S
ubject:
War-saxaafadeed
Anagoo
ah Urur Difaaca Xaquuqda Caruurta Somalia Unadooda Ee fadhigoodu yahay
Muqdisho-somalia, laguna magacaabo
SOCHRO, Somali Children Rights
Organization,
kana howlgala Kofurta iyoBartmaha
gobolada Somalia.
Waxaan War-saaxafedeedkan ku
cambaaraynaynaa xasuuqa foosha xun oo ay geystaan ciidamada itobia ee
ku sugan dhulka soomaliya iyo kuwa dowlada federalka somaliya, waxay
caadeysteen xadgudubyada xaquuqul Aadanaha, laga bilaabo sanadkii 2007,
iyagoo ay dileen kumanaan dad rayid ah, halka kuwa kale ay ka bur-buriyeen
guryahooda, kumanaana waxay u geysteen dhaawacyo, halka halmilyan iyo
badhna dad rayid ah oo iskugu jira haween caruur iyo dad da,ah ay ka
barakaceen magaalada muqdisho, kuwaaso ku barakacay daafaha magaalada
inta u dhaxaysa shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe iyo gaar ahaan
koofurta iyo barmaha gobolada Somalia, 26/07/2008, ilaaha hadda waxaa
dagaalo ka socda Bartamaha gobolda Somalia lagu xasuuqay dad rayid ah
oo u badan caruur da,doodu tahay haljir- ilaa 18 jir waxaana loo geystaa
had iyo jeer xadgubud ka dhan ah xaquuqul aadanaha iyadoo ay Ciidmada
Itobia eek u sugan dhulka soomaliya iyo ciidmada dowlada federaalka
ay jabiyeen xeerka caalamiga ee laysla ogal yahay
Qodobkiisa 3Aad,
iyo
Qodobka 25Aad.
Waxaan ka codsanaynaa
Committee
of Experts on the Rights and Welfare and the Child
(CERWC)
African Commission on Human and People’s Rights (ACHPR)
African
Court of Human and People’s Rights (ACHPR)
International Human
Rights Watch,
(IHRW) iyo Wakiilka u qaabilsan
UN Security
Councilka, qeybta Xaquuqul Aadnaha ee Somalia, in ay soo
fara-galiyaan laguna sameeyo baaris caalami ah xadgudubyada loo
geysto dadka rayidka ah ee wali xasuuqa lagu hayo, gaar ahaan caruurta
oo aan wax-na galabsan inta u dhaxysa haljir- ilaa 18 jir.
Waxaan usoo jeedinaynaa
Xoogaga mucaaradka iyo Madaxa howl-galka Ciidamada Itobia ee ku sugan
dhulka soomalia iyo Madaxa How-galka Ciidmada hadda lagu soo taba-baray
in ay ilaaliyaan xeerarka caalamiga ee xuquuqul Aadanaha aan lagu
kor-dagaalamin maatida dhaxdeeda gaar ahaan caruurta ku nool Koofurta
iyo Bartamaha Gobolada Somalia.
F.G.
Waxaan u Istaagan nahay Dhowrista Xaquuqda Caruurta
Chairman of Sochro Somalia:
Eng: Mataan Ali Hassan
For Further Information Contact
Us:
Mobile Phone: 2521-5577977+
Tell: 2521-854260 + 2521-62577977 E-mail:
Sochrosomalia@yahoo.com / E-mail:
sochrosomalia@hotmail.com