AMISOM oo ka hadashay waxqabad 10 Jan 10, 2013 - 10:40:49 AM
Afhayeenka Ciidmada AMISOM oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadooda oo tiradoodu gaarayso 17,000 oo askari ay guulo ka gaareen dagaaladii ay la galeen Al-shabaab, ayna haatan ku sugan yihiin deegaano ka fog Muqdisho.
Col. Cali Aadan Xumad ayaa wareiyayaasha u sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ay kula dagaalamayaan Al-shabaab inta ay dalka oo dhan ka saarayaan, wuxuuna xusay in howlgallkooda uu isku bedelay mid nabad dhalin ah.
“Howlgaladii aan ka wadnay Somaila waxay u muuqdaan kuwo Najaxay, waayo waxaanu gaarnay deegaano ka baxsan Muqdisho, sida Balaweyne, Kismaayo, Jowhar, Baydhabo iyo Marko” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in deegaanadii ay Al-shabaab kala wareegeen ay amaan yihiin xiligan ayna wadaan qorshayaal kale oo ay ku adkeynayaan ammaanka si aysan kooxda Al-shabaab dhibaatooyin uga abuurin.
Ciidmada AMISOM oo ka socda dalalka, Djibouti, Uganda, Burundi iyo Kenya ayaa waxay sanadkii lasoo dhaafay Al-shabaab ka qabsadeen deegaano fara badan oo ay ka talin jireen, waxaana deegaanadaas ka mid Magaalada Kismaayo oo Al-shabaab ay awood badan ku lahayd.
“Waxaan doonaynaa inaan sii xoojino Howlgalkeena maadaama sanadkii hore [2012] aan guulo muuqda gaarnay, shacabkana waxaan ka dalbanaynaa inay nala shaqeeyaan” ayuu yiri Col. Xumad.
Howlgalka AMISOM oo galay sanadkii 7-aad ayaa waxaa sanadkii hore ee 2012 uu ahaa sanadkii ay gaareen guulihii ugu waaweynaa, iyagoo Al-shabaab ku qasbay inay ka baxdo Muqdisho oo ay awood badan ku lahayd.