Arday tababar loogu soo xiray Garowe 22 Nov 22, 2012 - 9:12:33 AM
GAROWE ONLINE
Ururka Somali Family Service ayaa galabta 22 November,2012 magaalada Garowe tababar ugu soo xiray arday gaareysa 100 oo dhamatysatay xirfadaha Harqaanka ,Makaaniga, Maamulka iyo Barashada Computerka.
Dhalintan dhamaysatey tababarka oo isugu jirey wiilal iyo gabdho ayaa 15 ka mid ah la barey samaynta Cilaanka ama Xinaha,halka 25 makaaniga ay dhigteen,waxana jira 30 naqshadeynta iyo toliinka dharka loo dhigey iyo 30 kale oo maamulka iyo Computerka dhamaysatey.
Goobta oo ahayd Maktabada Garowe ''Library'' ayaa lagu soo bandhigey koox weliba waxay baratay iyadoona 70 ka mid ah laga soo xuley xeryaha barakacayaasha halka 30-ka kalena ay ahaayeen dad ka soo jeeda qoysas danyar ah.
Xaflada ayaa shahaadooyin dhamaadkeedi lagu gudoonsiiyey ardeyda dhamaysatey tababarka waxana ka soo qaybgalay masuuliyiinta wasaarada arrimaha gudaha sida Agaasimaga barakacayaasha Beexaani Axmed Nuur iyo Duqa degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor.
Dhamaan masuuliyiinti xaflada ka hadashay ayaa aad u soo dhaweeyay ardayada xirfadaha dhamayasatay iyadoona u mahad celiyay hayada SFS xirfadaha ay bareen ardayada iyo hawlaha kala duwan ee ururku ka wado Puntland.
Agaasimaha Ururka Somali Family Service Cabdirashiid Maxamed Cali oo la hadlay Radio Garowe ayaa ka warbixiyay waxyaalaha ay barteen ardaydu ,waxana uu sheegay in mashruucaan qaybta ugu badan loogu talagalay kor u qaadida xirfadaha dadka barakacaayshaa ah.
Sidoo kale Cabdirashiid ayaa tilmaamey inay jiraan barnaamijyo ay hayadu soka wado lix iskuul taasoo loogu tagalay dadka reer miyig ah, isagoona raaciyey in dhowaan bilaabi doonaan qayb cusub mashaariicda waxbarashada.
Halkan ka dhageyso Cawil Cali Jaamac oo wareystey C/rashiid