AMISOM: 2012 Guulo ayaan gaarnay 5 Jan 5, 2013 - 6:31:02 AM
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ayaa waxay sheegeen inay guulo ka gaareen dagaaladii ay Al-shabaab la galeen Sanadkii lasoo dhaafay 2012 iyagoo sheegay in sanadkaas uu ahaa sanadkii guul-darooyinka Al-shabaab iyo miro-gurashadii AMISOM.
Taliyaha Guud ee AMISOM Gen. Andrew Gutti iyo Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan oo labaduba la hadlay saxaafada ayaa sheegay in AMISOM ay ku talaabsatay guulo, iyagoo xusay in 6-sano oo ay Somalia ay Somalia ku sugnaayeen aysan gaarin guulihii ay gaareen sanadkii hore.
“Ciidamadeenu hada waxay ka howgalaan gobolo badan oo Somalia ku yaala waxaana sii wadi doonaa howaglka aan kula dagaalamayno Al-shabaab” ayuu yiri Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan.
Sidoo kale, Taliyaha AMISOM ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal cusub oo ay ciidamadooda ku gaarsiinayaan deegaano ka baxsan Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gobolka Gedo iyo Gobolka Galguduud.
“Howlgaladu ma joogsan doonaan inta Al-shabaab la cirib-tirayo, waxaana naga go’an inaan howgaladeena sii xoojino inta aan ka gaaranyno meel walba oo Somalia ah” ayuu yiri Gen. Gutti oo xusay in howgalkooda ay ku waayeen askar fara badan.
Ciidamada AMISOM oo ka socda afar wadan oo Afrikaan ah ayaa waxay hada ku sugan yihiin Gobolada Hiiraan, Bay, Jubada Hoose iyo labada Shabeele oo ku dhow Muqdisho.
Howlgalka AMISOM oo muddo yar ay ka harsan tahay ayay saraakiisha AMISOM sheegeen inay rajo weyn ka qabaan in xiliga loo kordhin doono si ay u sii xoojiyaan howgaladooda lagu soo celinayo amaanka Somalia.
Askar badan oo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa lagu dilay dagaaladii ay la galeen Al-shabaab, iyadoo la xusuusto in 76 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM lagu dilay maalin qura degmada Dayniile oo ka tirsan Muqdisho.