan lo’o gisida oo neefkii bahal ka qabsado aan uga harin ee inta
kusoo rogmada qoob iyo qaylo iyo gees kaga soo rita. Waxaan idinku adkaynaynaa
inaysin dhicin in qof 11aad laga hogaansado ciida Puntland.
-
Maamulka
Gobaleedka Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay ixtiraamaan rabitaanka
shacabka ay matalaan iyo inay ilaaliyaan sharciga iyo qaanuunka u degsan
Maamul Gobaleedka Puntland. Sidoo kale waxaan u sheegeynaa inay ogaadaan
inay ayagu qaadidoonaan masuuliyada Natiijada ka dhalata ficilka ay
ku kacayaan. Gaar ahaan waxaan u sheegeynaa inay ayagu masuul kanoqon
doonaan wixii dhibaato ah oo shacabka reer puntland uga yimaada ama
kasoo gaara arintan.
-
Shacabka
reer Soomaali galbeed waxaan ugu baaqaynaa in ay ogaadaan in aan shacabka
reer Puntland iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed raali ka ahayn, kana noqon
doonin dhacdadan qalafsan. Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer Soomaali
galbeed inay ka feejignaadaan hagardaamooyinka cadowgu uga gol leeyahay
inuu dabka isugu dhiibo ummada Soomaaliyeed, gaar ahaana labada shacab
ee walaalaha ah.
Ugu danbayntii waxaan xasuusinaynaa
dhamaan qaybaha sharafta iyo ixtiraamka mudan ee aan soo xusnay , in
xil layska saaro joojinta ka ganacsiga banii’aadamka qardhiga kow
iyo labaatanaad, loona maro xalinta mushkiladan qaab waafaqsan shareecada
Islaamka Dhaqanka, Aqoonta Siyaasada iyo Caqliga saliimka ah.
Xasan Maxamed (Xasan Dhooye)
Gudoomiyaha Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed
Minnesota USA
unitedsomalid@gmail.com