Shirkii Midowga Afrika uga socday Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa waxaa ka soo baxay war sheegaya in ciidamo cusub lagu kordhin doono ciidanka AMISOM ee jooga Muqdisho.
Shirkaan oo micno gaar ah leh ka dib qaraxyadii in ka badan 70-ruux ku dhinteen oo Kampala ka dhacay July 11 oo ay sheegteen kooxda Al Shabaab.
Saraakiisha Midowga Afrika (AU) ayaa sheegay in 4,000-kun oo ciidamo cusub oo Afrikaan ah dhowaan la keeni doono Muqdisho si ay u difaacaan Dowladda Federaalka KMG ah oo uu garwadeenka ka yahay Sh. Sharif Sh. Axmad, oo asba jooga shirkaasi.
Wakaalada wararka Reuters oo xiganaysa Mr. Jean Ping, oo ah Gudoomiyaha Midowga Afrika, ayaa yiri: “Way naga go’an tahay inaan 4,000-kun ciidan cusub geyno [Somalia]…Dalka Guinea, wuxuu balan qaaday hal battalion, Dalalka ku bahoobay IGAD waxay keeni doonaan 2,000-ciidan iyo dalka Djibouti oo ciidamo deg-deg ah soo diri doono.”
Mr. Ping wuxuu sheegay in codsigii hore ee ahaa 8,100-ciidan oo AMISOM ah laga badalay lagana dhigay codsi ciidan oo intaasi ka badan.
Laakin Mr. Ping wuxuu intaasi ku daray in codsi ka yimid Dowladda Uganda oo ah hogaanka ciidanka AMISOM ay dalka Afrika isku khilaafeen isagoo sheegay in AMISOM laga diiday inay badasho qaabka howlgalka (operational mandate).
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa codsaday in AMISOM la siiyo amar ay ku weeraraan kooxaha Al Shabaab laakinse sharciga AMISOM ayaa qorayaa in ciidanka AMISOM leeyihiin labo shaqo: 1) inay is difaacaan; 2) inay difaacaan DFKMG ah.
Hadii sharciga howlgalka AMISOM la badalo waa in Qaramada Midoobay ay badalkaasi ansixisaa waxaana la sheegay in Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Mr. Augustine Mahiga, uu madaxda dalalka Afrika u sheegay inuu ka soo horjeedo in sharciga AMISOM loo badalo mid ay dagaal ku qaadi karaan kooxaha hubaysan oo dowlad-diidka ah sida Al Shabaab.
Dalalka Afrika qaarkood ayaa aaminsan in ciidanka AMISOM ay duqeyaan xaafada Shacabka Muqdisho arrintaasi oo ay ka faa’idaystaan kooxaha hubaysan.
Madaxda Midowga Afrika ayaa in badan ku dadaalay in ciidanka AMISOM laga dhigo ciidan UN-ka ah laakinse Qaramada Midoobay ayaa diidan codsigaasi.
Ilaa iyo hadda ma cadda dalalka ka tirsan IGAD oo 2,000-ciidan u soo diri doono Muqdisho si loo kordhiyo ciidanka AMISOM laakin dalka Djibouti ayaa hore u diyaarshay 500-ciidan oo lagu biiriyo AMISOM.
GAROWE ONLINE