Home
  Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Jul 4, 2009 - 4:51:38 PM
Wararka
79-askari oo loo xiray dambiyo


Shir jaraa'id oo uu maanta Muqdisho ku qabtay xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada DF; G/sare: C/naasir Axmed Max'ed ayaa sheegay inay 79-askari loo xirxiray sababo la xiriira dhac ay u geysteen dad rayid ah.

G/sare C/naasir ayaa xusay in askartaas lagu soo qabqabtay howlgalo ay dhawaan bilaabeen Booliiska Somalia, taasoo looga hortagayo dhac iyo dhibaateynta shacabka ay ku hayaan ciidamada DF iyo kuwa xirtay dharka ciidamada.

"Dhawaan ayaa maxkamad la saari doonaa askartaan, waxaana lagu qaadi doonaa xukumadii lagu rido" ayuu yiri xeer ilaaliyaha ciidamada DF, isagoo intaas ku daray in talaabadan ay tahay mid looga hortagayo in shacabka la dhaco.

Ciidamadan ayaa ku xiran xabsiyo kala duwan oo ku yaala Muqdisho, iyadoo xeer ilaaliyuhu uu ku sheegay shirkiisa jaraa'id in intooda badan la qabtay iyagoo dhac ay ka geysteen degmada Xamarweyne.

"DF waxay xooga saaraysaa sidii ay shacabku ugu kalsoonaan lahaayeen ciidamada, waxaana bilowday howlgalo lagu raadinayo kuwa dhaca u geysta shacabka intii ay badbaadin lahaayeen" ayuu yiri G/sare C/naasir.

Xeer ilaaliyuhu, wuxuu ka dhawaajiyay in tan iyo intii la dhisay DF ay xukumo dil ah ku fulisay 9-askari oo ahaa kuwo askar kale dilay iyo mid haweeney rayid ah ku toogtay bartamaha Degmada Xamarweyne.

"Askarigii lagu xukumo dil waa la dilayaa, askarigii muteysta xarigna waa la xirayaa" ayuu kaga jawaabay xeer ilaaliyuhu su'aal ahayd in askarta lagu xukumayo dil iyo in kale.

Taliyaha Booliiska DF Gen. Cabdi Xasan Cawaale [Qaybdiid] ayaa sheegay maalmo ka hor in 15-askari ay u xiran yihiin sababo salka ku haya dhac ay geysteen dad rayid ah, isagoo xusay inay maxkamad saari doonaan.
 
Garowe Online, Muqdisho
RELATED:
Dagaalada Muqdisho & Wariye la dilay
'Maxakimta waa burbureen'
Laba weriye la masaafuriyay

Advertisement
 

U.S. weapons to Somalia: The Disastrous Move

EDITORS PICK:

Somalia: Ex-PM Gedi condemns insurgents, praises Puntland
NAIROBI, Kenya July 4 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us