From Garoweonline.com

Somalia
Muran soo dhexgaley ururka Xisbul Islam
By
Dec 26, 2009 - 12:17:35 PM

Sarkaal ka tirsan maamulka Xisbul Islam ayaa beeniyay warar uu saxaafada kasii daayay xoghayaha warfaafinta ee Xisbul Islam Sh. Max'ed Macalin Cali, isagoo ku sheegay hadaladaas oo ku aadanaa wadahadalo u dhexeeyay Al-shabaab iyo Xisbul Islam oo burburay kuwo aan jirin.

Xoghayaha arimaha bulshada ee Xisbul Islam Sh. Sahal Muuse oo shir jaraa'id ku qabtay deegaanka Ceelasha biyaha oo 17-km koonfur kaga beegan Muqdisho ayaa sheegay inaysan burburin wadahadaladii u dhexeeyay Al-shabaab iyo Ururkooda.

"Wadahadaladu waxay marayaan meel wanaagsan, waxaana lagu wadaa inay dhawaan kasoo baxaan qodobo ay labada dhinac ku heshiiyeen" ayuu wariyeyaasha u sheegay Sh. Salman Muse oo xusay inuu ku hadlayo afka maamulka.

Shir jaraa'id oo xoghayaha warfaafinta ee Xisbul Islam Sh. Max'ed Macalin Cali uu ku qabtay Muqdisho maalmo ka hor ayuu ku sheegay inay fashilmeen wadahadalo u dhexeeyay ururkiisa iyo Al-Shabaab, kuwaasoo salka ku haya dhameynta khilaafkii sababay dagaalkii Kismaayo.

"Kulan looga hadlayay khilaafka dagaalkii Kismaayo oo u dhexeeyay Al-shabaab iyo Xisbul Islam kana dhacay Muqdisho ayaa ku dhamaaday fashil, kadib Al-shabaab markii ay diiday qodobo ka mid ah heshiiska" ayuu yiri Xoghayaha warfaafinta ee Xisbul Islam.

Al-Shabaab iyo Xisbul Islam ayaa ku dagaalamay Gobolka Jubada hoose, kadib markii uu khilaaf ku aadan gacan ku haynta Magaalada Kismaayo uu soo dhexgalay labada urur, iyadoo dagaalkii dhacay ay ku guulaysatay Al-shabaab.

"Hadalka kasoo baxay Sh. Max'ed Macalin Cali waa mid isaga jeebkiisa uu kala soo baxay, mana qabo ururka, inagu waxaan rumeysanahay in walaalaheen aan la heshiin karno, wadahadaladuna waxay inoo marayaan meel wanaagsan" ayuu yiri Sh. Salman Muse.

Khilaafkan soo dhexgalay Ururka Xisbul Islam ayaa saameyn ku yeeshay maamulka qaybihiisa kala duwan, iyadoo ururka Al-shabaab uusan weli ka hadlin wadahadal burburay iyo shir ay la leeyihiin kooxda ay xulufada ku yihiin dagaalka looga horjeedo DF.

GAROWE ONLINE


http://www.garoweonline.com