AMISOM oo Rayid Toogatay 17 Jan 17, 2013 - 7:10:18 AM
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa toogasho ku dilay Todoba qof oo shacab ah, kuwaasoo 5 ka mid ah ay ahaayeen caruur dhiganayay Dugsi lagu barto Qur’aanka oo ku yaala deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jiisoow oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Somalia.
Mudanaha ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay si khalad ah rasaasta ugu fureen Dugsiga Xili ay Ugaarsanayeen Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo deegaankaas ku dhuumaaleysanayay.
Xildhibaanku oo booqday Maanta deegaanka ay mashaqadan ka dhacday Maalin ka hor ayaa sheegay in shanta caruurta ah ee ku dhintay Rasaasta ay dhamaantood da’doodu ka yarayd 10-sano.
“Deegaanka uu weerarku ka dhacay 120-km dhinaca galbeed kaga beegan tahay magaalada Muqdisho, waxaana dhacdadani ay ka dhacday aroortii hore ee Maalintii Salaasada, xilli ay ardaydu ku sugnaayeen Dugsiga ay ka baranayeen Qur’aanka” ayuu yiri Xil. Daahir Jeesow.
Mudanuhu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay daqiiqado ka hor xiligaas weerar kala kulmeen Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ku baxsaday deegaanka ay mashaqadu ka dhacday.
“AMISOM waxay horay u sheegtay inay mas’uuliyad weyn iska saarayso yareynta khasaaraha shacabka soo gaaraya inta ay ku jirto howgaladeeda, waxaana arintan ku sameyn doonaan baaritaano dheeraad ah” ayuu yiri Jen. Salvatore Harushimana oo ah ku simaha Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Afrika.
Al-shabaab ayaa ku eedeysay weerarkaas ciidamada AMISOM iyadoo mas’uul u hadlay kooxdan uu sheegay inay ka aargudan doonaan ciidamada AU-da falka ay ku dileen dadka shacabka ah.
Ciidmada AMISOM oo caawinaya kuwa DF ayaa waxay dagaal kula jireen muddo shan sano ah xoogaga Al-shabaab, iyagoo sanadkii hore ka saaray deegaano fara badan oo ay ka talin jireen, kuwaasoo ay ku jirto Kismaayo.