|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
AMISOM oo Jiirtay wiil dhalinyaro ah
12 Feb 12, 2012 - 7:33:39 AM
|
Gaadiidka Dagaalka ee AMISOM ayaa Maanta [Feb 12, 2012] ku jiiray Muqdisho wiil dhalinyaro ah, kaasoo marayay Isgoyska KM4 oo ka mid ah Isgoysyada ugu dadka badan Caasimada Somalia.
Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay inay jirto in qof rayid ah uu gaadiidkoodu ku jiiray Isgoyska KM4 ayna arintaas ku hayaan baaritaan, wuxuuna ku tilmaamay arin aad looga xumaado.
"Mid ka mid ah gaadiidkeenna ayaa qof rayid ah ku jiiray Isgoyska KM4 waxaana socda baaris lagu ogaanayo qaabka uu ku dhacay iyo sababta keentay" ayuu yiri Col. Paddy Ankunda oo sheegay in baarista kadib ay bixin doonaan faahfaahin.
Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 10,000 oo askari iyagoo gacanta ku haya Muqdisho 98%, ayna dagaal kula jiraan xoogaga Al-shabaab oo shaaciyay inay ku biireen Al-Qaacida.
Ruux goobjooge ah oo ku sugnaa Isgoyska KM4 ayaa u sheegay Warsidaha GO inay baabuurtu wiilka dhalinyarada ah madaxa ka jiireen dabadeedna ay iska tageen, isagoo falkan ku tilmaamay mid dhowr jeer ka dhacay Isgoyska KM4.
Kolonyada gaadiidka AMISOM ayaa dhowr jeer Muqdisho ku jiiray dad shacab ah oo ay ku jiraan ilmo yar, waxaana dhawaan ay soo bandhigeen gabar uu mid ka mid ah gaadiidka AMISOM lugta kaga jiiray Degmada Kaaraan taasoo lagu soo kabay dalka Kenya.
Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale horay ugu toogtay Muqdisho dad shacab ah oo isugu jiray rag iyo dumar kuwaasoo aan waxba galabsan, waxayna sanadkii hore ku dileen Muqdisho Wariye u dhashay dalka Malaysia iyagoo mid kalena dhaawacay.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|