Home
  Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Jul 4, 2009 - 8:15:06 AM
Wararka
AMISOM oo badalysa Ethiopia


Kuliyadii hore Jaalle Siyaad oo ku dhow Wasaarada Gaashaandhiga ayaa noqotay saldhig cusub oo ay ciidamada Burundi oo ka tirsan kuwa AMISOM ka dagaan Magaalada Muqdisho.

Gen. Nyayangura Javanol oo ah taliyaha ciidamada Burundi ee Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in talaabadan ay qayb ka tahay hirgelinta heshiiskii ay DF iyo ARS ku gaareen dalka Jabuuti.

Ciidamadan dagay kuliyadii Jaalle siyaad ayaa waxay wataan gaadiid dagaal, iyagoo bilaabay inay wadada dheer ee warshadaha ku koontaroolaan gaadiidka halkaas maraya.

"Waxaan ciidamo geytay kuliyadii Jaalle Siyaad, waxayna talaabadan qayb tahay sidii aan ku dhaqangelin lahayn heshiiskii Jabuuti oo dhigayay inaan la wareegno saldhigyada ay ka guuraan ciidamada Ethiopia" ayuu yiri Gen. Nyayangura Javanol.

DF iyo ARS ayaa ku gaaray dalka Jabuuti heshiis qodobadiisu ay ka mid ahaayeen in ciidmada Ethiopia ay mudo bil ah kaga baxaan goobaha ay rayidku dagan yihiin, ayna goobahaas la wareegaan ciiidamo la isku dhafay iyo kuwa AMISOM.

"Ciidamadeenu waxay la wareegi doonaan wasaaradii gaashaandhiga, waayo heshiiskii Jabuuti ayaa sidaas dhigayay" ayuu mar kale yiri Gen. Nyayangura oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale Gen. Javanol, wuxuu sheegay in saldhigyo cusub ay dajin doonaan maalmaha soo socda ciidamadooda, isagoo diiday inuu shaaciyo saldhigyadaas halka ay ku yaalaan.

Goobjoogayaal ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada Ethiopia ee ku jira Wasaarada Gaashaandhiga ay wadaan dhaqdhaqaayo ciidan oo u muuqda inay halkaas kaga baxayaan.
 
Garowe Online, Muqdisho

RELATED:
Sarkal ka gostey Maxkamdaha oo hadley
Warbixin: Dagalka oo xogeystey
Madaxweynaha PL oo ka qayb galey xuskii 1 July Minnesota

Advertisement
 

Analysis: Somalia aid tied to shaky government

EDITORS PICK:

Somalia: Mogadishu violence, exodus continue for third day
MOGADISHU, Somalia July 3 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us