War-Saxafadeed
Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Garowe: Madaxwaynaha dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa xalay casho sharaf u sameeyey wafti ka socdey hay’ad samafal oo caafimaadka iyo gargaarka ka shaqeysa xaruntooduna tahay wadanka Turkiga kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Puntland.
Garowe: Madaxwaynaha dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa xalay casho sharaf u sameeyey wafti ka socdey hay’ad samafal oo caafimaadka iyo gargaarka ka shaqeysa xaruntooduna tahay wadanka Turkiga kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Puntland.
Kulankan casho sharafka ah ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland, waxaana kulanka madaxwaynuhu la qaat ey waftigan ku waheliyey wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame.
 |
| Wasiirka Caafimaadka PL oo salaamaya Madaxa Wafdiga Turkey iyagoo W/xigeenka oo agtaagan |
Madaxwaynaha dawlada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waftigan kusoo dhaweeyey madaxtooyada waxayna ay ka wada hadleen sidii ay hay’adani uga qaybqaadan lahayd waxka qabashada baahiyaha caafimaad ee Puntland ka jira kuwaas oo ay xubnaha waftiganina ay balan qaadeen iyagoo uga mahadceliyey madaxwaynaha Puntland martiqaadka uu u sameeyey iyo soo dhaweynta ay ka heleen Puntland , waxaana booqashada waftigan ay ahayd tii ugu horeysay ee ay ku yimaadaan Puntland.
Dhinaca kale waftigan ayaa maantey booqdey xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ee Garowe, waxaana ku soo dhaweeyey wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame, waxaana uu la qaatey kulan ay uga wada hadlayeen sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca caafimaadka.
 |
| Wafdigii Turkey oo jooga xarunta W/Caafimaadka-Garowe |
Kulankan oo ka dhacay hoolka shirarka ee wasaaradda caafimaadka ayaa waftiga waxaa loosoo bandhigey muuqaal ka turjumayay baahiyaha caafimaad ee ka jira guud ahaan Puntland, iyadoo kulanka ay fadhiyeen wasiirka caafimaadka Dr. Cali C/laahi, wasiir ku xigeenka Maxamed Xirsi Ducaale, agaasimaha guud Dr. C/risaaq Xirsi Xasan, qaar ka mid ah agaasime waxeedyada wasaaradda, duqa Caasimada Garowe C/casiis Nuur Cilmi iyo madax ka socotey hay’ada wadaniga ee Al-Manhal.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr.Cali C/laahi ayaa waftigan uga mahadceliyey booqashada ay Puntland ku yimaadeen taasi oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah isagoo wasiirku xusey in waftigan ay yihiin kuwii ugu horeeyey ee Puntland kazoo gaara wadanka Turkiga ayna ku soo dhaweynayaan gacmo furan oo walaaltinimo.
 |
| Wafdigii Turkey oo jooga xarunta W/Caafimaadka-Garowe |
Baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira ayaa wasiirku sheegay inay yihiin kuwo aad u badan ayna ku daran yihiin daawooyinka iyo qalabka caafimaadka kuwaas oo uu sheegay inay yar yihiin Isbitaaladuna aysan haysan , dhanka dhakhaatiirta ayuu sheegay inay iyana baahi weyni ka jirto waxaana guud ahaan Puntland ku sugan 77 dhakhta sida wasiirku xusey waxaana halkii dhakhtar uu ku aadayaa 39,000 oo qof.
Dr.Cali C/laahi Warsame waxaa uu ka codsaday xubnaha waftigani inay Puntland ka caawiyaan dhanka caafimaadka ayna ugu yeerayaan hay’adaha samafalka ee Turkigu inay yimaadaan dalka ayna gargaar u fidiyaan umadda Soomaaliyeed ee dhibaatadu hayso.
Xubin ka tirsan waftigan ka socdey ayaa uga mahadceliyey wasiirka caafimaadka sida diiran ee uu ugu soo dhaweeyey xarunta wasaaradda caafimaadka, sida oo kale waxaa uu mahadceliyey dawlada Puntland oo ku martiqaadey gacmo furan, iyado uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Puntland yimaado.
Masuulkan waxa uu sheegay in ay dareemi karaan xaaladda oo ayna ka qiyaas qaateen muuqaalkii loosoo bandhigay, waxaana uu tibaaxay inay ka go’an tahay inay caawiyaan walaaha Puntland, masuulkan waxa uu intaas ku darey in dhawaan ay Puntland soo gaari doonaan dhakhaatiir Turky ah kuwaas oo dhanka caafimaadka ka caawin doona Puntland tagina doona Isbitaalada fulina doona hawlgalo caafimaad oo ay shacabka u baahan yihiin.
Waftigan ayaa markii ay u dhamaatey booqashadii wasaaradda caafimaadka ay ku tageen waxaa la geeyey Isbitaalka guud ee Garowe iyo xarunta lagu xanaaneeyo dadka dhimirka qaba, Isbitaalka guud ee Garowe ayaa waftigu waxay indhahooda ku arkeen baahiyihii ay wasaaradda caafimaadku ugu muujisay muuqaalkii loogu soo bandhigay xarunta W/caafimaadka waxayna indhahooda ku arkeen qalabka Isbitaalka sida sariiraha oo ah kuwo duqoobey.
Waftigan soo booqdey Puntland ayaa ka socdey hay’ad khayri ah oo layiraahdo KIMSE YOKE taas oo xarunteeduna tahay wadanka Turkiga, waxaana ay Puntland yimaadeen 25-bishan aynu ku jiro iyagoo kazoo dagay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari halkaas oo ay kunsoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dawlada Puntland, waftigan ayaana ah hay’adii horeysay ee Turki ah ee timaada Puntland doonaysana inay ka shaqeyso dhanka caafimaadka.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Xarunta Garowe