Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Feb 11, 2014 - 5:11:05 AM
Wararka
7 ruux oo lagu diley Bariga Kenya

Todobada ayaa lagu dilay deegaanka Maleele oo u dhexeeya deegaanka Dhadhaab oo ay ku yaalaan xeryaha Qoxootiga iyo Libyo oo ku dhow xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay toogteen 7-qof oo 5 ka mid ah ay ahaayeen Rag, kuwaasoo qaarkood lagu dilay Masaajid ay salaadii Subax ee saakay ku tukadeen.

“Kooxo hubeysan oo wata qoryaha fudud ee AK-47 ayaa toogtay Todobada oo dadka deegaanka ka tirsan, sadex ka mid ah oo uu ku jiray Imaam Masjid waxay ku toogteen Majid tuulada ku yaala, halka labada kalena ay guryahooda ku dileen. Sidoo kale waxay dileen laba haween ah oo kusoo baxay rasaasta” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool Tuulada uu dilku ka dhacay.

Falkan ayaa wuxuu ka mid noqonayaa kuwii ugu xumaa ee dalka Kenya ka dhaca tan iyo markii ay Kenya ciidamada u soo dirtay Somalia si ay Al-shabaab ula dagaalamaan.

Dableyda weerarkan fuliyay ayaa baxsaday, iyadoo Saraakiisha Amaanka Kenya aysan jirin cid ay ku eedeeyeen inay dilkan ka dambeysay, iyadoo sidoo kalena aysan jirin cid sheegatay.

Balse waxaa jira tuhuno ku aadan in dilkan uu yahay mid salka ku haya aano beeleed oo mararka qaarkood ka dhaca deegaanada xuduuda ku yaala ee dalka Kenya.

Maydadka dadkii la dilay ayaa isla maanta lagu aasay tuuladii uu falku ka dhacay, iyadoo ciidamaduna ay bilaabeen baadi-goobka dadkii dilalkan ka dambeeyay, waxaana falkan uu noqonayaa mid lagu bartilmaameedsaday dad cibaadeysanayay.

Falkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Todobaadyo kadib ay dalka Kenya ka bilaabayaan doorashooyinka Madaxnimo ee dalkaas, waxaana bishan lagu dilay Magaalada Gaarisa dad shacab ah iyo sarkaal ka tirsan ciidamada.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Magalada Garowe oo laga xusay dhalashada Puntland
Xasan Sh.oo baaq adag diray
Dr.Gaas oo xiriirka u jiray DF


Advertisement
 

Somalia: Puntland President not adamant about domestic, external threats [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland withdraws support for Federal Govt

GAROWE, Somalia July 31, 2014 (Garowe Online)

Somalia: Puntland expresses concern over central state

Somalia: Puntland soldiers surrender to Somaliland amid mutiny

Somalia: Federal Govt endorses central state after tripartite deal

Somalia: Radio Garowe hosts educational contest for neighborhoods

Hani Garabyare's Journey From Somalia to the Senate

Somalia: Puntland Govt committed to’ implementing democracy’-says President

Somalia minimizes overseas embassies due to shortfall in budget

Somalia: Massive security operation launched in Mogadishu following killings

Somalia: Six killed in renewed fighting over regional influence

Somalia: President Hassan, PM host Iftar Dinner for Puntland delegation

Somalia: State Funeral held for popular musician, MP Saado

Somalia: MP murder sparks widespread condemnation

United States Condemns the Killing of Somali MP Saado Ali Warsame in Mogadishu

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us