|
|
|
|
| Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
20 ku dhimatey dagaalo Muqdisho
9 Sep 9, 2010 - 8:42:15 AM
|
Ugu yaraan 20-qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, 40-qofna way ku dhaawacmeen dagaal xalay ilaa saakay ka socday Muqdisho, kaasoo u dhexeeyay Al-shabaab iyo DF oo garabsanaysa ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika.
Dagaalkan oo ay horumar ka gaartay DF ayaa wuxuu ka dhacay degmooyinka Hodan, H/wadaag, Boondheere iyo C/casiis, kuwaasoo ay todobaadyadii ugu dambeeyay ka socdeen dagaalo u dhexeeya dhinacyada hardanka siyaasadeed uu ka dhexeeyo.
Goobjoogayaal ayaa sheeagy in dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsadeen hub fara badan, ayna khasaare soo kala gaartay, inkastoo dhinacyadu aysan ka hadlin khasaaraha gaaray, balse waxay kala sheegtay guulo.
Dowlada Somalia ayaa sheegtay in dagaaladii ka dhacay degmooyinka Waqooyiga Muqdisho ku yaala ee Boondheere iyo C/casiis ay guulo ka gaareen, ayna dib u qabsadeen goobo maalin ka hor laga qabsaday.
"Ciidamada DF ayaa weerarka qaaday waxaana dagaalka ku dilnay labaatameeyo ka tirsan Al-shabaab oo Ajnabi ay ku jireen, sidoo kalena saraakiil iyo ciidamo ayaa isku soo dhiibay DF, saxaafada ayaana tusaynaa" ayuu yiri Sh. C/risaaq Qaylow oo dowlada u hadlay.
Afhayeenkan ayaa sheegay in ciidamada dowladu ay wacdaro ka dhigteen dagaalka ayna la wareegeen Saldhigii Bari ee degmada C/casiis oo ka mid aha goobo ay la wareegtay Al-shabaab maalin ka hor.
Sh. C/casiis Abu-Muscab oo isaguna u hadlay Al-shabaab ayaa beeniyay hadalka kasoo baxay DF, wuxuuna sheegay in ciidamadooda ay dileen tiro askar AMISOM iyo kuwo Somali ah isugu jirta, ayna ku sugan yihiin goobihii ay la wareegeen.
Dagaalkan ayaa ka mid ah dagaalo ay khasaaraha ugu badan kasoo gaartay rayidka ku nool Muqdisho, kuwaasoo in ka badan laba todobaad ka socda Muqdisho, ayna ku dhawaaqday Al-shabaab, iyadoo lagu loolamayo degmooyinka ay DF ka taliso.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|